Wasiirka Hawlaha Guud Oo Sheegay In Laga Faa'iiday Geeridii Madaxaweynihii 2-aad Marxuum Cigaal!
 


Burco (TNN) - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland Siciid Sulub  Max amed, ayaa markii ugu horreysay godka ku weeraray Allah ha u naxariistee, Madaxweynihii Geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo uu sheegay in laga faa'iiday  geeridii sii, ka dib markii uu Madaxweyne Rayaale hoggaaminta dalka qabtay.Isla markaana, waxa uu sheegay Wasiirku in dad Marxuum Cigaal ka biqi jiray markii uu talada hayay ay ku soo  dhiirra deen Daahir Rayaale.

Wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub, sidaa waxa uu ku sheegay mar uu khamiistii inna dhaaftay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer kula hadlayay Boqollaal qof oo  taageerayaas ha Xisbiga UDUB ka mid ah, maalintaas oo ahayd maalintii koobaad ee UDUB isu-soo bixiisa olola doorashada dalka ka bilaabay. Halkaas oo uu ka sheegay in shacabka been badan loo sheega y, kuna faanay inay Xukuumadda UDUB wax badan qabatay. Inkasta oo uu Siciid Sulub ka  war amay guulihii uu Marxuum Cigaal Somaliland u horseeday, haddana waxa uu sheegay in geeridi isii laga faa'iiday, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi;"Geeridii iyo noloshii Marxuum Cigaal labaduba faa'iido ayay lahaayeen; Geeridii Marxuumku faa'iido ayay lahayd oo waxa  so o galay Daahir Rayaale Kaahin oo ah beel tirsan beelaha baallaha oo aan ka mid ahayn beelihii dalka xoraystay ee SNM, markii uu Cigaal joogay raggii ka baqay isagu way ku soo dhiiradeen Madaxweyne Rayaale, laakiin maxay kala kulmeen?."

Wasiirka Hawlaha guud oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, "Waxay is yidhaahdeen kan [Daahir Rayaale] iska canba-canbaysta, waxayse kala kulmeen inay guul-d araystaan, dadyahaw iga qora kelmadaas, maantana waxaad fishaan inay guuldaraystaan  d hawr iyo labaatan cishaa inaga xigee' waxaan idiin sheegayaa oo lagu xisaabtamayaa  toddo ba sanno ayay dawladu dalka xukumaysay waxay qabatay sida cadceeda oo kale, ayaa loo arkaa UDUB waxay qabatay. Marka hore ammaankii iyo is-khilaafkii dalka ayay soo celisay."

"Waxa weeye guushii SNM sammaysay ee gudo-galka dalka ee beelihii badhtamuhu soo  galle en inta kalena maqnaayeen, waxaa soo hoysay beelihii baalaha haday bari iyo galbeed tahay waxa soo hoysay UDUB iyo talladii Daahir Rayaale Kaahin. waxaynu haynaa Awdal oo inna  ho ggaamunaysa; waxayny haynaa Saylac, waxaynu haynaa Sanaag Bari, waxa weeye guushaa yaa keenay? guushaa waxa keentay UDUB dalka lixdii gobolba waa la mideeyey, ciidan  adag baa la sammeeyey, dhallinyaradiinaasi maanta nool ee illaa maanta jaamac ku jiraa kuwa aad ku seexataan ee aad wax ku barataan waa iyaga, haddii ay talada hayn lahaayeen ragga kale ee kaadhka KULMIYE ku urursan nin qudha oo wax idinka baran lahaa ma jireenqoribaad wada qaadan lahaydeen maanta, dhaqankooduna sidaas ayuu ahaa. markaa waxa weeyey Ilaahay u mahadnaqa, UDUB-na iyadaa nabadgelyada ilaalinaysa haddaad ka jeesataan waxaan uga baqayaa wax kale." Sidaa ayuu yidhi Wasiirka

Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryanta Somaliland Siciid Sulub Maxamed. Waxaanu Siciid Su lub intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; "Waxa weeyey shacabyahow wanaagsani been badan baa laydiin sheegay, qabyaalladba laydinku guray, nijaas badanbaa laydinku guray, waxa weeye ka baxa oo masiirkiina ka tashada. Burco waxay ka dhigeen oo aynu ugu nimi Burco Bari iyo Burco Galbeed, Burco miyaanay Burco ahayn, waar gobollada kale Bari iyo Galbeed ma lehee maxaa Burco ka dhigay? Munaafiqiinbaa ka dhigtay; kuwii isku diri jirey ee madaxa isula dhici jirey baa ka dhigay."

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub ka soo yeedhay, ayaa d areen badan oo cadho leh ku abuuray in badan oo ka mid ah dadweynaha reer Somaliland, ga ar ahaan inta daawatay barnaamijka Wasiirka oo habeenkii Sabtidu soo galaysay laga sii daa yay TV-ga Xukuumaddu maamusho. Hase ahaatee, lama garan karo ujeedda uu Siciid Sulub ka lahaa weedhan turxaanta iyo xajiintu ku ladhan tahay ee uu ku weeraray Allah ha u naxariist ee Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo isagu  abu uray hannaanka dawladnimada ee hadda Somaliland ka jirta.

Maaha markii ugu horreysay ee Masuul Xisbiga Talada haya ee UDUB, sidan oo kale godka ugu weeraro Marxuum Cigaal, hase ahaatee, waxa hore u dhacday 2009-kii in Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB weeraro sidan oo kale, isaga oo sheegay inuu dagaalladii sokeeye ee Somaliland ka dhacay wax ka saarayo Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ha dalkaas oo duufaanno siyaasadeed ku kiciyey Xisbiga UDUB.

Halka kan imikana ku soo beegmay muddo labaatan maalmood wax ka yari ka hadhsan yihiin m aalinta loo dareerayo doorashada Madaxtooyada ee 26-ka bishan Juun.
 


Source:Berberanews