War-saxaafadeed
 

 

 

Taariikh: 03 September 2011


Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Xildhibaan Charles Tannock MEP oo ah Afhayeenka Arrimaha dibeda ee Baarlamaanka Yurub, mudanahan oo ka mid ah xildhibaanada yurub ee u Ololeeya qadiyadda Jamhuuriyada Somaliland.



Mudane Charles Tannock MEP waxa uu madaxweynaha uga waramay ujeedada socdaalkiisa oo uu sheegay in ay tahay mid ku xidhidhsan dedaalka uu u xaydan yahay ee ah sidii ay beesha caalamku ugu qanci lahayd jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay gacan uga siin lahayd dedaalka ay la timid iyo waxa ay qabsatay.



Mudane Charles Tannock MEP waxa uu xog-waran mugleh ka dib madaxweynaha usheegay inuu dedaalkiisa halkaa ka sii wadayo ilaa inta uu ka midho dhalinayo aqoonsiga Somaliland.



Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa mudanaha uga mahad celiyey dedaalkiisa midabsamida leh ee uu ku taageeray qadiyada Somaliland, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahad celiyey bookhashada uu mudanuhu ku yimid dalka.



Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu mudanaha xog-waran faah-faahsan ka siiyey qadiyada Somaliland, baahida ay u qabto aqoonsiga caalamka iyo waxa ay qabsatay ee dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo Guud ahaan hanaanka dawladnimo ee dimu-quraadiga ah ee ka hana qaaday Jamhuuriyada Somaliland.



Kulankan uu madaxweynuhu ku qaabilay mudane Charles Tannock MEP waxa ku wehelinaayey oo goob-joog ka ahaa, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta, Dr. Sacad Cali Shire.





ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.