Siyaasiyiin, Diblomaasiyiin Iyo Garyaqaano U Dhashay Koo fur Afrika Oo Ugu Baaqay In Caalamku Aqoonsado Somaliland

 

Pretoria, February 7, 201025-(Timacade News)-25 xubnood oo iskugu jira aqoonyahano, s iyaasiyiin hore xilal kala duwan u soo qabtay, garyaqaano caalami ah, khubaro ku  takhasu stay qaaradda afrika, iyo ganacsato waaweyn oo u badan kuwa iska leh shariikadaha  cay miska iyo maraakiibta ka gooshta gacanka cadmeed oo tiradoodu gaadhaysay 25 ayaa shir balaadhan oo uga socday magaaada Pretoria ee dalka koonfur afrika waxay ka soo  saare en baaq ay u jeedinayaan dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay iyo golaha  ammaan ka ee qaramada midoobay oo ay ugu baaqeen in furaha keliya ee xal u noqon kara  xaalad da budhcad badeeda xeebaha beriga afrika ay tahay in aqoonsi buuxda la siiyo Somaliland si gacan loogu siiyo in ay xeebaha gacanka cadmeed Somaliland gacanta ugu dhigto isla markaana ay ugu soo celiso ammaan ay si nabad ah maraakiibta xamuulka qaada u mari karaan.

Kulankani oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale gebo-gebadiisii  ha dal dheer ka jeediyey haweenayda ah wasiirka gaashandhiga ee dalka koonfur afrika Ms Lindiwe Sisulu, waxaanay Marwo Sisulu aad u ammaantay madaxdani, waxay Ms Sisulu  sh eegtay in dalkeedu uu aad u danaynayo Somaliland oo ku soo biira ayey tidhi beesha  caal amka waxaana ay sheegtay in xukuumadda koonfur afrika ay seddex sanno ka hor ka qayb gashay dood ay dalalka afrika ka yeesheen arrinta qaddiyadda Somaliland, waxay uga  ball an qaaday ergooyinkaasi in ay farriintaasi gayn doonto shirka golaha wasiiradda ee  dalke eda.

Waxaa isaguna halkaasi hadal dheer ka jeediyey madaxa shariikadda caymiska ICEA ee  xa runteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya J. P. M. Ndegwa, wuxuuna aad ugu  dhe eraday daraasad balaadhan oo ay shariikadiisu ku samaysay ammaanka xeebaha beriga afrika, wuxuu soo jeediyey in haddii la waayey dawladdii Soomaaliya la helo xal kale, wuxu una sheegay in ay awood saari doonaan sidii ay arrinta aqoonsiga iyo gacan qabashada Somaliland u gayn lahaayeen wuxuu ku tilmaamay albaabada adduunyada laga gallo.

Qoraalka baaqa ah oo lagu daabacay bogga internetka ee wasaaradda gaashandhiga  dalk a koonfur afrika ayaa wuxuu guul weyn u yahay hanaqaadka aqoonsi raadiska iyo madax banaanida Somaliland oo garawshiyo ka hellay qaybo kala duwan oo bulshada caalamka ah, wallow shirkani aanay xukuumadda Somaliland cidina uga matalaynin marka laga reebo ergayga u fadhiya xukuumada South Afrika Mr. Iqbal Jazby oo isagu shirka ka qayb gallay haddana waxaa laga dheehan karayey dedaalka mucaarid iyo muxaafidba ay u galleen isku keenidda khubaradani



Source:Haatuf