Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley,Suldaan Ismaaciil Suld aan Cabdiraxamn,oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo shacbiga reer Jabuuti

 

 

Hargeysa (TNN)-Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman,ayaa hambalyo u diray madaxweynaha  Jamhuuriyadda Jabuuti,mudane Ismaaciil Cumar Geelle,oo mar saddexaad ku guulaystay hoggaanka Dalka .  Suldaan Ismaaciil ,wuxuu Ilaahay uga baryay inuu madaxwyanaha xilkaa loo igmaday , ku asturo, una fududeeyo.

 

Sidoo kale,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman,wuxuu u hambalyeeyey shacabka reer Jabuuti siday u guteen waajibkoodii  , uguna gaba gabawday nabad iyo xasilooni.

 

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland