Shir: Xubnaha iyo Taageerayaasha xisbiga UDUB ee Finland

 


Helsinki-03.04.2010. Waxaa Magaala madaxda dalka Finland ee Helsinki isugu yimi  Xubna ha iyo taageerayaasha xisbiga UDUB laantiisa wadanka Finland. Furitaankii shirka oo uu gu doomiyaha xisbiga udub laantiisa Finland Mudane Siciid Cumar ku soo dhaweeyey  xubna ha.Gudoomiyuhu waxaa uu ka hadlay shirkoodan maanta muhimadiisa oo ah in la  dhamm aystiro go’aanadii lagu qaatay shir sanndeedkii Xisbiga ee waqooyioga Yurub loona hawl galo kaalinta kaga beegan reer Finland ahaan.


Iyadoo sida aynu ka warqabno ay inagu soo fool leeyihiin doorasho uu xisbeegeennu uga tartamayo Madaxtooyada.Waxaa lagama maarmaan ah inaynu dhammaystirno wixii inaga hawl inagaga aadan.Waxaa uu gudoomiyuhu ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Garabka Hawweenka ee waqooyiga Yurub Canab Axmed, iyadoo faahfaahin ka bixisay kaalinta   ha w eenku kaga jiraan hawlaha xisbiga, kuna dhiiri gelisay inay kaalin muuqata ka qaataan hawlaha xisbiga iyo guud ahaanba dalka gudo iyo dibedba.

Maxamed Aadan Cilmi, ayaa isna ka warmay hawsha doorashooinka iyo culayskeedda oo uu sheegay in ay lagama maan, ka dhigayso in xubnaha xisbiga ee qurba joogga ahi kaalin weyn ka qaataan.Xag dhaqaale ,xaga taageero iyo taloba. Shuun biixi ayaa dhiirigelin iyo guubaabo xoog leh u jeedisay guud ahaanba xubnha xisbiga gaar ahaan garabka haweenka ee laanta Finland.Xubnaha xisbiga ayaa in badani iyana talooyin iyo afkaar wax ku ool ah ka soo jeediyeen madasha shirka.

Gudoomiyaha Laanta Finland ayaa gebegebaddii shirka mahadnaq u jeediyey xubnha  xi sbiga UDUB ee laanta iyo taageerayaashiisaba,si wanaagsan ee ay uga soo qayb galeen shirka, kuna booriyey in hawshu hadda uun bilaw tahay loo baahan yahay taageeradooda iyo Salaanta Islaamka.

 


Siciid Cumar.
Gudoomiyaha UDUB Laanta Finland-Helsinki