Madaxweyne Siilaanyo oo intii uu London joogay ka maagay inuu la kulmo Madaxweynihii hore ee JSL

 



London (TNN)-Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa intii uu joogay Lo ndon ka magaay inuu la kulmo Madaxweynihii hore ee JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin oo in muddo  ah ba ku sugnaa magaalada London ee carriga Ingiriiska. Madaxweynaha JSl iyo waftigii uu hogaaminayey intii ay booqashada ku joogeen dalkan Ingiriiska waxay kulamo kala duwan la yeesheen Madax ka tirsan dawladda Ingiriiska, Baarlamaanka, Mulkiilayaasha qaar ka mid ah Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo  sa raakiil matalaayey hayadaha caawiya Somaliland. Madaxweynaha iyo Wafdigiisu waxa kale oo ay London kula kulmeen Jaaliayadda Somaliland ee ingiriiska ku dhaqan, wakiilo ka socotay qaar ka mid ah Ururada bulshada rayidka ah ee Somalida u adeega ee dalkan ka jira, Masuuliyiin ka socotay laamaha dibadda ee Axsaabta Qaranka JSL, Madaxdhaqameedyo iyo Xubno kale oo intaaba ka baxsan.


Nasiib darro Madaxweynaha iyo Wafdigiisu lamay kulmin Madaxweynihii hore ee JSL mudane Daahir  Ray aale Kaahin oo dad badan gudaha JSL iyo dibadahaba filayeen inuu mudan yahay in Madaxweyne  Siilaan yo iyo wafdigiisuba la kulmayaan kol haddii uu sii joogay London oo ay ugu tageen.

Dadka qaar ka mid ah qaybaha bulshada ee Jaaliyadda Somaliland iyo xubno ka mid ah Masuuliyiinta  Ingi riiska iyo Saaxiibada Somaliland ayaa aad ula yaabay markay maqleen Madaxweyne Siilaanyo inuu ka ambabaxay carriga Ingiriiska isaga oo aan la kulmin Madaxweynihii 5 bilood ka hor xilka ku wareejiyey oo magaalada London ay isugu yimaadeen, waxaanay tibaaxeen in lagu tilmaami karaa fursad siyaasadeed oo ka luntay Madaxweynaha cusub ee JSL, Mudane Axmed Siilaanyo iyo Waftigiisaba.


Ilaa imika ma cadda sababta uu Madaxweyne Siilaanyo uga maagay inuu la kulmo Madaxweynihii sida  sh arafta badan ugu wareejiyey talada dalka ama hogaaminta ee dhamaan ummadda Somalilandna ka  cods aday inay si buuxda ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub.


Madaxweynihii hore ee JSL ahna gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo aan galabnimadiii sala asada 7th December 2010 kula kulmay Central london ayaa si caadiya ula qabsaday nolosha cusub oo  is ka dhex mushaaxaya magaalada London waxaanad moodaa qof waligiiba ku noolaan jiray markaad eegto huga uu gashanaa ama labiska barafka iyo qaboobaha London uu kaga gaashaantay.


Gudoomiyaha Xisbiga UDUB mudane Daahir Rayaale Kaahin waxaa ka muuqday furfurnaan iyo kalsooni  w axaanu markii aanu isa salaanay ka dib ii sheegay inuu caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay isaga iyo reerkiisuba. Intaa ka dib waxaanu ka wada hadalay arrimo badan oo ku saabsan Somaliland sida markii uu Xisbiga UDUB talada hayey, Doorshadii dalka ka dhacday 26 jun 2010 Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xukuumadda cusub iyo isbadalka siyaasadeed ee Somaliland ku soo kordhay iyo Saamayntiisa .


"Arrimahaas iyo aragtida aan ka qaboba insha Allah waxaan aad uga hadli doonaa laga bilaabo bisha soo socota ee January 2011 markaan dalkii dib ugu laabto. Si dhakhso ah ayaan u tagayaa waxaanan sii mari doonaa faransiiska " ayuu yidhi Gudoomiyuhu.


Xisbiga UDUB oo aanu si qoto dheer isula falanqaynay Gudoomiyaha wuxuu sheegay in Xisbiga dib u  hab ayn iyo dardar galin balaadhan lagu samayn doono oo golayaashiisiina habka ugu wanaagsan ee suurto gal ah loo dhamays tiri doono.


Mudane Daahir Rayaae Kaahin, Gudoomiyaha Xisbiga UDUB wuxuu intaa ku daray inuu kaalin mug leh ka qaadan doono dib u dhiska iyo wanaaginta tayada Xisbiga maadaama aanay haddeer Madaxweynimo iyo arrimo kale oo aad mashquuliyaa jirin uu xoogga saari doono horumarinta hawlaha Xisbiga.
Ugu dambayntii Gudoomiyaha UDUB mudane Daahir wuxuu caddeeyey inuu diyaar u yahay inuu iska ware ejiyo hogaanka ama gudoomiyanimada Xisbiga UDUB marka ay ku haboonaato maadaama loona baahan yahay isbadal iyo xubno waxtar ah oo arrin iyo adduunba ku soo biiriya Xisbiga UDUB.



 


Ahmed Naasir Hersi
Gudoomiyaha UDUB UK
Ahmedlibaah@hotmail.com