Madaxwayne Siilaanyo oo goor dhawayd Xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Qaranka iyo Abaanduulihii Ciidanka.

 



Madaxweynuhu waxa uu Xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Ciidamada Qaranka Mudane,Maxa med Xasan Cabdilaahi (Jidhif)......


Hargeysa,9 Feb,2012- (TNN)- Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland Mudane Axmed M axamed Maxa muud Siilaanyo ayaa xilkii Taliyenimo waxa uu ka qaadey Taliyihii horre ee Cii danka Qaranka Somaliland General Maxamed Xasan C/Laahi Jidhif, waxa uu isla markaana Madaxweynuhu Taliye cusub u magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland General Ismaaciil Maxam ed Cismaan (Shaqalle).

Waxana sidaas lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyadda, war saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda somaliland, Cabdil laahi  Maxamed Daahir Cakuse, oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhey shabakadda Timacade News ,waxaanu  u dhignaa siddan


Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda

Somaliland;

Markuu Arkay: Inbaahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Tixgeliyey: Latashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu Arkay: Inuu hanan karo xilkan loo magacaabay;


Wuxuu go’aansaday;

In General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaa do Taliyaha Ciidanka QarankaJamhuuriyadda Somaliland.

Xilka qaadis:

Madaxweynuhu waxa uu Taliyihii hore ee Ciidamada qaranka Mudane,Maxamed Xasan Cab dilaahi (Jidhif) uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jib aadka, ka saarnaa Qaranka.


Madaxweynuhu waxa kale oo uu Taliyihii hore u sheegay in Xilalka Qaranka ay tahay macn ihiisu meerto soo noq-noqata oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay General,Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Madaxweynuhu waxa uu Faray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Taliyaha CiidankaQaranka JSL.




Waxa uu sidoo kale xilkii ka qaaday abaanduulihii hore waxaanu u magacabay mid cusub


War-saxaafadeed

Madaxweynaha JSL, Mudane, AxmedMaxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaad ay AbaandulihiiHore ee Ciidanka Qaranka JSL, kuna magacaabay Abaanduule cusub.


Madaxweynuhu:-

MarkuuArkay: Qodobka 90aad eeDastuurka Jamhuuriyadda

Somaliland;

MarkuuArkay: In baahi loo qabo in ladar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;
MarkuuTixgeliyey: La tashiga Madaxda ayarrintani khusayso;
MarkuuArkay: In uu hanan karo xilkanloo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday;


In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abaan dulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.


Xilka qaadis:


Madaxweynuhu waxa uu Abaanduulahaahore ee Ciidamada qaranka Mudane,Ibraahin Cay diid Axmed uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen, gudanayeena waa-jibaa dka qaranka.


Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka AbaanduulahaCiidanka Qaranka JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane,Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) oo aanxilkan isaga u igmaday in uu ahaado Abaaduul aha Cusub ee Ciidanka Qaranka

 



ALLAA MAHD LEH


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


Cabdillahi Maxamed Daahir (Cukuse)