“Waxaan Diyaar U Ahay Inaan Badbaadiyo S/Land Iyo Beeshayadaba, Dawladu Waxay U Qaybsan Tahay Shabaab Nasakhan, Basaasiin Dibadaha Laga Keenay Iyo Qaar Madaxweynayaal U Sharaxan”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow)

 


Hargeysa, March 28, 2011 (TNN) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah madax dhaqame edyada beesha bariga Burco ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo ku eedeeyey inay damacsan tahay in Somaliland ay la midayso kooxaha Somalia, isla markaana ugu baaqay beeshooda inay horseed ka noqoto dib a d bax Salmiya oo Xukuumadda Siillaanyo lagaga dalbado inay Xilka iska casisho, isagoo intaa ku daray in ma daxweynaha ay ku xeeran yihiin koox uu ku tilmaamay in aanay wax khibrad iyo waayo aragnimo ah u lahayn Dawlad nimada, balse ku tilmaamay in dibadaha laga soo waariday.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) waxa kale oo uu ka dayriyay xaaladaha nabad-galyo, Dhaqaale, Abaaraha iyo biyo la’aanta ku habsatay dalka oo uu ku tilmaamay kuwo keeni kara kacdoono Shacbi, isagoo dhinaca kale-na ku eedeeyay Xukuumadda in Meeqaamkii Dawladnimo ee Somaliland ay kala mid dhigeen koox aha Somalia ee Shirarka loo qabto, waxaanu ka digay in Somaliland ay wax dhaafsiisan xidhiidh Jaarnimo ay la yeelato dalka Ethiopia.


Boqor Buur-madow oo Xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Haatuf, isagoo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa isagoo ka hadlaya arrimahaasi, waxa uu yidhi “Madaxweyne Siillaanyo iyo  Guruub ka ku xeeran ee bilaa khibrada ah, haddaan maanta layska qaban waxay ku wadaan Somaliland oo ay  doona yaan inay si bilaa qiimo ah ku geeyaan Somalia, ma Nimanka inala fadhisiyay shan maamul goboleed oo Habar –Gidir iyo Abgaal ah iyo Sodon urur oo reer Koonfureed ah halkaynu Somalia ka ahayn laba Dawladood oo ka la gaar ah Somaliland iyo Somalia Meeqaamkaasi ayay maanta ina marinayaan maamulkani, sidaa darteed wa xa aan diyaar u ahay in aan bad-baadiyo Somaliland iyo Beeshayadaba oo aan qaadano kaalinta ay qaateen Sheekh Axmarka iyo Qabiilka Xaashidka ee Yemen-tu ee ay kaga soo horjeesteen Cali Cabdale Saalax oo ka soo jeeda Raaskooda oo ay ku biireen kacdoonka ka socda dalkaasi, sidaa darteed waxaan Beeshayada Hab ar-jeclo ugu baaqayaa inay horseed ka noqoto dibad bax Salmiya oo lagaga soo horjeesto Xukuumadda Siill aanyo ee ay ku xeeran yihiin Kooxo aan aqoon dawladnimo iyo waayo aragnimo toona lahayn, balse aqoonto odu aanay dhaafsiisnayn Xasarad iyo kala fogaynta Shacbiga Somaliland, oo Wakhtigan xaadirka ah ay hayst aan duruufo Dhaqaale xumo, Sicir barar iyo Abaaro baahsan oo biyo la’aani u dheer tahay, isla markaana de egaanadii bariga Sanaag dalka intiisii kale laga gooyay, Xasiloonidii iyo amaankii dalku-na faraha ka baxay, isla markaana Colaado laga dhex abuuray Shacbigii Walaalaha ahaa waxa loo baahan yahay in maamulkan iyo kooxdan ku xeeranba ummadu ka Midawdo sidii ay ugu foojignaan lahaayeen qorshayaasha ay ku doonayaan in Somaliland ay si ka liidata midnimadii bilaa Shuruuda ahayd ee 1960-kii Somalia”


Buurmadow mar uu ka hadlayey in xukuumadda Siilaanyo u kala qaybsan tahay kooxo kala duwan waxa uu yidhi “Xukuumadda Siillaanyo-na waxay u qaybsan tahay saddex kooxood oo kala ah, Shabaab Nasaqan, Basa asiin Mutadawiciina oo dibadaha laga soo waariday oo Dawlada lagu soo darsaday iyo Niman madaxweynaya al doonaya oo u sharaxan oo iyagu-na aan daacad ka ahayn dalka, Somaliland haddii aanay saddex Wado ma anta ka tashanin oo aanay u Midoobin mid ka mid ah dib loo arki maayo inaynu Shabaabka Asalka ah ee aan Nasaqnayn la Midowno, inaynu maamulkan doonaya inay si bilaa qiimo ah inagu geeyan Somalia aynu inagoo qiimo leh maanta tagno iyo in aynu maamulkan iska ridno, Xalku-na waxa uu ku jiraa in ummaddu u Midowdo Masiirkeeda sidii ay u badbaadin lahayd”.

Mar aanu weydiinay in loo arki karo baaqiisa ku aadan Xukuumadda iyo beesha uu ka soo jeedo madaxweynu hu mid qalalaase iyo fidmo ka dhex abuuri kara Somaliland, waxa uu yidhi “Horta madaxweynaha waxa isku xeeray oo Qol madow ku xidhay oo uu ka shaqayn kari laayahay koox aan aqoon dawladnimo lahayn, arinkay gu-na maaha mid fidmo aan ku kicinayee waa mid aan leeyahay dibad bax Salmiya ha lagaga dalbado, sidan u hadda dalku ku jiraa-na ayaa ba keeni karta in Shacbigu kacdoon ku sameeyo maamulka maanta jira oo Har geysa ayaa Gaajo loogu dhimanayaa oo Maceeshadiiba cirka isku shareertay, Somaliland oo la waayo iyo Maa mulka Siilaanyo waxa ka weyn Qaranimada oo waxa fudud in maamulkani meesha ka baxo”.

Mar aanu weydiinay maadaama madaxweynuhu sheegay in aanay Somaliland qaranimadeedu gorgortan gali karayn oo aanay marti uga noqonaynin in kooxaha Somalia ay gogol kula fadhiistaan waxa uu ku cadaynayo eedaha uu uga soo jeedinayo in Xukuumaddu wado qorshe lagu midaynayo Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi “Xeerkii labada gole ee Baarlamaanku Somaliland ku xaaraantimeeyeen ka qayb galka Shirarka loo qabto kooxaha Somalia waa kuwii baabiyay ee dhex fadhiistay 30 urur oo kooxaha Somalia loo qabtay, Siyaasadee nii Khaarajigu-na meel liidata ayay maraysa oo Baasaboorkeenii dalalka Caalamka lagu gali jiray waxa ka qii mo batay Baasaboorka Dawlada TFG-da, deegaanada Kal-shaale ee beelaha Walaalaha ah Colaad baa laga abuuray oo waxa ku dhintay 300 Somalilanders ah, waxaanan qabaa in Dambigaasi ay leeyihiin Xukuumadda Somaliland iyo kooxda nabadiidka Buhoodle”.

Mar aanu weydiinay inuu magacaabo kooxda uu ku eedaynayo inay ku xeeran yihiin madaxweynaha, waxa uu yidhi “War la qabaa xiiso ma leh, Ilaahayna wuu yaqaanaa dadku-na way ogyihiin waana Xubnaha labada Wa ji leh ee ah Shabaabka Nasaqan, marna iska dhiga Cilmaaniga”.

Mar aanu weydiinay maadaama Xukuumadda madaxweyne Siillaanyo muddadii 9 Bilood ahayd ee ay Xilka hay say ay ku talaabsatay Mushahar kordhin ay Shaqaalaha iyo Ciidamada ay u samaysay waxyaabaha uu dhal iisha ugu soo jeedinayo, waxa uu yidhi “Waxay keeneen Miisaaniyad bilaa qorshe ah oo meel Dakhligeedu ka soo xeroonayo aan la ogayn iyo Kharashaad faro badan oo meel loo raaco aan lahayn oo si indho la’aan ah oo bilaa Khibrad ah ay u soo dhigeen Xubnaha ku xeeran oo qaarkood inta Jawaano lagaga soo Waariday dibada iyagu ilaalinaya danaha Dawladaha shisheeye ee heshiisyadii Shidaal qodista lala galay Shirkadaha Shafron iyo Conoco loogu soo darsaday Dawlada”

Mar aanu weydiinay mawqifkiisa ku wajahan xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia ka dhexeeya, waxa uu yidhi “Ethiopia iyo Somaliland in xidhiidh laba dal oo daris ahi inaga dhexeeyo waa mid waajiba ah, muddo dheer-na Cilaaqaad baa inaga dhexeeyay, balse Ethiopia maaha in aynu noqono Shuraako oo haddii aynu Shuraako noqonana wey inaga badan yihiinoo weyn ina liqayaan”.

 

Source:Haatuf