Labada Suldaan ee Gobolka Gabiley iyo Awdal oo ka hadlay Shaqaaqadii Ceelbardaale

 

Waa la ii sheegay in nin la dilay, laakiin qaabka loo dilay, weerarku siduu ahaa iyo siday wax u dhaceen.......

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Ciidan beeleedyo ka tirsan dhinacyada isku haya deegaanka Ceelberdaale oo u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki, ayaa shalay iska horimaad ku dhexmartay deegaankaas.

Suldaan Cabdiraxmaan Xasan Cige oo ah Suldaanka beesha degmada Dilla oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay dhacdadaas, ayaa beesha dhinaca Gabiley ku eedeeyay inay shalay subax weerar ku qaadeen beeshiisa, isla markaana ay hal qof ku dileen halkaas.

 "Saaka (shalay) ayay nimankii xagaasi weerar soo qaadeen, dhulkii oo dhan bay soo galeen, waxay soo jiidheen ciidankii Nabaddaynta u joogay meesha, waxay soo gaadheen meel aan meeshii la isku hayayba ahayn oo Ruqi u dhow, dadkii deegaankana way carqaladeeyeen oo dhibaatooyin bay gaadhsiiyeen, waxayna halkaas ku dileen oday ka mid ahaa dadka deegaankaas oo halkaas joogay." Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Xasan, wuxuuna intaa ku daray; "Ninkaa ilaa 10:00 subaxnimo ayay dileen, waxaana la odhan jiray Yuusuf Maxamuud Maax, oday Xoolo-dhaqato ah baanu ahaa. Dabadeedna, kuwii kalena way is urursadeen, dagaal baana halkaas ka dhacay abaaro 4:00 galabnimo, waxaana la isla gaadhay ilaa fiidkii oo waa la isla gabal dhacsaday, ninkaa hore mooyee welina wax khasaare ah lama sheegin. Laakiin, wixii kale ee khasaare ahi beri subaxa (maanta) ayuu soo bixi doonaa, imikana waa la is horfadhiyaa."

Dhinaca kale, Suldaanka Gabiley Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan oo xalay Wargeyska Ogaal khadka telefoonka kula xidhiidhay, si uu dhinacooda wax uga waydiiyo shaqaaqadaa shalay, waxa uu sheegay in aanu xog dhamaystiran ka haynin sidii ay wax u dhaceen, balse uu jiro hal qof dhinacoodu ka dileen dhinaca kale iyo in dagaal dhexmaray Maleeshiyaad labada dhinac ka kala tirsan. "Waa la ii sheegay in nin la dilay, laakiin qaabka loo dilay, weerarku siduu ahaa iyo siday wax u dhaceen, walaahi xog kama hayo….Wuu jiraa dagaal dhacay, wax khasaare ah oo ka dhashay weli ma hayo. Waayo; waxaanu odayaal ahaan ku maqnayn wadahadal aanu shalay (doraad) la yeelanay Madaxweynaha, welina wadahadalka waanu wadaynaa oo balan kale ayaanu leenahay," ayuu yidhi. Suldaanku waxa uu sheegay inay jiraan dad Rakaab ah oo aanu tiradooda xaqiijin oo uu tilmaamay in dhinacoodu kala degeen Baabuur sida uu xusay inuu warka ku hayo u socday dhinaca magaalada Boorama oo marayay meel u dhexaysa Dilla iyo Kala-baydh.

"Arrintaas aad baanu uga xunahay, raalina kama nihin," ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan oo xalay xilli dambe u waramay Wargeyska Ogaal. Shaqaaqada shalay waxay ku soo beegantay, iyadoo ay fulinta go'aanadii Ergada Guurtidu ka soo saartay muran-dhulkeedka Ceel-berdaale oo muddo dheer soo taagnaa, ay doraad Madaxweyne Rayaale kulan kala yeesheen odayaasha beesha deegaanka Gabiley, ka dib markii ay dhamaatay muddo bil ah oo Ergadaa Guurtidu u qabatay in Xukuumaddu ku fuliso xukunka ay arrintaas ka soo saareen.

 


Source: Ogaal