WARSAXAAFADEED

 

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan


 

Mahadnaq

Dhammaan Shacabwaynaha Reer Somaliland meel ay joogaan guddo iyo  dibad ba waxa aan uga Mahadnaqayaa sidii fiicnayd, Dadnimada iyo Wadaniyadu ku jirtay ee ay uga qayb qaateen Hawlihii Baaxada lahaa ee ayn ku soo jirnay 21 Maalmood ee Ololaha Doorashada iyo Kaambaynkii Tartanka Doorashada Madax tinimimo ee Dalka ay Madaxda Xisbiyada ugu ololaynayeen, sidii ay u kasban la haayeen taageerada codka Dadwaynaha.Guddida Doorashooyinka Qaranka oo Dedaal iyo Xilkasnimo muujiyay kuna talo galay in ay si dhab ah u fulliyaan  haw shii loo igmaday iyaga oo Muddo kooban Xilkaasi hayay.


Taliyayaasha iyo Dhammaanba Seddexda Ciidan Qaran(Milateriga, Asluubta iyo Booliiska) kuwaasi oo hadh iyo habeenba heegan ugu jiray sidii ay Dadkooda iyo Dalkoodaba uga difaaci lahaayeen cadawga gudaha iyo kan dibadaba, ciidamad aasi oo u suxul duuban sidii ay Nabad gelyada Dalkooda u sugi lahaayeen.

Hogaanka Seddexda Xisbi Qaran iyo Kaambaynaradooda iyo dhammaanba taa geerayaashood kuwaasi oo Dadkooda iyo Dalkooda ka ilaaliyay in ay dhibi kaga timaadoo Nabad gelyada guud ee Dalka dhinaca hawl maalmeedkooda guud ay ku doonayeen taageerada codka Bulshada, ixtiraamayayna Xeerarka loo jidee yay Ololaha Doorashada Dalka ee ka soo baxay Golayaasha Qaranka iyo Komish ankaba. waxa kale oo aan ku hambalyaynayaa ka ilaalinta ay ka ilaaliyeen khud badooda wax Alla wixii caadifad kicin lahaa ama sababi lahaa Nabad gelyo daro.

Tallo Soo Jeedin

Walaalayaal waxa aan Talo u soo jeedinayaa:

A.Dhammaanba Shacabwaynaha Reer Somaliland anigoo ugu baaqaya in ay sidii fiicnayd ee ay Hawshan Doorashada Madaxeeda uga soo qayb qaateen ay dha mmaystirkeeda si ka sii fiican oo lexejeclo leh u gutaan kuna codeeyaan si Naba dgelyo ah, lana shaqeeyaan una dhego nuglaadaan Hawl wadeenada  Komisha nka Doorashooyinka Qaranka iyo Ciidamada Nabadgelyada ee inoo wada hawsh a Doorashada, si ay ugu fududaato ilaalinta khaladaad iyo Musuqmaasuq ku yim aada hawsha Doorashada, iyo si aanay u helin Cadawgeenu meel ay ku dhex dh uuntaan, ciidamadana ugu dhib yaraato qabashada cid Allaale iyo cidii Nabadgel yada wax u dhimaysa, una kala gartaan cadawgeena iyo Nasteexeena. waxaan ad ogaataan wax aynaan inagu iska xumaynin in aanu inaga xumaanaynin.

B.Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland-na waxaan leeyahay  walaalaya al mudadii yarayd ee aad Xilka hayseen waad ku mahad san tihiin oo wax ceebi ahi kamay iman, inta idiin hadhayna laba mid uun baydu noqon Rag taariikhda  b aal ka gala Dadkoodana u horseeda Nabad gelyo iyo Horumar, (Akhirana ILaah ay Ha idinka Abaal Mariyo) ama waxa aydun noqon kuwo Bar madaw ku qorma , Dadkoodana halaag u horseeda (Akhirna ILaahay ha idinka Abaal Mariyo). Wax aan Eebe idiinka baryayaa in uu Xaqa idin waafajiyo oo aydaan noqon Rag Bar Madaw if iyo Akhiraba lagu qoro. Waxaan idiin soo jeedinayaa in aad  Daacadni mo ogaataan, iskuna duubnaataan, hawshiinana Kalsooni ku  qabsataan ayaam aha yarna sirtiinu asturnaato.

Ugu danbayn walaalayaal waxaan idiin xasuusinaya waxa idin saaran Xil Culus e e Hadii aad cid gaar ah wax la jeclaydeen iyo haday noqoto cidii idin soo Magac awday xiligii Xilka la idiin dhiibayayba, waxa jiray cid ka horaysay kana danbayn doonta, Cidaasina walaalayaal waa ILaaha ina wada Abuuray, ina Dili doona ina soo saari doona, ina Xisaabin doona, ina Abaal marin doona, Allahaas oo og wi xii aynu siraysanayno iyo wixii aynu muujinaynaba. Markaa walaal idinkuna  dad aala ILaahayna ha idinku garab galo.

C.Seddexda Murashax ee tartamayana waxaan leeyahay, odoyaal waxaad og ti hiin in ILaahay bixiyo Madaxtinimada, cidii uu doonana siiyo, wax walbana  gaca ntiisa ku jiraan. Markaa waxaan idiin soo jeedin lahaa in aad qadarka Eebe ku q anacdaan oo aanu qanacaasi noqon mid maalinta doorashada lagu dhawaaqo la idinka baryee uu ahaado mid maanta aad idinku ku qanacdaan  taageerayaash iinana ku qancisaan,si aanu shaydaanku inooga faa'idaysan sunne wanaagsana Ummada u horseedaan. Waxaanad ogaataan waxa Dalka maanta Dhaxal u ah wi xii aad guddoonsataan, waxa kale oo aad ogaataan in aan Eebe la khiyaamayn karin.

D.Salaadiinta, Culimada, Waxgaradka, Aqoon yahanka, Ganacsatada, iyo dham maanba inta kale ee jecel wanaaga Dalka iyo Dadka, waxaan u soo jeedin lahaa
in ay fadhiga ka kacaan isuna taagaan sidii aad foojignaan ugu yeelan  lahayde en Hawl gal iyo Kormeeri yo wacyi galin guud ahaan Dalka, Gobol wal, Tuulo Wal iyo Degmo wal iyo Goob walba, uguna hortagtaan wax Allaale iyo wixii muran ke eni kara, si aan hadhaw loo odhan waxbaa la khalday, waxbaa la igaga shubtay waxbaa la i musuq maasuqay IWM. idinkoo wixii aad qabanaysaan oo dhami uu yahay wax aad kala tashataan Hay'ada ugu saraysa Doorashada ee Komishan ka Doorashooyinka.

Sidii aad isku barbar taagi lahaydeen Todoba Xubnood ee Komishanka uguna sh aqayn lahaydeen idinka oo hiil iyo hooba la garab jooga inta ay hawshu socoto iyo taageerida marka ay ku dhawaaqaan natiijada.

Seddexda Taliye Ciidan waxaan leeyahay maanta waxa idin fuulay Xilkiinii hore mid ka wayn, markaa waxaan idin ku baraarujin lahaa sidii aad ugu diyaar  garo obi lahaydeen ka qayb qaadashada Hawlaha Doorashooyinka inta idinkaga bee gan, waayo waxaad tihiin awodii Dalka, uguna faa'iidayn lahaydeen dhinaca  wa naagsan awooda ciidan ee aad haysaan, cid kasta oo isku dayda in ay si khald an wax u fuliso oo idinku aad gacan caafimaad qabta oo fayaw daacadna ah aa d umada kaga dhex qabataan. Waxaana Ilaahay Mahadii ah in aydaan maanta joogin sidii baryo qaar ina soo martay, Ilaahayna isku xidha, dadkiinana kaasha da, waxaan waajib idinku ah in aan gacan buuxda siisaan Komishanka  Doorash ooyinka Qaranka Somaliland, wada shaqayn buuxdana la yeelataan, hawl kasta oo aad qabanaysaana ay tahay mid sharciga Dalku ogol yahay ee aanay noqon mid aad jeebkiina kala soo baxdaan.

Ugu danbayn waxaan ILaahay ka baryayaa in uu sida ugu khayrka badan in wa afajiyo, arimaheenana sida ugu khayr badan inoogu dhammeeyo, Saddexda Mu rashaxna kii inoo khayr badan inoo dooro.

Wa Billaahi Tawfiiq

 


Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed