Somaliya, ma adduunbay uga baahan tahay Somaliland Mise arrin? Mise waa maxay ka nuugtaa, maxayse ka nuugtaa.

 

       



Maqaalkan waxaan ugu wan qalayaa codkii Cusman Maxamed (Gacanlo) iyo Xaliimo khaliif Magool.

Maxaad la ooydey, maxaad la ooydey, ku aamusiiyeed la hadli weydey

Waxaan la ooyee la ammakaagay i aamusiiyeen la hadli waayey

Erayadaadan iga adkaadoon la ammakaagay

Adduunyo weeyoo, arramidaadiyo nabsaa abaalee

Inteed ogeydoo aaaaaaaaaaa, abaal hanbayso aaaaaaaaaaaa kugu adkeeyey

Inteed ogeydoo aaaaaaaaaaaaa, abaal hanbayso aaaaaaaaaaaa kugu adkeeyey



Afeef: Wanqalshaa kadib, halku dhegaa kor ku xusan wixii masa’alo diini ah waxaan u dhaafayaa cu limada qunyar socodka ah sida Maxamud sh. Dalmar oo kale iyo inta la halmaasha ee la aqoonta ah ee aan kitaabka ku xoogsan, muxaadarooyinka lacag ku urursan islamarkaana qoys gaar ahi u soo camirin. Iyaga ayaan u dhaafayaa in ay kala bayaanshaan ninka halis iyo colaado ku hagoogtey ee gurmada ummad walaalihiisa iyo ka abaar dalka wada dhamaysay qaarna ilduufa, qaarna u gurma daa siday u kala ajar badan yihiin habeen aakhiro. Wixii intaa dhaafsani waa aniga iyo duun u hadal kayga.


Maqaalkani wuxuu u qaybsamaa faagaga iyo bawyo, marka hore fagaaga ayaan jeexayaa, marka xi gana bawyada , qandigayga aan meeraray waa qalin iyo tawaad,

Xusbi qarameed waxaa diley oo qar iyo buur dheer saaray, nin ka maarma marka buurta dheer guradeed shacbigu gaadhsiiyo sida hogaamiyayaasha UDUB iyo Kulmiye oo kale iyo nin barbar dhigay ururkii aragti ahaan lagu bahoobey, maqaaxi iyo shaahi garamle qof leeyahay.

Xusbi furashana waxaa isku fuuqsaday markii aragti shuruud looga dhigi waayey ee ajuuradii dii wa angelinta lagu saamaalay adduun uu ka bixi karo maalqabeen iyo mid maalqabeen ka danbeeyo oo danaha maalqabeenka ilaasha. Waa danyaroo durug. Waxaase jidka loo furay in ay soo baxaan uru ro aan diiwaangashanayn ooh halku dhegoodu yahay “Qasnadaha Haraatiya wuxuun baa ka so o qu bane".

Duco iyo habaar waxaa biiyey, culimada dadkoo oon la tuban oo macluul daraadeed mayd barye y, caamiyaha iyo haweenka ku baqamaalaa kitaabkii Ilaahay ee intay TV-yada fadhiistaan, warba ku soo koobay ma doolar baad wadaa mise dahab, qaar kalana qori caaradii ku doonaya in ay xuku nka kula wareegaan, qaar kalana fooxa , jinsaar iyo dabiib ku adeegsanayaan. Weli ma maqal sheikh iyo shariif Adan Siira mooyaane Alshabaab dhalliila oo dhallinyarta uga digay halista ay leedahay if iyo Aakhiro. Maan maqal sheikh caalim ah oo intuu soo wactamo dahab iyo doolar deeq u bixinaya oo duco dalbanaya. Sh. Adan siirow mooyee kuwaa dabadood lama baano iyaga ayay ku gudhaa.

Talo, tusaale iyo wax isku sheegna waxaa biiyey ummadda ka sastay weedhii uu Sh. Aadan Siiro soo calyo ceshadey ee weligeedba gobolada dhexe ee Somaliland ku hadaaqi jireen, ee weliba ku dh aantaynaysa wuu xujoobey Sheekhii.



Xusuus iyo waayo waayo.

Dhaliisha Sheikh Aadan Siiro waa ammaanta iyo marag dhacay Cumar Carte Qaalib, Sulayman Maxamud Aadan, Cusman Jaamac Cali, Jamac Maxamed qaalib , Maxamed Cabdillaahi (Sifir), Cali khaliif Galayr iyo Alla u naxariistee Cabdiraxman Maxamud Axmed Cali iyo Maxamed X. Ibrahim Cigaal., iyo qaar kale oo badan.


Dhaliisha Sheekh Aadan Siiro waa Ammaanta intay u cuntami weydey xuduuda uu sheegtay ee Somaliland sida Awdal State iyo Sool iyo Cayn.

Dhaliisha Sheekh Adan Siiro waa ammaanta Proffesor Axmed Ismaciil Samatar, Professor Cali Cabdiraxman Xirsi, professor Cumar Adan qaadi iyo Proffessor Ismaaciil Buubaa iyo qaar kale oo badan.

Dhaliisha Sheekh Adan Siiro waa Ammaanta Abwaan Cali Sugule, Abwaan Cabdi Adan Qays, Abwaan Cabdi Muxumed Amiin, Saado Cali iyo qaar kale oo badan.

Dhaliisha Sheikh Adan Siiro waa dhiiringelin ta taariikh been ku malafsadaha, jirjiroolaha iyo nin agoon ku xadaya qalin.

Dhaliisha Sheekh Adan siiro waa dhiirigelinta dabin ka bood, danta guud ma eegaha.

Dhaliisha Sheikh Adan siiro waa dhiirigelinta maakhada dhablayaasha beelaha ku dhuumaalaysta iyo culimada aan shalay mooyee maanta erey ka dhiiban Karin, iyada oo ummadoodii liidato, xag add uun iyo xag aakhiraba.

Aniga oo afgobaadsanaya oo aan qof, beel, koox iyo urur midna gaar u aflagaadeen oo aan dumado oda weerarin bal aan meeraro qandigayga oo baw jeexo, shinina ku daadiyo oo aan iftiimiyo faagag aa aan kor ku xusay. Tacay indha lacagow, tacay akhristow .


Tan iyo maalintii 18 Meey ee lagu dhawaaqay Somaliland, ee Alla ha u naxariistee Cabdiraxman Ma xamud Axmed Cali khudbadii taarikhiga ahayd oo aan filayo in dhawaan lagu dari doono manhajka waxbarashada dugsiiyada sare, uu ka jeediyey magaalada Burco, dadka reer Somaliland waxay ku hadaaqayeen timir laf baa ku jirta, Somali weyn buu doonayaa, waa lagaa danbeeyey, qabtaa iyo celiyaa. Bal muxuu dhimay Sheekh Aadan Siiro, ilayn intii ayuunbuu soo calyo ceshadey, hadday xun tahay iyo hadday san tahayba.


Maalmo kadib ku dhawaaqistii goosashada, Sulayman Maxamud Aadan iyo Cusman Jamac Cali, ayaa balaayo madax la qabtay leedahayee oo mijo la qabta ma laha eh, ku dhiiradey in ay ku hagoogtaan dhiiga iyo colaadahay Muqdisho ka bilaabmay, tii ka dhacday waaba loo wada joogey, miyaan dhag ax iyo dhawaaq xun lagala daalin. Ma maalintaas ayay Somaliland rixin goys ahayd, mise abaaraha ayuun baad ka damqataan oo colaadaduhu agtiina waa caado rag oo umma baahana in la isgaga gurmado.(raad raac oo akhri Jamhuuriya by Tuur Cabdi shide iyo Xoriya by Cabdillahi Aw Adan Cum ar Griig(wayab) iyo qaar kale oo badan). Waaga Somaliland gudaheeda miyaan dhagari dhicin oo a an dhiig qulqulin oo garaadkii beeluhu ee siyaasiyiintu dhidhinayeen ku goolibaadhin Burco iyo Berb era.

Adigoon is dhaga marin Cabdiraxman wuxuu SOO dhiraandhiriyaba isaga oo aan itaal ahayn, arrin m ooyee, miyaanu Cigaal ku soo simin isaga oo Guurtida kaashanaya. Kadibna miyaanu ka huleelin Cab diraxman oo aanu gurmad Somaliyeed gelin isaga oo ku luuqaynaya: “Inantaan gardaashee, gaadiid sidiisii ku xanbaaray guudkaan, gondahayga goysee.”

Miyaan alla ha u naxariistee Cigaal halkaa ka sii anbaqaadin. Miyaanu godgelin iyada oo lagu dilayo oo lagu dagaalayo Somali weyn buu doonayaa, timirtaa lafbaa ku jirta, waa laga danbeeyaa, Lacag buu samaystay, qabtaa iyo celiyaa.

Sheekh Aadan Siiro intaas ayuunbuu soo calyo ceshadaye, haddaad adiga liqday, intaanada maagin ka istaaqfurulayso oo uunka maqashii kaalintii hore ee taariikhda kaga jirtey, islamarkaana haddaad soo miiraabtay ma xumme, adiga oo aan Adan Siiro oo aan u kula tirin, ku soo dhawaw golaha murtida iyo madadaalada ee naxariista badan ee deeqda badan.

Xilligii Cigaal Miyaan dhagari dhicin oo aan dhuug qulqulin. Miyaan la isku dileen intaa Sheekh Adan Siiro lagu haysto ee aha ma naxaan baad tahay ma naxariistaa. Xuduudii buu ka talaabay, iyo xad ka soo jebiya. Aakhirkii miyaan dhamaystirin nabadii Cabdiraxman Tuur u dhabar jabay. Miyaanu ka gudbin beelnimadii oo aanu dhaanka u rarin xusbiyo. Miyaan khudbadihiisii dhaxalgal ahaa qaarkood maanta mudnayn in lagu daro manhajka waxbarashada dugsiyada sare.

Waqtiga isbedeley warbaa la socdee, Sheekh allow dadku yuu ku eedayn isha xidho afkana dhawr arag maqal warkana eeg.

Malahayga sida ina Xaashi Cilmi ayuu daalacan dhashaye, dadkuu u doodayey ayaa wada eryana ya. Bal muxuu dhimay Sheekhu. Sheekh muu xujoobin manuu danbaabin. Waa muwaadin gudanayaa waajib saran. Maalmaha Jimcaha khudbadihiisa wuxuu kaga hadlaa hadba wixii jooga iyo waxay diintu ka qabto. Wuxuu ka duulayaa xadiith rasuulkeenii suubanaa CSW ee ahaa “kulumkum raaci wa kulumkum masu’uulin can riciyatihii” .

Sheekh Adan Siiro sida igu maqaalo ah waa sheikh xoogsada oo aan xaglo laabnayn, waa sheikh ho o mooyee aan keenta aqoon, waa sheikh wuxuu bartay dadka sii bara. Waa Sheekh aan cashuurta iyo sakada midna la fakan. Meheradihiisa dad badan ayaa ka hawgala. Waa Sheekh xilkiisii bulsheed gudanaya. Siyaasada in uu ka hadlaa xujo ma ah, mar hadduu codbixye yahay oo uu waxana diido waxna doorto. Xaq buu u leeyahay cid kasta oo tartanta oo uu codkiisa siiyo in uu la xisaabtamo. Ceebna ma ah in falalkiisa iyo weedhihiisa uu waafajiyo shareecada Islaamka, dadka kale iyo maam uladana ku booriyo.

Weedhan ugu danbeysey haddaan la isdafirahayn wuxuu sheekhu cuskaday oo daliishade axaadiith iyo Aayado qura’aan ah, iyo WELIBA sheekooyin laga weriyey rasuulkii (CSW), wuxuu raadraacay culumada ugu waaweyn ee ay ku dhisan tahay shareecada Islaamku.

Dhinaca kale ee ka waxay daliishadeen eedayn iyo in Sheekhu waxay Yuhuudu ka adkaysan weydey ka horyimid oo uu ku hadlay sooryo dad masaakiin ah loo wadey. Daliil burinayaa aragtida Sheekh diin ahaan dadweynaha kumay sooryin, isaguna kumuu qancin. Somaliland waxaan ku ogaa maamul jiq lagu siiyo, laakiin culimo jiq isku siinaysa maanta waa kow.

Hasayeeshee, sheikh Aadan Siirow wuxuu ka warla’yahay isbedelka dhacay. Sheekhoo xuduudihii aad ogeyd ee beryo qaarkood lagu dhadhabi jirey waa laga gudbey oo Somalidu waxay la jaanqaad ay aragtida ah “World globilization”.

Miyaanad ogeyn maamulada goboleeyada aan la ictiraafsanayn ee hadba kooxi ku qadhaabato in m eel qudha laga wada masruufo oo Mahiiga, ergaga jamciyada quruumuhu Madaxweyne u yahay oo hadba koox iskala baashaalo.

Miyaanada arag hay’adaha samafalka ee inna miray ee inna maaruqay ee galay kaalintii dawlad so maliyeed oo la ictiraafsan yahay.

Maanta war is gaarsiinta iyo tiknoolajiyada casriga ah ayaa xuduudihii jebisey oo shirkada kooban ayaa qurbo iyo gudaba ka ganacsada dadka af-somaliga ku hadla iyo kuwu aan ku hadalba.

Miyaanada arag warbaahinta baraha Internet-ka ee aan xuduuda lahayn ee Somali meel ay joogta ba isku aragtay.

Miyaanada arag warbaahinta maqalka iyo muuqaalka ee aan xuduuda lahayn ee laga haqa belay, mid maamul leeyahay iyo mid gaar loo leeyahayba ee waad baahan tahay u bahalo cuna. Miyaanad arag siday caamada iyo haweenka ugu garba duubeen Culamaa’udiin iyo Siyaasi ee bogagoodii ugu ka iibinayaan. Miyaanad ogeyn qofkasta oo somaliyeed in jidhiidhicooday markay warbaahintu soo hordhigtay carruurta Bay iyo Bakool macaluushu ku laysay ee silci maryaadaaya.

Miyaanada arag ganasadayaasha beri aan fogeen beel u adeegi jirey in ay manta heer caalami mar ayaan oo iska daa koonfur iyo waqooyiyoo, dadka Af-somaliga ku hadlaa ay ku tira yaraadeen.

Ugu danbayn aan bawgan ku soo xidho sheekha ku idhaahdo: “Ruuxa laba wajiila ha la dhiganin wac adoo, jacayl aan lagula wadin waqtigaaga yuu lumin.”

Bawgii u danbeeyey iyo gabgabadii.

Sheekh Adan Siiro marag baa u dhacay oo wataa dawladii gajadii iyo macluushii la isdiidsiinayey af ka ku kala waaxdey ee Adduunkii lagu kaal meenayey badhkiinii dalbatay.

Haddaba markaa eegto abaaraha iyo colaadaha Somaliya ka taagan, Somaliland si loo soo afjaro, m a adduun iyo sakada oo la isdhaafiyo iyo wax kaga taraysaa mise arrin, ergo iyo gurmad awliyeed. Aniga siday ila tahay adduun arrinkaa ka weyn oo meel aan masgaxi talin welgeedba taariikhda mu ruq iyo adduun waxba kama tarin.

Bal adiga akhristow iswediiyoo caalamku muddo labaatan sano ah ayuu Muqdisho adduun la daba t aagnaa oo shirar loo qabanayey bal maxaa ka soo baxay. Waxaa ka soo baxay in mashruuc laga dhi gto oo hadba dawlad Afrikaan ah oo qayrkooda ciidamadooda laga masruufo. Gob ma ah in intaa ka badan in la isku sii daawadaa ee ha loo diro boqol nin oo erga ah oo Xaaji Cabdi waraabe hogaamin ayo oo sahay ha looga dhigo qadar lacag ah ee ururiseen.

 


 

 

 


 

Haamud Duale