Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir Oo Xaalad Caafimaad Loogu Qaaday Jabuuti




Hargeysa  December 22nd (TNN)- Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, oo ah Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, ayaa maanta xaalad caafimaad darteed loogu qaaday cisbitaal ku yaala wadanka Jabuuti,ka dib markii uu xanuunsanay muddo laba ilaa sadex bilood ku dhow. waxa  ga can weyn ka geystay qorshaha lagu qaaday Suldaanka Xukuumadda Somaliland, sida uu caawa shabakada wararka ee Somaliland.org u sheegay mid ka mid ah ehelada Suldaanka.

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir oo sida la sheegay muddo bilo ah xanuunsanayay waxa  ti gidhkii diyaaradda ka bixisay xukuumada Somaliland, waxaanu noqonayaa qofkii sadexaad ee  m asuul ah ee lagu soo daweeyo dalka Jabuuti tan iyo markii uu is bedelay cilaaqaadka labada  d ale e Somaliland iyo Jabuuti ee weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed  Maxam uud (Siilaanyo) ay dhawaan socdaalka ku tageen dalka Jabuuti.

Mid ka mid ah ehelada Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir ayaa ammaan u soo jeedisay xukuu madaha Somaliland iyo Jabuuti oo iska kaashaday sidii Suldaanka loogu soo dawayn lahaa cisbi taalada wadanka dariska ah ee Jabuut. Suldaan Maxamed waxa la sheegay inuu hayo xanuunka Nimuuniya, oo uu jiifay muddo.

Waxa hore loogu soo daweeyay dalka Jabuuti Xoghayaha Maaliyada ee xisbul xaakimka KULMI YE Md. Maxamed Cabdi Iskeerse iyo Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Dalka Jabuuti oo tobankii sanadood ee la soo dhaafay laga hirgaliyay Cisbitaalo casri ah oo lagu qalabeeyay shaybaadho casri ah isla markaana ay ka hawl galaan dhakhaatiir khibrad leh oo iskugu jira Ajaanib iyo kuwo u dhashay dalka Jabuuti.




Source: Somaliland.Org