Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxaman,oo hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti

 


Hargeysa (TNN)-Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman,ayaa ham balyo iyo bogaadin u diray  madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti,mudane Ismaaciil Cumar Geelle,oo mar saddexaad loo dhaariyey inuu qabto hogganka Dalka .

Suldaan Ismaaciil ,wuxuu Ilaahay uga baryay inuu madaxwyanaha xilkaa loo igmaday  ku asturo,ku guul eeyo, una fududeeyo , si uu dadkiisa iyo dalkiisaba horumar laxaad leh u gaadhsiiyo.


Sidoo kale,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman,wuxuu u hambalyeeyey dhammaan shacabka reer Ja buuti , sidii ay u guteen waajibkoodii doorashada iyo dadaalka ay ugu jiraan inay adkeeyaan midnimado oda , horumuarkooda iyo nabad gelyada  dalkoodaba .

 






Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland