Faalada Maanta: Siillaanyo: Tallaabo Fudud Oo Wax Weyn Ka Bedeshay Taariikhda Dalka Iyo Duruufta Ku Gadaaman

 


Hargeysa (TNN)-Xarunta Madaxtooyada waxa weli ka sii muuqda Murashaxii Xisbiga UDUB  (R ayaale), ee kalsoonida dadka waayey, oo ay maalmo uga hadhsan yihiin muddadii uu  sharci gu siiyey in uu Xafiiskaasi sii fadhiyo.


Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo aan isagu weli soo  g aadhin Qasriga Madaxtooyada ee dalka ayaa durba, la yimid tallaabo muujinaysa  Niyadsami diisa iyo weliba Waaya-aragnimadiisa oo dabcan ah ta lagu doortay. Madaxweynaha la  doo rtay, waxa uu qaaday tallaabo la yaab leh oo muuqaal ahaan noqon karta mid fudud, balse qiime weyn leh taariikhda dalkana wax weyn ka bedeshay. Madaxweynuhu waxa uu  magac aabay guddi ka kooban 15 Xubnood oo uu faray inay ka soo tallo bixiyaan tirada, iyo Qaab-dhismeedka Xukuumada cusub ee uu hogaamin doono.



Marka intaas oo keliya lagu hakado, waxa ay muujinaysaa in uu Madaxweynaha la doortay yahay:

1. Nin garanaya baahida Rasmiga ah ee Dadkiisa iyo dalkiisa wakhtigan.

2. Hogaamiye u bisil Nidaamka nololeed iyo Cahdiga la joogo oo ah in uu Hogaamiyuhu la  tash ado kuna shaqeeyo tallada dadkiisa si uu isu waafajiyo Baahidooda iyo sida ugu haboon ee ay uga gudbi karaan,horumarna ku gaadhayaan.

3. Hogaamiye garanaya wixii uu wakhtigiisa, Cimrigiisa, Nolosha Qoyskiisa iyo Naftiisaba u  hu rey, haatana doonaya in uu taabto, oo uu mar uun Haakah yidhaahdo. Hogaamiye isku wadi kara Dadka intii mab’da ahaan ku raacsanayd ee isaga dooratay ama la Xisbi ahayd, intii ka codaysay iyo inta uu Aqoonta bidayo.

Intaas oo dhan marka laga yimaado waxa muuqata in uu Madaxweynaha la doortay  wakhti gan ku sugan yahay Marxalad kala guur ah oo ay raaligelin uga baahan yihiin Dadkiisa oo  is ugu jira kuwii isaga la Xisbiga ahaa oo Dabcan qadarintooda leh, kuwii ka codeeyey oo sidoo kale qadarintooda leh iyo Qurba-jooga oo aan codayninba.


Waxa intaa dheer oo iyaguna Culeys ku haya Salaadiinta, Madax dhaqameedka kale iyo  Oda yaasha magaca leh oo sidii ay la soo qabsadeen sugaya in uu Codkooda dhageysto oo uu  w eliba Aqbalo, waxa kale oo intaa dheer Dadka kale ee gudda iyo dibedba gacan ka geystay Halgankii adkaa iyo Dagaalkii xumaa ee uu Madaxweynuhu hormoodka ka ahaa Xilliyadii SNM iyo dib u soo celintii guushii SNM.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha la doortay waxa Maanta dul yaala culeys ka badan kii hore u saarnaa marka laga eego dhinaca Qadarinta, Isku-wadka Dadka, marka geesta ka le laga eegana ka fudud maadaama uu Maanta yahay Madaxweynihii dalka, horena uu u ah aa Hogaamiye, Shacbiga intiisa badan wata isaga oo aan Kursi Qaran ku fadhiyin.

Tallaabadan uu haatan Madaxweynuhu ku igmaday guddida ee uu ugu xil saaray in ay ka soo
talliyaan Qaab-dhismeedka iyo Tirada xukuumada cusubi iyo weliba go’aanka Guddida ee uu Madaxweynuhu aqbalay waxa ay si wanaagsan u iftiiminayaan, Isbedel taariikheed iyo  waxt ar weyn oo u Hillaacay Dalka iyo Dawladinimada. Hore waxa u jirey oo ay tallaabadani bedeli
doontaa Nidaam-siyaasadeed ay soo adeegsadeen Madaxweyneyaashii isaga ka horeeyey gaar ahaan labadii ugu dambeeyey, kaas oo ahaa in uu Qaab-dhismeedka Hogaanka dalku g aar ahaan Xukuumadu qaarka sare ka naaxo, ka dambena ka Naafoobo.

Taas oo sabab u ahayd in ay Somaliland ilaa maanta Fadhiid ahaato. Nidaamkan cusubi waxa uu korinayaa oo uu wax ku kordhinayaa Baahida rasmiga ah, oo ah inay Aqoonta iyo  farsam adu shaqayso, waxaanu ka rarayaa in ay Siyaasada oo keli ahi shaqayso.

Ugu dambayn Madaxweynaha la gudboon in uu sida taariikh ahaan laga filayo iska iloobo  Ca daadiska iyo cabudhinta ay ku hayaan kuwii marka horeba mashquuliyey Ragii isaga ka  hore eyey. Waxa kale, oo laga filayaa in uu Ixtiraamo aqoonta iyo inta mab’da ahaan isaga kula
soo shaqaysay in uu mar uun Dalku halkan soo gaadho, horena uga sii gudbo. Shacbigana w axa la gudboon in aanay ku kha lkhalin oo aanay la yaabin isbedelkan oo la hubo in uu yahay mid ay Dani ku jirto Noloshooda dhaqaale iyo tooda Dawladnimo intaba.

Xubnaha Xisbiyada kale, ee aan KULMIYE ahayn iyagana waxa la gudboon, in ay la  qabsada an oo ay Hogaanka cusub la wadaagaan tallaabadan horumarka ah, waa haddii ay marka ho reba taageeradoodii Xukuumadaha hore amaba se Xukuumadaha kale ee cusub ee ay  talla da la doonayeen ka dhab ahayd. Reer Kulmiye-na waxa la gudboon, guddo iyo Dibedba in ay marka hore ku qancaan in ay guuleysteen kol haddii uu Xisbigoodu yahay Hogaankii dalka, markaa wixii ka dambeeyana ay taageeraan Natiijo kasta oo ka dhalata Magacaabida  Xuku umada cusub ee la sugayo. Iyaga oo og in ay haatan Derejada Muhiimka ahi tahay Aqoonta iyo Farsamada (Agaasimeyaasha), balse aanay ahayn Kuraasida siyaasada oo la hubo in aa nay Macne ahaan noqon doonin kuwii hore oo kale.



Wargeyska Saxansaxo