Soof daran habowga macnaha Siyaasada

 

Umadaha kala gadisan ee uu ilaahay caalamka guudkiisa ku abuuray waxa uu ku  s oo lamaaneeyey caqli iyo garaad ay ku maamulaan dunida ay ku noolyihiin si ay  na bad ugu wada noolaadan iyo ixtiraam.

Dadyowga dunida ku dhaqan waxay lahaan jireen qaab maamul oo ku salaysan  boq ortooyo nidaamkaasi, dadku waxay aaminsanaayeen in ay u daba joogsadaan qoys hogaaminta aayahooda.

Nidaamkani waxa uu si talaabo, talaabo ah uga suulay caalamka qarniga 21aad  wa xaana loo xuubsiibtay nidaamka dimuquraadiyada kaasi oo kootadii hogaamineed ee nidaamka boqortooyo meesha ka saaray.

Nidaamkani waa mid ay soo saaridiisa sheegtaan dalalka reer galbeedku balse waa mid intiisa badan laga soo xigtay diinta islaamka, waayo rukunka ugu wayn ee  dimu quraadiyadu waa xoriyada oo ah tiir islaamka ka soo jeeda.

Hadaba dadka ku dhaqan gayiga Somaliland ayaa ah qaar ay soo mareen  guumaysi yo kala duwan oo taariikhda ugu duugan, waxaanay caalamka kala qayb qaateen  x adaarada cusub iyo nidaamka dimuquraadiyada waxaana qasab noqotay in  siyaasi yiintu ay qaatan nidaamkani oo ku cusub, kaasi oo ka hor istaagaya kali-talisnimada iyo dariiq kasta oo la xidhiidha.

Waxaa dhib yaraatay sheegashada teetalka siyaasi taasi oo ay suura galisay  nida amka dimuquradiyadu. Ka sokow shaqsiyaad aqoon u lahaa siyaasada oo ku dhex qarsoomay mowjadaha dad aan aqoon u lahayn siyaasada. Waxaa sii kordhay  da dka aan garanayn siyaasada, arintani waxay kaliftay in qalad loo fahmo waxa ay tahay siyaasadi.

Waxaana hubaala in laba majare ay kala qaadeen siyaasiyiinta Somaliland oo aad u tiro batay isla markaana aan lahayn qaab dhaqankii siyaasi, waxay kala yihiin  laba da dariiq ee ay kala raaceen siyaasiyiintu sidani:

1. Siyaasi u heelan in uu helo jago uu ka dhaxlo hanti tiro badan sida guryo, gaadiid, qasnado lacag ah iyo in dadku ay bartaan mana kala jecla in uu magaciisu xumaado iyo in uu samaado toona balse ujeedadiisu tahay dadku ma ku yaqaan, waxaana  sa bab u ah garashada oo liidata sida oo kalena wayday cilmigii kabi lahaa waana kuwa ugu badan maanta dadka noocaas ah ee sheegta siyaasi.

2. Waa siyaasi garanaya macnaha siyaasada aqoona u leh balse ku jahawareeray mawjadaha jahliga siyaasiyiinta ka tirada badan ee qasbsaday xirfadani.

Siyaasiga noocaas ahi maanta waa ka ugu afka gaaban waa ka ugu yaabka badan waxaanu is waydiiyaa malaa siyaasadu sidaad moodayso maaha hadana wuxuu isa su’aalaa sowta dunida horumartayba sidaada oo kale u taqaana siyaasada dadkani halkay ku soo barteen waxa noocan ah.

Markaaba waxaa u soo baxda in jaamacada madow ee ay ka soo baxeen ma garatada aqoon daradu hadhaysay in ay tahay marfash ka qaadka. Waxa sida dharaarta u cad isla markaana uu u muuqata qofkasta oo aqoon leh ama caqligiisu fayowyey in macnihii siyaasadu soof daran habaabay.

 

 

Wariye: Muuna Casayr Jaamac