Somaliland waxaa hogaaminaya ruugcadaa siyaasadeed ee yaan la maqlin nin xilkiisii ka soo bixi waayey xilkuna waa meerto.!!!!!


 


waxaan salaamayaa warbaahinta sida fiican noogu kala tebisa wararka Intaasi kadib waxaan je cel ahay in aan in yar ka idhaahdo arimo dhawr ah oo warbaahintu baryahan danbe qaadaa dhi gaysay oo ah awood ka qaadida xubnaha dawlada iyo kuwa madaxa banaan marka hore xil ka qaadista waxaa iska leh madaxweynaha qaranka oo distoorku siinayaa marka labaad madaxwey nuhu wuxuu wisiirada ku amri karaa in uu halkaa hebel u magacaabo ama uu ka bedelo haddii uu wisiirku fulin waayo taasi wixii ka soo gaadha isaga ayaa mas'uul ka ah waayo amarkii madaxwe ynaha ayuu diiday.Hadaba inuu diido daayo wuxuu madaxweynuhu rabo ee wisiirku dareemo inu u waxaa doonayo waa ku khasab yahay wisiiirku inuu sameeyo.


Waxaa iyana wax lala yaabo ah in wisiir xilkii laga qaaday oo ay dadka qaar u ooyaan ama ay yi dhaahdaan maxaa xilka looga qaaday taasi waa wax aan macquul ahayn xilku waa meerto maa inba nin ama gabdh ayaa qabanaysa xilka cusub oo qof hawshiisii gudan waayey laga bedelay markaa wax sidaasi u sii weyn oo la buun buuniyo ma jrto intaasi oo wisiir ayaa la bedelay intaa oo kale oo muwaadin ayaa iyaguna jagooyinka buuxiya wax lala yaabo maaha waxaase wax lala yaabo ah wisiirka la eryey ee dagaalka ku bilaabay nin shaqaalihiisii ah oo waliba ah kuwii shaqa da lagaga eryey dartood.

Hadaba dadka isu keenaya erigii taani kii jidhif iyo kan wisiirka warfaafinta waxaan u arkaa dad caqli xun waayo xilka maalinba nin baa qabta haddii uu xika gudan waayo shakhsiga loo dhiibay ama uu baal maro awaamirta madaxweynaha iyo inta la shaqaysa ee uu isagu u idmaday inay h awsha la fuliyaan waa la bedeli,sideedabana golaha xukuumadu waxay hayaan xil xisaasi ah mark aa in ay dhego naglaadaan waa loo baahnyahay wisiir aan maqlayn waxa uu madaxweynihiisu fa rayo iyo wada shaqaynta inta uu madaxweynuhu u idmaday shaqooyinka qof kasta oo khilaafaa waa la eriyi karaa waayo xilkiisii ayuu ka soo bixi waayey.


Sidaasawgeed madaxweyne Axmed.m.siiraanyo waa ruugcadaa siyaasadeed oo aan inta badan fara gelin wixii ay qabtaan wisiiradiisu isla markaana aan had iyo jeer jeclayn buuqa iyo muranka laakiin jecel in ay hawshu fusho dadkana loo shaqeeyo intaasi ninkii fulin waaya seefta waa qaad aysaa xilkuna waa meerto maalinba nin baa haya.


Waxaa kale oo jirta in loo siman yahay xilalka qaranka waliba madaxweyne Axmed.M.Siiraanyo waxaa ku jira dawladiisa xisbiyadii oo dhan kuwii isaga ka soo horjeeday iyo kuwii ay mincaarad kawada ahaan jireenba taasina waa markhaati madoon halkaasi ayaan ka fahmaynaa in madxa weynaha somaliland uu yahay nin dadku ay u siman yihiin oo aan jeclayn in la kala qaado dadka reer somaliland ku isaga wax taray iyo ku aan tarinba madaxweyne ayuu u yahay,haseyeeshee ninkii diida amarkiisa ma sii ag joogi karo waayo amarkii uu faray ayuu fulin waayey mid kale oo fulinaya ayuun baa iman doona haddii alle idmo lomana baahna in cid la bedelay laga abuuro buuq iyo qaylo.


Waxaa kale oo wax layaab ah in uu wisiirka hore ee warfaafintu qabto shirjaraa'id oo uu ku shee gay in aanu tirinayn xilka ilaa labadii xubnood ee uu bedelay tiriyaan xilkooda waxaan leeyahay wisiirkii hore adigu ka tagatay wasaaradii xilkeediina ama tiri ama ha tirn waa lagaa bdelay nin kale ayuun baa iman doona haddii alla idmo ee waxba ha sii nacas xaadhin ee iska tiri xilka.

ugudanbayntii waxaan u soo jeedin lahaa dadka reer somaliland inay ilaashadaan nabad geliyado oda,dawladooda wanaagsan dhegna aanay u dhigin war xumo tashiilka la wareegay beenta kuna kalsoonaadaan madaxweynahooda taageeraana wixii ay xukuumadu samayso.

 

 



Cabdi.D.Camuud

UK