“Socdaalkayagu waxa uu la xidhiidhay horumarinta Dekad da iyo sidii wajigii labaad ee Ceelashii Imaaraadku inoo qoday”

 



Wasiirka Madaxtooyadda iyo Maareeyaha dekadda Berbera waxa Madaarka Berbera ku

Berbera (TNN) - Wasiirka madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu weheliyo Ma areeyaha dekadda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii muddo todobaad ah ay socdaal shaqo ku joogeen dalka Imaaraadka carabta.

Wasiirka Madaxtooyadda iyo Maareeyaha dekadda Berbera waxa Madaarka Berbera ku soo dhaweeyay Wasiirrada Ganacsiga, Warshadaha iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo masuuliy iin kale.

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa natiijadii socdaalkooda uga waramay war baahinta, waxaanu shir jaraa’id ku qabtay xarunta marsadda Berbera.
“Waxaanu socdaalka ugu tagnay dalka Imaaraadka Carabta, sababta aanu u tagnayna waxay ahayd mid khusaysa horumarinta dekadda Berbera oo uu mudaba wada hadal u socday dekadda Berbera iyo dekadda kale ee caanka ah ee la yidhaahdo Deeply World la yidhaahdo ee Dubai,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu intaasi ku daray “Sidoo kale waxaynu xidhiidh la lahayn dawladda Imaaraadka carabta, horumarin haddii ay tahay iyo haddii ay mucaawimo kale taha y-ba oo iyadana aanu dabo-gal ku samaynaynay wixii dambe ee ay innaga tari karaan. Tusaa le ahaan biyaha oo kale oo ay inoo qodeen ceelal badan oo aynu sugayno wajigii labaad oo ay beebka biyaha Hargeysa uga soo jiidayaan ceesha xumbo weyne ee ay balan-qaadeen.”

Waxaanu la kulanay Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka carabta, waxaana aanu ka helnay soo dhawayn wanaagsan iyo is afgarad fiican oo aanu ku heshiinay inay wax inaga la qabtaan dhinacyada horumarinta iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu intaasi ku ladhay “Waxaanu ku heshiinay in la horumariyo dekadda oo la casriyeeyo oo heer caalami laga dhigo si loogu hirgeliyo adeegyadda daruuriga ah ee aanay lahayn.”

 


Timacade News Desk
Berbera ,Somaliland