O G E Y S I I S

 

Shirweynahii Sannadlaha Ahaa Ee Ururka Togdheer Abroad Foundation (TAF) Oo Ka Dhici Doona Mag aalada Shefield 19/12/09 oo ku began Sabti


 


Waxaanu si gaar ah u ogaysiinaynaa dhammaanba dadweynaha ku dhaqan  waqooyi ga iyo badhtamaha dalka ingiriisku



hammaanba Waxaa la ogaysiinayaa dadweynaha reer Somaliland ee ku nool dalka boqortooyada Ingiriiska in Shirweynahii sannad-laha ahaa ee Ururka mutadawaciinta Togdheer Abroud Foundation (TAF) uu ka dhici doono magaalada Sheffield ee  gobo lka Yorkshire ee waqooyiga England taariikhdu markay tahay 19/12/2009 oo ku  be gan maalin sabti ah, waxaana Ururku ay u debaal degi doonaan guusha ay ka  gaadh een mashruucoodii ugu horeeyey ee dhismaha Cisbitaalka Maandheeye ee cudurada dhimirka laguna daweeyo dadka qaba xannuunada maskaxda.

Waxaanu si gaar ah u ogaysiinaynaa dhammaanba dadweynaha ku dhaqan  waqoo yiga iyo badhtamaha dalka ingiriisku inay shirweynahani ka soo qayb gallaan, waxaa na ajandaha shirku noqon doona sidii horaba caadada u ahayd in la kobciyo lana sii xoojiiyo fekerka horumarinta iyo mutadawacnimada gobolka Togdheer ee  jamhuuri yadda Somaliland.

Waxaanu sidoo kale ka codsanaynaa dhammaanba dadweynaha reer Somaliland ee jecel horumarka dalkooda iyo dadkooda inay nagala soo qayb gallaan isla markaana waxaanu gacmo iyo qalbi furan ku soo dhawaynaynaa fekerkooda iyo  taageerado oda dhaqaale ee lagu horumarinaayo dalkeenii hooyo. Ururka TAF waa urur kheyri ah oo u halgama horumarka arrimaha bulshada ee Somaliland gaar ahaana gobolka Togdheer. Waxaanu idinka rajaynaynaa inaad shirkaasi nagala soo qayb gashaan.
wixii faah faahina intaa dheer kalo xidhiidh gudoomiyha laanta sheffeild ee ururka tah mudane Abokor mihmaed xariish Tel 07944865902



Bashiir Maxamed Kaahin
Gudida Qaban-qaabada Shirka