Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Sul daan C/rasaaq Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan ......

 

“ Laga Bilaabo Maanta (26 Oct,09) waxaan u Magacaabay Walaalkay Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan C/raxmaan in uu sii hayo Xilka Saldanada Guud ee Subeer Awal Anigana uu Wakiil iga yahay” Suldaan C/rasaaq Suldaan



Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer  Aw al Suldaan C/rasaaq Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa maanta x ilkii Suldaanimada si meel ku gaadh ah ugu wareejiyay Xasan Suldaan   Cab dill ahi oo ay Wallaalo yihiin. Xil ku wareejintan oo ka dhacday Guri uu Dagan  ya hay Suldaan Cabdirasaaq ayaa waxa uu ku macneeyay mar hadii uu  yah ay Nin Qurbo joog ah in uu Xilka sii hayo Nin Dalka gudihiisa ku sugan.

Qoraal dheer oo Maanta Suldaanku u akhriyay Bahda Warbaahinta ayaa  wa xa uu ku sheegay in Culaysyo badan oo dhanka dibadaha ka saarani aanay u suurto galinaynin in uu halkan sii joogo. Sidoo kale waxa uu qoraalkaasi ku sharxay Maraaxilkii kala duwanaa ee ay Saladanadu soo Martay tan iyo  Mar kii uu Aabihii geeriyooday Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan. “ Waxa aynu ka wada dheregsanahay Taariikhdii iyo Maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay Saladanadani oo ka mid ah kuwa ugu faca wayn leh  Saladanada ha Somaliland. Tan iyo Maalintii la I Caleemo saaray oo ku beegnayd 28-ka Bisha June, Sanadkii 1988, ka dib Geeridii Aabahay Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, waxaan Tallo Wadareed Beeleed ka dib u ambo baxay Qurbaha si aan u dhammaystirto waxbarashadaydii sare ee  Jaamacad eed. Waxa aan Mudadaa Xilka u sii wakiishay Labadii Marxuum ee kala ahaa: Suldaan Saxardiid iyo Suldaan Maxamed, Naxariistii Janno Illaahay  Labadood aba ha ka waraabiyo’e.”



Qoraalkaasi isaga oo sii wada waxa uu Suldaanku ku yidhi oo intaasi sii  raaci yay “ Mar hadii ay Aniga I saaran tahay Caleentii Saldanada Subeer Awal  ha sa ahaatee, aan Muddo dheer ahaa Qurbo joog, Hawlo iyo Qabyo badanina ay ii taal dibada, waxa lagama maarmaan noqotay in aan ku laabto Dibada si aan ugu tabaabulshaysto gudashada Xilkaygii. Mudadaasi aan Maqanahay ayaa waxay keenaysaa “ Vacuum” ama Fooggo. Si aanay Jagadu marnaba u bannaanaan ayaan mar labaad wada tashi la yeeshay Beelaha Subeer Awal (Guddo iyo Dibadba) Aniga oo si gaar ah ula sii tashaday Qoyska Tallada ha ya ee Reer Suldaan si looga sidii loo dabooli lahaa foogadaasi ka imanaysa Maqnaanshahayga ku meel gaadhka ah.”

Waxa iyaguna halkaasi hadalo kala duwan ka jeediyay Aden Suldaan  Cabdira xmaan Suldaan Diiriye iyo Suldaan Cismaan Xaaji Cali Kooshin, waxaanay  she egeen in ay sidaasi la ogyihiin.



Suldaanka Cusub ee Xilka sii haynaya Suldaan Xasan Suldaan Diiriye oo  isag una halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa guud ahaan Shacabka Reer  Som aliland gaar ahaan Beelaha Subeer Awal ka codsaday in ay Illaahay uga soo baryaan in uu Illaaahay u fududeeyo Xilkaasi cusub. Waxaanu halkaasi ka  sh eegay in Maanta wixii ka danbeeya mar hadii uu Suldaan noqday in uu Faraha ka laabtay Saaxada Siyaasada.




Mustafe Future

Longlivesomaliland News Reporter
Hargeysa Office