Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga Ah Ee SOMTEL oo bilad Dahab ah gudoonsiisey Oradyahanka Caanka ah Ee Mo Farah iyo Xisiihii Xafladii qiimaha laheyd ee ay u qabatey

 

 

 

Hargeysa (TNN)-Shirka Somtel ayaa Xaflad aad u ballaadhan oo casho sharaf aheyd kumaamuustey ku na soo dhaweynsay Oradyahanka caanka ah ee Maxamed Faarax oo dhawaan socdaal dalbarasho ah ay isaga iyo reerkiisu ku yimaadeen Somaliland ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Har geysa.sidoo kalle waxaa xafladaasi ku wahelineeyey orodyahanka fanaanka caanka ah ee Sir Mohamud Omer.

Munaasibadda xafladdaasi oo si quruxbadan loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay ,Wasiirka dhalli nyarada dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland Md Cabdi Siciid Faahiye,Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Odey ,Madaxa Shaqada iyo hawlaha Shirkadda Somatel Cawil Saalax Cabdi,masuuliyiin ka le iyo shaqaalaha shirkadda,xubno kasocdey ururada bulshada rayidka iyo Martishar kalla duwan.

Sir Maxamuud Cumaryare oo ka soo raacay Maxamed Faarax dalka UK oo halkaa ka hadlay ayaa sheeg ay inay farxad weyn u tahay inuu caawa garabtaagan yahay oradyahanka Maxamed illaa iyo safarkii dheeraa ee uu kaga soo kicitimay dalka UK.
Fanaanka caanka ee Sir Mohamud Cumar waxaa uu u mahadnaqey shirkada isgaadhsiinta caalamiga ah ee SOMTEL.waxaa uu sheegey sirmohamud iney farxad wayn tahey in ciyaaryahanka caalamiga ah uu dalkiisii hooyo kusoo noqdo oo uusoo booqdo waxaa uuu mahad naqey xukuumada somalilad ,sahcabka somaliland gaar ahaan gobolada saaxil,hargeysa iyo gabiley sidii fiicneyd ee ay usoo dhaweeyeey wafti ga.

Gudoomiyaha Dallada Sonyo axmed Cabdi Wacays oo xafladaasi kahadley ayaa u mahadnaqay Maxamed Faarax iyo guushii uu ka soo hooeyey tartankiii uu ku qaaday Oraddadii ugu dambeeyey ee uu ku qaad ay 5000 ee Miter taasi oo uu sheegay ay guul weyn iyo magacba u tahay dhamaan ummadda Somalila nd.


Mr Wacays waxa uu sheegay inay dhalinyarada Somaliland qaadi karaan masuuliyad kasta oo loo dhiibo waxaanu tusaale u soo qaatay Maxamed Faarax guusha uu keenay maadaama uu yahay nin dhalinyaro ah “Xukuumadda Somaliland waxaan ku dhiiri galinayaa inay dhalinyarada sii yaan xaqqa ay u leeyihiin inay ka mid noqdaan maamulka Dawliga ah maadaama aanu ka soo bixi karo masuuliyaddayada waxaana tusaale inoogu filan Maxamed Faarax guusha uu keenay” ayuu yidhi Mr Wacays.

Dhanka kalana waxa uu ku dhiiri galiyey dhalinyarada kale ee Somaliland inay ku daydaan Maxamed Faa rax sidiisa oo kale,waxaa isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Jaamcaddda Hargeysa Muuse Cabdi waxa anu halkaa uga mahad naqaya Shirkadda Somtel oo uu sheegay inay baall dahab ah kagajirto hormari nta arrimaha bulshada,Mr Muuse waxa uu sheegay inuu Maxamed Faarax Somaliland u keenay guul wey n iyo farxad dhanka kalana Mr Muuse waxa uu sheegay inay dhalinyaradu yihiin lafdhabarta ugu weyn ee dalku leeyahay sidaa daraadeed ay u taagan yihiin sidii ay xagga aqoonta uga hormarin lahaayeen dhalinyarada,

Dhanka kalana waxa uu tibaaxay inay dhalinyaradu mudanyihiin inay qaybtooda ka qaataan ka qaybgal ka talada dalka iyo jaan goynta Siyaadadda dalka lagu hagayo “waxaan soo jeedinayaa inay dhalinayra du qaybtooda ka qaataan dalka hadday xagga siyaasadda tahay iyo hadday xagga aqoonta kale tahay ba” ayuu yidhi gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Jaamacadda Hargeysa.

Muuse waxa uu intaa ku daray inay dhalinyaradu ka waan toobaan Tahriibta dhibka badani ka soo gaad ho intooda kaba badbaadda inay badaha ku daataan,liyey sidii qiimaha lahayd ee ay u soo dhaweysay illaa maalintii uu ka soo dagay dhabbaha Diyaaradaha ee Barbara iyo caawa oo casho sharaf mar labaa d soo dhaweyn ah ugu samaysay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa.

Khaalid Cabdi Aadan oo ah xoghayaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo halkaa ka hadlay waxa u u sheegay inay ku rajo oweynyihiin inay sare u qaadaan waxbadan oo dhalinyarada ka caawinaya sidii ay meel sare u gaadhi lahaayeen waxanau ku waaniyey dhalinyaradu inay joojiyaan balwadaha iyo wax baayaha dib u dhigaya hormarkooda.

Xoghayaha xidhiidhka Kubadda Somalailand waxa uu sheegay inay Shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel ku bixiyeen Soo dhaweyntii Maxamed Faarax intii uu dalka soo gaadhay inkabadan $200,000 “Shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel soo dhaweyntii Maxamed Faarax waxay ku bixiyeen in kanbadan $200,000

Maayarka Magaalada Gabilay Marwo Khadra Xaaji gaydh oo munaasibaddaasi khadkakaga qaybgashay waxay sheegtay inay soo dhaweynayso Maxamed Faarax maadaama ay Maayar ka tahay magaaladii uu ku dhashay ee uu xaafad ahaan ka soo jeedo.

Kooxda ciyaaraha iyo dhaqanka ee SOCSA oo xafladdaasi ka soo qaygalay waxay halkaa ku soo bandhig een heeso iyo ciyaaraha qoob ka ciyaarka xagga dhaqanka la xidhiidha waxaanay ciyaarahaasi soo jiite en dadweynihii daawanayey xafalddaasi.


Mareeyaha Shirkadda Somatel Cawil Saalax Cabdi oo xafladaasi kahadley ayaa aad usoo dhaweeyey ciy aaryahanka orodyahanka caanka ah mohamed farah,xaaskiisa iyo fanaanka sir mohamud cumar oo la socdey.waxaa uuc awil sheegey iney shirkad ahaan aad usoo dhawaynayaan orodyahanka caanka ah ee guulaha usoo hooyey england oo uu uciyaaro iyo somaliland oo ah meeshii uumansab ahaan kasoo jeedey waxaanu sheegey iney shirkad ahaan mar walba ugu horeeyeen horumarinta dhallinyarada iyo ciyaaraha.
waxaa uu sheegey mareeye cawil iney shirkad ahaan ay marwalba diyaar uyihiin horumarinta bulshada dhinacwalba ..

Orodyahanka caanka ee MO farah oo ahaa halyeygii ay shirkada SOMTEL ay xafladaasi kumaamustey oo halkaasi kahadley ayaa sheegey inuu aad ugu faarxsan yahey sida balaadhan ee ya usoo dhaweysay sh irkada somtel waxaanu sheegey inaanu ilaawi doonin isda balaadhan ee loosoo dhaweeyey isagoo shee gey in xidhiidh fiica yeellan donaan SOMTEL Waxaa uu sheegey sida uu jecel yahey horumarinta ciyaar ah ee dalkiisa somaliland axaanu umahadnaqey dhamaan dadkii soo dhaweeyey.


Xaaska orodyahan Mohamed farah oo xafladaasi kahadashey ayaa aad ugu mahadnaqey day dhamaan shacabka somaliland xukadooda iyo shirkada somte sida balaadhan ee ay usoo dhaweeyeen waxaaney xuste inaaney filayn in sidan loogasoo dhaweeyo somaliland waxayna sheegey inaaney ilaawi doonin.

Wasiirka dhallnyarada ciyaraaha iyo dhaqanka Md Cabdi siciid faahiye oo xafladaasi kahadley ayaa u ma hadnaqey shirkada somtel oo door libaxleh kaqaadata horumarinta ciyaarah waxaa wasiirku soo dhawe eyey halyeyga somaliland Mo farah waxaanu wasiirku ugu dambeyntii gudoonsiiyey Shahaado sharaf orodyahanka caanka ee MO Farah sidoo kalle cawil oo ah mareeyaha shirkada SOMTEL ayaa isna bilad dahab ah gudoonsiiyey ciyaaryahanka MO Farah waana xafladii ugu balaadhneyd ee ciyaaryahanka looqabto intii uudalka joogey...

 

 


Axmed Maxamed Shaqalle

Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland