Suldaan Xuseen Aw Muuse Warsame oo Maanta Lagu Caleemo Saaray Tuulada Ergeega ee Ka Tirsan Gobolka Gabiley.
 


Suldaan Axmed Nuur Samaale ayaa xafladaasi caleemo saarka ka hadlay ugu horayna u duceeyay suldaanka cusub ee jibriil Abokor


Gabiley (TNN): - Beesha Jibriil Abokor (Sacad Muuse) ee Degta gobolka Gabiley ayaa maanta Suldaan  Xu seen Aw Muuse Warsame Ku caleemo Saaray tuulada Ergeega ee ka tirsan tuulooyinka hoos yimaada Degmada Gabiley inuu noqdo Suldaankii Sadexaad ee Beeshaasi yeelato.

Xaflada Caleema Saarka Suldaanka Cusub oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo xaadiray Salaadiinta ay ka midka yihiin Suldaan Jaamac Nuur, Suldaan Axmed Nuur Samaale, Suld aan Maxamed Axmed Seed, Suldaan Nuur Faarax, Suldaan Barre Xiise Yuusuf, Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan, Caaqil C/raxmaan Cali Xoore, Caaqil Yaasiin Caqli Nuur, Caaqil C/laahi Qalinle, Caaqil  Maxam ed C/laahi Cismaan, Caaqil Axmed Cabdi Cali, Aqoonyahan, Ganacsato, Dumar, Dhalinyar iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badnayd.

Suldaan Axmed Nuur Samaale ayaa xafladaasi caleemo saarka ka hadlay ugu horayna u duceeyay  sulda anka cusub ee jibriil Abokor illahayna ugu baryay in xil kaasi uu qaaday ku Asturo waxaanu xafladaasi ka soo jeediyay laba qodob oo uu kula kala dardaarmayo suldaanka cusub iyo beesha soo dooratay  waxaa nu yidhi “ (1)suldaanka waxa aan leeyahay waxaad dusha u rogatay xil aad u culus waxaana lagaaga bahan yahay inaad dul qaad iyo daganaan beesha ku dooratayna iyo dadka kalaba inaad ugu shaqayso si daacada oo aan ee xasho lahayn (2) beesha dooratayna waxaan leeyahay suldaan baanu dooranay uun arinku maaha caleemo qoyan iyo ubax baan ku dul daa,dinayaa uun maaha waxa la idiinka baahan yahay inaad talo iyo toosinba la garab is taag taan wixii tusaale ah ee saxa ee uu soo jeediyana aad qaadataan” .

Suldaanka Cusub ee maanta La Caleemo Saarayay oo munaasibadaasi hadal kasoo jeediyay ayaa ugu  h orayn uga mahad celiyay dhamaan marti sharafta ay hogaaminayaan salaadiinta iyo cuqaasha isagoo halkaasi ka sheegay inuu isagu yahay suldaankii sadexaad ee beeshu yeelato illaahayna ka baryay inuu xilkaasi culus ee uu umada u qaaday ku asturo, beesha gobolka Gabileyna ay iskugu mid u tahay mid  doo rtay iyo midaan dooranba uu Suldaan u yahay, Si cadaalad iyo dhexdhexaad ahna ugu shaqayn doono.

Suldaanka cusub mar uu ka hadlayay sababaha loo doortay ayaa waxaa uu yidhi “marka hore waxaan ka mid ahaa dadka samo taliska mantana waxa la ii doortay xil ka sareeya ama ka wayn xilkii aan hore u  ha yay maalintaan qabanaayay maantaan ka waynahay oo aan uga qabri dhoowahay oo aan jecelahay  ina an alle ka cabsi iyo daacad nimo ku shaqeeyo waxa kale oo aan balan qaadayaa in sladiinta halkani  isku gu timiday iyo saldalada subeer Awalna ee aan ka midka noqday waxaan balan qaadayaa inaan si  daac adnimo kala shaqaynaayo )sidoo kalena uduceeyay calanka soomaaliland in illahay calan jira ka dhigo cadaw giisa kii alle jabiyo haka dhigo”ayuu yidhi suldaanku

Suldaan suldaan xasan suldaan C/raxmaan oo isaguna halkaasi hadal uga jeediyay shacab waynaha reer Gabiley ee cuqaasha iyo salaadiinta wax garadka, iyo culumodiinka iskugu jira ee xafladaaasi ka soo qayb gashay sidoo kalena sheegay in sharaf wayn u tahay in uu kala soo qaybgalo xaflada caleemo saarka suldaanka cusub waxaanu suldaanku sheegay in marka suldaanimo ladooranaayo marka hore qofka laga doortaa xaga illahay marka labaad ayaa dadku doortaan oo ay caleemo saaraan ee maaha wax la iska odhanaayo suldaan nimo hala iidoorto qofka suldaan loo dooranaayo marka hore waxa weeyi shuruuda ugu horaysaa ma yaqaan kitaabka quraanka iyo macnaha uu ku fadhiyo suldaan suldaankan cusub ee jibriil Abokorna marka hore waxa uu ahaa nin cibaado badan oo kitaabka quraanka micnihiisaba garanaaya waxa kale oo uu ahaa nin u bisil madax dhaqameedada ilaahay uga bar yayaa in xilkaasi uu qaaday ku as turo

Waxa kale oo isaguna xafladaasi ka hadlay Suldaan Bare Xiis Yuusuf oo sheegay in uu soo dhawaynaayo suldaanka cusub ee jibriil Abokor kula dardaarmayna in beesha dooratay ee manta laga bilaabo suldaan keeda yahay ugu shaqeeyo si daacada sidoo kalena beesha dooratay suldaanka cusub ee gaadhay go aan ay ku doorato suldaan cusub in ay cisayso oo ay u garato in uu yahay suldaan kooda waxaanu  illa hay ka baryay in roob khayr qaba iyo in ilahay dawlada cusub ka dhigo tii dalkeeda iyo dad keedaba an facda ..

Suldaan jamac nuur ayaa isaguna sheegay in saldaladu in ay tahay wax soo jireena ee ayna ahayn wax inagu cusub beeshuna u baahnayd in suldaan cusub samaysato loona baahan yahay in suldaanka lagu dabo faylo oo laga dhagaysto waxa uu soo jeediyo lana aqbalo taladiisa hadii la kala danbayn waayana wax suuro gala majirin suldaankana illahay uga baryay in illahay xilka ku asturo..

Caaqil yaasiin Caqli Nuur ayaa xafladaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in suldaanka cusub ee jibriil Abokor uu yahay Suldaan Xuseen Aw Muuse Faarax Aadna ugu farax sanyahay ka soo qayb galka caleemo saarka suldaanka cusub ee jibriil Abokor ilaahayna uga baryay caafimaad iyo cimri dherer in uu siiyo ..

Waxa isna halkaasi ka hadlay Caaqil C/laahi Qalinle oo dardaaran iyo duco ka soo jeediyay xaflada  calee mo saarka ayaa sheegay in ay duco ka tahay suldaanka cusub howlaha loo xilsaaray ee loo igmaday ee dad waynaha faraha badani iskugu yimaadeen in ilaahay kii hadalkii iyo hoostiisa intaba la maqlo ayaan ugu ducaynayaa xilkaa uu qaadayna illahay ku asturo…



Waxa isaguna halkaasi ka hadlay caaqil ina xaruur oo sheegay in suldeaanka cusub ee jibriil Abokor  yah ay suldaankii saddexaad ee ay yeelato beeshu suldaankani cusubina uu yahay suldaan cusub oo ku soo biiray ku wii kale lana shaqayn doono sidoo kalena dardaarmay suldaanka cusub in uu dulqaad iyo  dabe ec ad wanaag kula dhaqmo beesha xilka u dhiibatay..

Suldaankan Cusub ayaa la magacaabay kadib markii Suldaankii hore ee beesha Jibriir Abokor Saluugeen waxqabadkiisa beel ahaaneed iyadoo dadka siyaasada gobolka Gabileyka faaloodaana ay carabka ku ad kaynayaan marka ay ka faaloonayaan magacaabista suldaanka cusub iyadoo ay laba hore jireen, inuu Suldaanka guud ka dhex muuqday siyaasadii xisbigii talada dalka lagala wareegay. Suldaankan ayaa  no qonaya kii sadexaad ee ay beesha Jibriir Abokor yeelato isagoo ka soo jeeda beelaha ugu tirada badan ee dega gobolka Gabiley.

 

Source:Gabiley News