‘Somaliland waxa ay tusaale u noqon kartaa dalalka carabta ee bilaabay in ay beddalaan rajiimadooda’

 


Washington (TNN) -“Shiinuhu wuxuu ka mid yahay dalalka hoggaanka u haya dunida marka la ga hadlayo horumarinta kaabayaaha dhaqaale, “ sidaasi waxa yidhi wasiirka arrimaha dibada Somaliland, Maxamed C/laahi Cumar, oo socdaal ku marayay toddobaadkan magaalada Washi ng ton.

Wasiirku waxa uu sheegay in aan lagu heli karin gargaarka bani’aadanimo jidad la dhiso, bariij yo, dekedo iyo madaaro, waxaanu tilmaamay in taageerada horumarineed ay diiradda saarto qaybaha waxbarashada caafimaad iyo dhismaha hayadaha, balse aan lagu dhisin jidad, iwm.

“Kaalmada ujeedadeedu ma aha in lagu dhiso jidad iyo horumarka dhaqaale ee aad ugu baaha n tahay in aad ku horumariso kaabayaashaasi,” ayuu yidhi Maxamed Cumar. “Shiinaha ayaa aad iyo aad ugu wanaagsan taasi,”

Qormadan oo ku soo baxdey National Journal waxa qortay Sophia Quantin waxayna tibaaxday in Shirkada Saliidda ee Shiinaha ‘Petro Trans’, ay ku hawlantay in ay dekedda Berbera ka dhig to mid casriya, iyada oo dawladda Somaliland kula gashay heshiis in ay gacan ka siiso ‘Petro Trans’ sidii ay dekeda uga dhoofin lahayd gaasta dabiiciga ah ee ay ka soo saarto Itoobiya. Sida wasiirku sheegay waxa qayb ka ah heshiiskaasi waddooyin casriya oo isku xidhaya Soma liland iyo Itoobiya oo gacanta lagu hayo gebogebayntiisii.

Agaasimaha Afrika ee macadka caalamiga ah ee ‘Republican Institute’, Paul Pagan, ayaa isna sheegay in ay yihiin dadka Somaliland laftigooda kuwa go’aansaday in ay dhistaan Somaliland deggan oo nabad ah. Waxa uu sheegay in nidaamka Somaliland isku dheelitiray sharcigii islaam ka, dhaqankii qabiilka iyo nidaamkii dawliga ahaa, isla markaana qabiilka iyo nidaamkii dawliga ahaa, tixgeliyayna xuquuqdii insaanka, ballan qaadayna la dagaalanka argagixisada.

“Ma jiraan meelo badan oo sidan oo kale ah, dunida”, ayuu yidhi Pogan. Waxa uu ku tilmaamay Somaliland in ay tahay meell ay fudud tahay in laga shaqeeyaa, sababtuna ay tahay dawladda oo doonaysa in ay ka qayb qaadato dadaalka loogu jiro dhismaha hayadeed.

Jariiradu waxa ay leedahay Dawladda Somaliland waxa ay aamisan tahay in ay u noqon karto tusaale dalalka carabta ee la lagdamaya in ay bedel ku sameeyaan rajiimada.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, waxa uu sheegay in ay cashar siinayaan dalalka ku jira geedi socodka dimuqraadiyadeed, taasina ay Somaliland samaysay iyada oo aan wax buuran haysan oo aan cidna ka helin taageero.

Wasiirku waxa uu socdaal ku tegay toddobaadkii hore Washington si uu u gaadhsiiyo qaddiyad da Somaliland Qaramada Midoobay, isla markaana u weydiisto taageero biniaadanimo iyo mid horumarineed.

Qoraaga maqaalkan Sophia Quinton, waxa ay intaa ku dartay in Shiinuhu si isa soo taraysa u ga qaadanayo door firfircoon Afrika, iyada oo shirkadaha dawladdu leedahay u dhaqaaqeen in ay soo saaraan khayraadka Afrika, ayna maalgelinta Shiinaha ee qaaraduna ay cirka isku sha reertay.

Saamaynta Shiinaha ee Afrika waxa ay walaac ku abuurtay qaar ka mid ah reer galbeedka. Hase yeeshee Maxamed Cumar, waxa uu ku dooday in ka qayb qaadashada Shiinaha iyo galbe edku ay labaduba yihiin lagama maarmaan, isla markaana ay is dhamaystirayaan.

 

 

 

Source: National Journal