Sooyaalkii taariikheed ee Marxuum Cabdi Cawaale Cige
 

Alle ha u naxariistee marxuum Cabdi Cawaale Cige waxa uu ku dhashay m agaalada Gabiley 1940kii halkaas oo uu ku barbaaray ka dib waxa uu usoo wareegay magaalada Hargeisa oo uu ka bilaabay waxbarashadiisi ugu  hor eysay dugsiga hoose dhexe ee sheekh bashiir taariikhdu markay ahayd 1951kii.

Markii uu dhamaystay dugsiga hoose dhexe 1959kii waxa uu galay dugsiga tababarka macalinimada muddo laba sanadood ah 1959-1961kii.

kadib waxa uu bilaabay inuu ku shaqeysto xirfadda macalinimada 1961kii, macalinimadiisi ugu horeysay wuxuu ka bilaabay degmada Wajaale ilaa uu ka gaadhay heer maamule, sidoo kale waxa uu maamule ka noqday  dugsi yo ku yaala Allayibaday, Arabsiyo iyo Hargeysa. ka dib waxa loo bedelay Ceerigaabo halkaasi oo uu muddo ka shaqeynayay. 1970kii waxa loo  bede lay gobolada koonfureed ee soomaaliya waxaanu macalinimo kaga  shaqe eyay gobolo badan oo ka mid ah koonfurta soomaaliya ilaa uu noqday gudoomiyaha waxbarashada ee magaalada kismaayo, ka dib waxa loo soo bedelay magaalada Muqdisho halkaasi oo uu ka galay jaamacadii Lafoole muddo laba sanadood ah, waxaanu ka mid noqday saraakiishii  wasaarad da waxbarashada ee dawladii Siyaad Barre.

Sanadkii 1979kii dawladdii Siyaad Barre waxay ku eedaysay inuu xidhiidh la lahaa mucaaridkii xaq u dirirka ahaa ee dawladda ka soo horjeeday  wa xana loo taxaabay jeelka "Laan Buur" ee go'doonka ah halkaas oo ku  xidh naa muddo saddex sanadood iyo shan bilood ah, ka dib waxa loo soo  bede lay jeelkii ku yaalay magaalada Muqdisho halkaas oo iyadana uu ku  dhama ystay hal sanno oo xadhig ah. sanadkii 1983kii markii la soo daayay waxa uu ka mid noqday kooxihii u ololaynayay sidii xukunka looga tuuri lahaa  ke ligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Duqeyntii ba'nayd ee loo geystay gobolada waqooyi ka dib markii  ciidama da xaq u dirirka SNM ay gacan ku haynteeda yeesheen gobolada waqooyi 1991kii Marxuum Cabdi Cawaale Cige waxa uu yimi magaalada Hargeysa waxaana uu ka qayb qaatay shirarkii dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee gobolada waqooyi waxa kale oo uu ka qayb galay shirarkii ka  dhaca y magaalooyinka Berbera, Burco iyo shirkii magaalada Boorama ee lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada xoriyadii halowday 1960kii isla  marka ana lagu doortay Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal inuu noqdo  madax weynaha dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Marxuumku waxa uu ahaa nin nabadda jecel, kuna rajoweynaa inuu mar uun arko Somaliland oo yeelata dawlad xoog leh oo caalamka laga  aqoon san yahay, waxa uu ahaa nin dadnimada iyo dawladnimada jecel isla  mark aana bulshaawi ah oo u hawlgala xalinta meel walba oo shaqaaqo ka  dha cdo shacbiga Somaliland gudohooda.

Markii dagaaladii sokeeye ay ka dhex aloosmeen beelaha Somaliland waxa uu ka mid ahaa odaayaashii nabad doonada ahaa ee ka qayb qaatay dib u heshiisiinta shacbiga Somaliland.

Sannadkii 1998kii-1999kii waxaa loo magacaabay wasiir ku  xigeenka  Was a arada arrimah gudaha ee jamhuuriyadda Somaliland waxaanu xilkaasi hayay muddo sannad iyo lix bilood ah. Isla sannadkii 1999kii waxa loo  bed elay inuu ahaado wasiir ku xigeenka Wasaarada hawlaha guud,  guriyey nta iyo gaadiidka waxaanu xilkaasi hayay ilaa sanadkii 2003dii.

Alle ha unaxariistee Abdi Cawaale waxa uu ahaa oday sama talis oo qayb aad u weyn ka soo qaatay dib u heshiisiintii beelaha Somaliland, waxaa  ka le oo uu qayb laxaadle ka qaaday diiwaan galintii bulshada reer Somaliland oo uu ka mid ahaa odayaashii dadka ku dhiiri galinayay inay is diiwaan  gali yaan, waxaa kale oo uu marxuumku xubin ka haa Golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee Udub.



Marxuum cabdi Cawaale waxaa uu ahaa shaqsi alle ha unaxariistee  cibaa dada ku fiican, dadka ku dhiiri galin jiray waxbarashada, Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo Somaliland,intii taqaanay , ,Eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay. Aamiin. aamiin.



Waxaa qayb laxaadle ka qaaday ururintaa taariikhda Marxuumka alle haka jazaa,I siiyee Siciid axmed Cawaale (Siciid Maazim).


 


 

Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa Somaliland