Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal,Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxman, oo xoriyadiisii loo soo celiyey
 


Harta Sheekha(TNN)- Suldaanka Guud ee  Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxman,ayaa xoriyadiisii loo soo celiyey, ka dib markii askarta Liyuu Booliska  Kilika Shanaad ee Dalka  Ethiopia,ay xidheen Suldaanka .Waxa safarka ku wehelinayey Suld aan Xuseen Ismaaciil,oo ujeededa safarkoodu ahaa sidii loo damin lahaa shaqaaqooyinka ka soo cusbaanaaday degaanada ay degaan dadka ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland.

Dadweynaha degaanka ayaa aad uga ka biyo diiday Salaadiinta la xidhay , dareenkoodana si weyn u muujiyey. Suldaan Xasan,  wuxuu sheegay in  mudadii uu xidhnaa si wanaagsan loola dhaqmay,waxa dhibaato ahna aan loo geysan.

Suldaan Xasan  Suldaan Cabdillahi , oo ku sugan magaalada Harta Sheekha ,ayaa maanta oo Axada bilaabi doona  hawlaha nabadaynta iyo xal u helida  shaqaaqooyinka baryahan laga dayrinaya ee degaankaasi ka soo cusboonaaday.

 



Timacade News Desk
Harta Sheekha, Ethiopia