|
Shirka London loogu qabanayo maamul Goboleedada Soomaaliya,maxaa Somaliland uga kidhiisha !
![]()
Taariikh: 23 January 2012
Somaliland,waa Dal jira oo xuduudiisa iyo dadka ku noolba la yaqaano.Haddaan taariikhda aan duugo obin dib u milicsnno, Somaliland waxay xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyad Ingiriisa, 26 June 19 60,waxaana Dal ahaan u aqoonsday Qaramada Mudoobay (United Nations) iyo 35 waddan , oo ay ka mid tahay Dawladda Maraykanku (USA)...Nasiib darro,waxay si bilaa shuruud ah ula midawday Koon furta Somalilaya ,1 July 1960. Midawgii dheef laga munfacaadsaday daayoo,waxaa laga dhaxlay bur bur, xasuuq & isir tir ...........
Qadiyadda iyo xaqa ay Somaliland u leedahay inay aqoonsi hesho,waa mid fagaarayaal Caalami ah iy o saxaafadda adduunkaba in badan lagu gorfeeyey.Tusaale waxaa innogu filan , qoraalka cinwaankii su ahaa:
ee ay qoreen labada aqoon yahan ee kala ah ,Anthony J. Carroll and B. Rajagopal, laguna daabacay wargeyska Caalamiga ah,aadnna loo Qadariyo ee lagu magacaabo, Journal of International Law & P olitics...Labadaa aqoon yahay,waxay si cilmiyeysan u qaadaa dhigeen qadiyadda Somaliland,shuruu cda Caalamka,waxaanay ku soo gaba gabeeyeen qoraalkoodii in Somaliland la aqoonsado..... Qoraalk aas oo dhamays tiranna ka bogo: THE CASE FOR THE INDEPENDENT STATEHOOD OF SOMALILAND Haddaba,Boqortooyada Ingiriiska oo ah Dalkii aynu xornimadeenii ka qaadanay, ahnna Dal taariikhde enna iyo dadnimadeenaba aad u yaqaana, marka loo eego wadamada reer Galbeedkana ah Dalka ug u xogo gaalsan xaqa ay Somaliland u leedhay inay aqoonsi Caalamiya hesho, may ahayn maanta in ay inoogu yeedho shirka ay isugu imanayaan maamul Goboleedada tirada ka batay , ee Dalkii la odh an jiray Somaliya , balse waxaa ka habboonayd inay hormood ka noqdaan Aqoonsiga Somaliland. Shirkaasi maaha mid ka talinaya aayaha iyo maslaxadda Qaranimada Somaliland, marti qaadkaasina maaha mid noo cuntamaya, Qaranimada Somalilandna, waa mid aanu u soo hurnay naf iyo maal,xin jir iyo dhiignna aanu ku bixinay,haddii ay Somaliland 100 Sanno ee soo socda Aqoonsi ka heli weydo bulshad a Caalamkana,wax ay ka bedelaysaa haba yaraatee ma jirto jiritaanka & gooni isu tagga So maliland. Haddii Ingiriisku uu ku soo gabanayo Shilimaadka faraha guudkooda aan dhaafsiineyn ee u u innoo fidiyana ,waxaan leenahay gacan bani aadam laguma hagar baxee, Deeqda Alleh ayaa lagu baahi baxaa , ee cagta wax ka day.
Guntii iyo gunaanad , Shirka London ee loo qabanyo maamul Goboleedada tirada badan ee Somaliya, waxba Somaliland ugama kidhiish aha.Madaxweynaha Somalilandna waxaan leenahay , magacaagu ha jiree , ha gaagixin Aqoonsiga ,ha wiiqin Qaranimada Somaliand,hana dhex fadhiisan maamul Gobol eedada darka jiidhay ee Caynkii iyo Baydiiba goostay ...........Qaranimada Somalilandna waa MUQAD AS , aan cidnaba gor gortan lagala geli karin.
Timacade News
|