Shirkada Somtel oo Tartan Xifdiga Quraanka Kariimka ah u Qabatey Madarasadaha Quraanka lagu Barto ee Tog-Wajaale
 



Tog-Wajaale (TNN)- Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Somtel ayaa, tartan xifdiga Quraank a ah u qabatay shaley laba madarasdood oo kamid ah madaarista Xifdiga Quraanka Kariimka la gu barto ee Magaalada Tog-Wajaale.


Furitaankii tartankan xifdiga quraanka kariimka ee shirkada Somtel u qabatey madaarista quraa nka Tog-Wajaale waxaa kasoo qeyb galey Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxum ed Cabdi, Maamulaha Shirkada Dahabshiil Barre Axmed C/laahi, Maamulaha Shirkada Somtel ee Tog-Wajaale Idiris Daa,uud Muuse,Imaamyada Masaajidada Tog-Wajaale Sheekh Maxamed Ibr aahim iyo Daa,uud Maax, iyo Maamulka madaarista xifdiga quraanka kariimka ah ee Tog-Waj aale iyo dadweyne aad u tira badan.

Waxaana furitaanka taratankan quraanka kariimka ah ee Shirkada Somtel u qabatey madaaris ta xifdiga quraanka kariimka ah ee Tog-Wajaale oo ah kii u horeeyay ee noociisa ah oo Shirkad aha isgaadhsiintu ay u qabtaan tartanka quraanka Degmada Tog-Wajaale waxaa uigu horeyn hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi, oo shir kada Somtel uga mahad celiyay tartanka ay u qabatey bisha ramadaan ardeyda yaryar ee quraanka kariimka ah barta taas, oo Gudoomiyhu ku tilmaamay arin dhiira galin iyo qiima weyn ugu fadhida guud ahaan dadweynaha Tog-Wajaale islamarkaana ay uga mahad celinayaan Shirkada Somtel sida ay u xasuusatey iyo doorka ay siisay tartanka quraanka ee madarasahad Tog-Wajaale.

Waxaa kale, oo isaguna halkaa hadal ka jeediyay Gudoomiyaha Shirkada Dahabshiil ee Tog-Wa jaale Barre Axmed C/laahi, oo isaguna faafaahin ka bixiyay doorka ay shirkada Dahabshiil ku le edahay bulshada iyo sida ay mar walba uga warhayaan dhibaatooyinka soo food saara bulsha da haday yihiin dhinaca abaaraha iyo arimaha culus ee soo food saara bulshadaba, waxa kale oo Mr Barre carabka ku dhuftey in tartankan ay shirkada Somtel iskeed uga timid balse aanay aheyn wax laga dalbadey ama laga codsadey.


Waxa kale oo isaguna kalmado kooban halkaa ka jeediyay, Maamulaha Shirkada Somtel ee Tog-Wajaale Idiris Daa,uud Muuse oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin mowduuca ay Shirkada Somtel ugu qabatey, madaarista quraanka kariimka ee Tog-Wajaale tartankan oo ah kii u hore eyay ee noociisa ah oo shirkadaha isgaadhsiintu ku dhiiri galinayaan bisha ramadaan ee barak eysan da,yarta baranaya quraanka kariimka ah arintan oo uu ku tilmaamay isaguna mid ay Shir kada ahaan iyagu qabteen haseyeeshee aan laga dalbanin.

Sidoo nkale waxa iyaguna halkaa ka jeediyay hadalo wacdi ah oo ay tilmaan kaga bixinayaan qi imaha uu bulshada u leeyahay quraanka kariimka ah iyo barashadiisaba imaayada masaajidada Tog-Wajaale Sheekh Maxamed Ibraahim, iyo Sheekh Daa,uud Maax waxaan hadaladoodii kamid ahaa.

“wax la qiyaasi karo ma aha fadliga quraanka kariimka ahi leeyahay”Sidaa waxa yidhi Sheekh M axamed Ibraahim imaamka Masjid- Nuur ee Magaalada Tog-Wajaale.
“Quraanka kariimka ah waxaa la inooga baahan yahey in aynu la noolaano”Sidaana waxa yidhi Sheekh Daa,uud Maax imaamka Masjidu Raxma ee Magaalada Tog-Wajaale.


Waxa kale oo isaguna halkaa hadal mahad celin iyo guubaabo isugu jira ka jeediyay Abiib Xasan Cilmi, oo ku hadlayay magaca madaarista Tog-Wajaale ee shirkada Somtel u qabatey tartanka xifdiga quraanka kariimka ah waxaanu Abiib siweyn ugu mahad celiyay Shirkada Somtel isagoo uga mahad celiyay tartankan ay bisha barakeysan ee Ramadaan u qabteen da,yarta mudada baranayay quraanka kariimka ah oo da,doodu aad u yareyd.

Dadweynaha iyo Ganacastada ku dhaqan Degmada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexey sa Itoobiya iyo Somaliland ayaa siweyn u soo dhaweeyay bnarnaamijkan ay Shirkada Somtel ugu qabatey madaarista quraanka tartanka quraanka taas, oo marar hore laga qabtey Tog-wa jaale haseyeeshee, dhinaca Shirkadaha isgaadhsiinta ay markii u horeysay.
 



Wariye C/raxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
Email:hiiraan2007@gmail.com