Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Waxa uu mudan yahay in ay ku daydaan Salaadiinta Somaliland

 

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman

 



Marka hore : السلام عليكم ورحمة الله وبركاته



Salaataa islaamka kadib:

Walaalayaal haddaynu nahay bahwaynta soomaaliland ee ilaahay ku mannaystay nabadda, daganaans ha iyo dawladnimada, waxa aynu aad iyo laxaad manta ugu baahanay dad ina ururiya oo isku keen  ha ya, oo keena qalloocan toosiya, keena dulmana garab iyo gaashaan u noqda. Sidaa daraadeed Suldaan Ismaaciil Suldaan c/raxman waxa uu innoo noqday tusaale fiican oo mudan in ay salaadiinta somaaliland ku daydaan tallaabada fiican ee uu qaaday.

Maxaayeelay, Suldaanka maanta loo baahan yahay waa ka dadkiisa ka warhaya ee caadifadda iyo  qab yaalada aad uga fog. Waaka marka uu arko tolkii oo qaadaaya wado xun ka hor istaaga. Waaka sabirk a, u kaadinta, iyo walaaltinimaynta dadka wada dagan ku sifooba.

Sidaa daraadeed waxaan leeyahay ilaahay ha noo daayo Suldaan Ismaaciil iyo ku la mid ka ah ee umad da wanaaga u hor seedaaya.

Waxa aynu la wada soconaa oo aan ka wada dharagsanahay xumaanta, colaada iyo nacaybshaha ay  keeni karto marka Salaadiini woxoogaa tabasho ah ka keenaan Dawladooda, in markiiba Suldaan Beel dhan afkeeda ku hadlayaa,  uu jawaab iyo canbaayrayn kula koco dadkaa wax tabanaaya .

Guntii iyo gabagadii walaalayaal maanta soomaaliland waxa ay aad iyo aad ugu baahantahay raga u  fik iraaya sida Suldaan Ismaaciil oo kale,.

Madaxdeena sharafta iyo qadarinta innaga mudana waxaan leenahay taageera oo la shaqeeya  Salaad iinta wanaaga iyo midnimada umadda  ku hawlan. Kana fogaada oo iska fogeeya kuwa umadda iyo idin ka iska kiin hor keenaaya.

Ilaahay madaxda iyo hogaanka ha inoo toosiyo, hana inooga dhigo kuwo cadaalad iyo sinnaan umada ku maamula ,oo aad iyo laxaad uga fog kala xigtaysi iyo kala dhawaysi in ay umada ku maamulaan.



Allaa mahad le

 

 

 

Ahmed Sh. C/raxman
haadi559@hotmail.com