Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somali land,Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale

 

“Somaliland Waa Qaran Aan Arrimihiisa Gudaha La Soo Faro Gelin Karin, Weftigii Midowga Yurub-na …..”

“Anigu Nin Qabiil Ma ihi, Wasiir Qaran baan ahay beesha aan ka soo jeedaana iyada ayay u taala cida….” Wasiirka Arr. Dibada Somaliland

Hargeysa(Ramaas) Aug. 14, 2009 - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada  So maliland, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in Somaliland  ta hay Qaran madax banaan oo aan arrimihiisa gudaha la soo faro gelin karin, isla markaana uu beesha caalamka ka dhexeeyo xukuumadiisa iskaashi iyo  ixtira am.


Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay  xafii skiisa, oo uu kaga hadlay weftigii ka socday Midowga Yurub ee baajiyey  socd aal ay 12-kii bishan ku iman lahaayeen Somaliland, arrimaha doorashada iyo aragtidiisa ku wajahan go’aankii dhawaan Golaha Wakiiladu ansixiyeen ee ku saabsanaa in xukuumada iyo Komishanka Doorashooyinku ka noqdaan  qaraa rkii ahaa in la galo doorasho aan lagu salayn liiska diiwaangelinta  codbixiye yaasha.

Wasiirka Arrimaha Dibadu wuxuu mar kale ku celiyey in xukuumadda  Somalila nd ay ka go’an tahay in ay doorashada madaxtooyada ay ku qabsoonto xilligii loo muddeeyey ee 27-ka bisha September ee fooda innagu soo haysa, waxa anu yidhi “Anigoo ka duulaya go’aanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba iyo beesha caalamkaba in  xuku u mada Somaliland sidii ay horeba u balanqaaday ay uga go’an tahay  qabasha da doorashadii loo cayimay 27-ka September 2009 duruuftu si kastaba ha  aha atee, doorashadu waa inay u qabsoontaa si nabadgelyo iyo xalaal ah.


Caalamkana waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka soo qaybgalaan sidii  doorasho oyinkii horeba ay uga soo qaybgaleen, Qaran ahaan waynu haysanaa waayo-aragnimadii saddexdii doorasho ee hore iyo im kaaniyaatkii lagu qaban  lahaa ba.”


Wasiirku wuxuu beeniyey war sheegay in xukuumada Somaliland ay baajisay wefti ka socday Midowga Yurub, oo 12-kii bishan socdaal ku iman lahaa dalka, waxaanu yidhi “Nasiib darro weftigaasi saacadii ugu dambeysay subaxdii ay ahayd inay dalka yimaadaan way ka cudur-daarteen markii hore waxay noogu soo sheegeen telefoon inay baaqdeen waxaanay sheegeen inay qoraal raali gelin ahna ay soo qori doonaan, warqada ay soo qoreena xagga xukuumada aniga(wasiirka) ayaa la igu soo hagaajiyeen, warqadaasi nuxurkeedu ahaa oo ay yidhaahdeen waanu ka xunnahay in aanu nimaadno iyadoo ay nagu timid duruuf.


Waxaanay yidhaahdeen inay iman doonaan mar kale, qoraal ayaan ugu  jawaa bay aan leenahay xukuumada, baarlamaanka, komishanka iyo dawlada oo  dha mi waa idiin diyaar ee markaad diyaar garowdaan noo soo sheega.”


“Wararkan kale ee sheegaya in weftigaas Midowga Yurub ay xukuumadu  baaji say arrintaasi waa wax aanay waxba ka jirin, waxaan rajaynayaa inay iyaguna (weftiga) ay wax ka yidhaahdaan arrintan saxaafada maxaliga ahi qortay, wax ba kama jiraan waana been, ayuu yidhi mudane Ducaale.


Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa kale oo uu naqdiyey go’aankii Golaha  Wakiila du dhawaan ka soo baxay ee la xidhiidhay in laga noqdo go’aankii Komishanka ee lagu laalay diiwaangelintii codbixiyeyaasha, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa in aan in yar ka yara taabto mooshinkan ka socda, baarlam aanka (Wakiilada) ee ay maalintii dhawayd soo saareen, waxaanu leeyahay Qaranku wuxuu u baahan yahay in loo tudho maanta in la yidhaahdo maamuus ka xayuubin xilli ay doorashadiiba ay ka hadhay usbuucyo, waxaan u arkaa arrintani in ay tahay mid fawdo ah khalkhalna gelin karta Qaranka. Cidii arrintan wada tallada aanu siinaynaa waa inay ka waantoobaan cawaaqib xumada ka dhalan karta, doorasho iyo abaabul ayaa inoo yaala caalamkuna way ina soo wada eegayaan waxaanu xukuumad ahaan jecel nahay in si wadajir ah doorashada loo wada galo, iyadoo wixii la kala tabanayana laga wada hadlo.


Intaas ka dib weriyeyaashii shirkaasi jaraa’id ka qaybgalay waxa ay  weydiiye en Wasiirka Arrimaha Dibada su’aalo u dhacay sidan.




S: Wasiir, Gudoomiyaha UCID iyo Xoghayaha Guud ee Kulmiye waxay sheegeen in xukuumadu ay weftiga baajisay oo ay tidhi ma qaadi karno amnigiina, arrint aasi miyaanay jirin?




J: Waa arrin fajiciso ah, wax allaale iyo wax ka jiraana ma jiraan waxa ku  kelif tay duqa Gudoomiyaha UCID iyo Xoghayaha Guud ee Kulmiye iyaga weydiiya waxa ku kalifay, Midowga Yurubna waad weydiin kartaan oo Midowga Yurub halkan (Hargeysa) xafiis ayay ku leeyihiin.


Beryahan dambe waxaynu maqleynay in rag cararayeen oo ay lahaayeen  wax aanu caalamka iyo deeq bixiyeyaasha u sheegaynaa in dimuqraadiyadii ay  lun tay oo xukuumada Rayaale la saaro cadaadis xukuumada Somaliland iyo  caala mka waxa ka dhexeeya iskaashi wada jir iyo is ixtiraam.


Somaliland waa Qaran jira arrimaha gudaha Somaliland-na cidi ma faro gelin karto, in rag dibada u carareen oo ay yidhaahdeen meeshii waa la kala yaacay ee noo soo gurmada taasi waa nasiib darro manay dhicin illaa 1991-kii inagaa wax lafo-guraynay.


Ma aha in anaga (Somaliland) shirar naloogu qabto Jibtuui, Nairobi iyo Addis ababa midna dalkeenii wuu inoo dhisan yahay dastuurna waynu leenahay.


S: Wasiir waxa jiray in todobaadkan la sheegayay in nin aad walaalo tihiin la caleemo saaray oo laga dhigay Suldaan arrintaasi maxaad kala socotaa, mase bogaadisay Suldaanka?




J: Anigu nin qabiil ma ahi Wasiir Qaran baan ahay Somaliland oo dhana wasiir baan u wada ahay, beesha aan ka soo jeedaana iyadaa cida ay doonaysa  cale emo saaran karta, waxa isna la ii sheegayay nin kale oo walaalkay ah. Siciid Yuusuf Ducaale isagana waa la caleemo saaray baan maqlayay.


Wax lug ah oo aan ku leenahayna ma jirto, cidna ma aan bogaadin reeraha  Sa laadiintooda iyo kala doorashadooda midna shuqul kuma lihin mana sameyso madax dhaqameed mana rido.




Source: Ramaasnews