Suldaanka Guud ee Beesha Jibriil Abokor ,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman, oo Madaxwaynaha Jabuuti ku H ambalyeeyay ,Soo Dhawaynta Waftiga Somaliland ee Madaxwayne Siilaanyo Hogaaminayo

 


Hargeisa (TNN)-Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxman Sheekh Muxumed, oo ka mid ah Salaadiinta  wa aweyn soomaaliland ayaa hambalyo u diray Madaxwayneha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele isaga oo ku hambalyeeyay sidii diiranayd ee walaaltinimada ahayd ee uu usoo dhaweeyay  W aftigii Reer somaliland ee uu hogaaminayay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed  Maxam uud (Siilaanyo) kuwaasi oo si heer sare ah loogu soo Dhaweeyay Dalka jabuuti.


Suldaan ismaaciil,waxa ku Amaanay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele soo dhawaynta  kal gacaln imadu ku dheehantahay ee qalbi furnaantu ka Muuqato kaasi oo uu ku soo dhaweeyay Waftigii ugu horeeyay uguna balaadhnaa ee uu Madaxwayanaha Somaliland Safar ugu kicitimo Dalka aynu  jaar ka nahay ee Jabuuti tan iyo intii uu la Wareegay Xilka Madaxtinimo ee Dalka somaliland, isaga oo  in taasi ku daray in Madaxwaynaha jabuuti Ku Mahadsanyahay sida walaltinimada ah ee uu uqiray  D oorashooyinkii Somaliland ka dhacay taasi oo uu ku Amaanay Madaxwayne siilaanyo Codka  Shacbi giisu ay siiyeen oo inta illaahay ka sokaysa kartideeda isagu lahaa.


Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxman, waxa kale oo uu Amaan iyo Hambalyo u diray Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isaga oo ku Amaanay sidii qiimaha lahayd ee uu uga Hadlay Qadiyadda Somaliland in laga dhaadhiciyo Wadamada Geeska Africa gaar ahaan Urur Goboleedka IGAD iyo Wadamada Carabta.


Suldaanku, Waxa kale oo uu ku Amaanay Madaxwayne Siilaanyo sida uu ugu hadlay nabad galyada Mandaqada Geeska Africa iyo Xasilooni darada ka jirta Wadanka aynu jaarka nahay ee somaliya  t aasi oo uu Xusay kaalintii uu ku lahaa Mudane ismaaciil Cumar Geele Xal u helida Colaada ka jirta iyo In Somaliland-na ay uga baahantahay inay iska kaashadaan Dhinacyadda Nabad galyada iyo  Xidhii dhka Walaaltinimo ee labada Dal isla markaana lagala shaqeeyo sidii qadiyadda Somaliland looga  d haadhicin lahaa Wadamada Geeska Africa iyo Carabta taasi oo ka turjumaysay Inuu gutay  Waajib kii ka saarnaa Masiirkii umaddiisa soo doortay.



Suldaanku, waxa kale oo ka dhawaajiyay in Xidhiidka Cusub ee Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo la yeelatay Dalka jabuuti ay inoo furayso Albaab Cusub oo Somaliland uga furma Waddamada aynu walaalaha nahay ee islaamka ah, sidaa Awgeed ay mudantahay in lagu hambalyeeyo.

 

 

 



Mustafe Cabdikarim Cali (Future)
mccfuture@hotmail.com
Timacade News Desk
Hargeisa/Somaliland