Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal oo Maanta Si heer Qaran loogu Aasay Magaalada Hargeysa

Aaska Suldaanka waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin tiro badan oo ka socotay Xukuumada  Somal iland oo uu Hogaaminayay Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Ma daxda Axsaabta Mucaaridka.......

Hargeysa( Longlivesomaliland News) Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye oo ka mid ahaa Salaadiinta waawayn ee beelaha Somaliland oo shalay galab ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ahaana  Sul daanka guud ee Beelaha Subeer Awal ayaa Saaka lagu aasay Xabaalaha Boqol Jire ee Caasimada Hargeysa.

Aaska Suldaanka waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin tiro badan oo ka socotay Xukuumada  Somal iland oo uu Hogaaminayay Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Mu danayaal ka socday Golaha Baarlamaanka Somaliland oo uu Horkacayay Guddoomiyaha Golaha  Wak iilada Somaliland, Salaadiin aad u tiro badan, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee kumiye  Axm ed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Ku xigeenka Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Culimo u  d iin uu Hogaaminayay Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray( Aaden Siiro) Saraakiisha Ciidamada  Qa ranka iyo Dadwayne aad u tiro badan.


Waxana Masuuliyiintii Aaska ka soo qayb gashay qaar ka mid ahi ay halkaasi Ilaahay uga baryeen in uu Jannadii Ka waraabiyo, Qoyskii, Qaraabadii, Awlaadii iyo guud ahaanba Shacbiga Reer  Soma liland uu Sammir iyo Iimaan ka siiyo. Waxaanay halkaasi ka sheegeen Shaqsiyada Marxuumka oo ay ku sheegeen in uu ahaa Nin aad u wanaagsan oo Nabad Jecel oo ah Miisaan Ummada ka baxay.  Wa xaanay Eebe ka baryeen in uu halkiisii Cawwil khayr qaba ku soo bedelo.


Xaaji Cabdi Kariim Xuseen Yuusuf
( Cabdi Waraabe) oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka qayb gashay Aaska Marxuumka ayaa markii la aasay ka dib Bahda Warbaahinta uga waramay Taariikhda  Marx uumka iyo guud ahaanba inta uu ka Xasuusto Shaqsiyadii Suldaanka. Hasa ahaatee ugu horayn  wa a kan isaga oo Tacsi u diraya qoyskii Marxuumka “ Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye Garaad    Cabd ale Boon, Ilaahay Naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Somaliland-na Ilaahay ha ka cawado, gaar  aha an Raaskiisii ilaahay ha ka cawado. Nabadgelyada ayuu jeclaa intii uu shaqada qabtay.

Waxa uu ka shaqeeyay Nabadgelyada iyo isku keenida iyo Dadka Is Af garadkiisa. Waxa ka  horee yay Suldaan C/raxmaan Suldaan Diiriye oo aanu Saaxiib ahayn, Wiil iyo Walaal ahayn. Waxa ka sii horeeyey Suldaan Diiriye Garaad oo ay Aabahay Saaxiib ahaayeen. Aniga iyo Walaalkayga Caaqil nimada iiga horeeyayna aanu u shaqaynaynay Raas can ah oo Nabadgelyo jecel oo beeray ayuu  a haa. Ilaa Jigjiga ilaa Itoobiya Dadkiisa Hogaamiya. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo.”

Dhinaca kale, Ismaaciil Xuseen Xandule oo Marxuumka aad u yaqaanay ayaa isaguna ka waraamay Taariikhda Marxuumka “ Inaa Lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun, Alle ha u naxariistee Suldaan  Maxa med Suldaan Diiriye waxa uu ku dhashay degmada farawayne oo ka tirsan Gobolka Hargeisa  taari ikhdu markay ahayd 1935-kii , Alle ha u naxariistee Suldaanku waxa uu Ciidamadii la odhon jiray  So maliland scot ku biiray Sanadku markuu ahaa 1955-kii, waxa kale oo uu suldaanku 19 58 waxa uu ku wareegay waaxda Saadaasha hawada ee Wasaarada Beeraha, Dhawr sanno ka dib waxa uu  Suld aan maxamed ku wareegay Laanta Duulista Hawada ee Wasaarada Cirka iyo Dhulka, halkaasi oo uu joogay ilaa Burburkii Dawladii Somaliyeed.

Intii Somaliland Gooni isku taagtay, Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye wuxuu Safka hore kaga jiray Nabad dhaqameedyada ku hawlan Nabad ku wada noolaashaha Umada  Som aliland, isaga oo 1996 Xilka Suldaanimada kala wareegay walaalkii saxardiid oo geeriyooday  Sana dkaa.

Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed waxa uu ahaa nin Cibaado badan ifkana waxa uu kaga  tag ay 19 caruur ah oo isugu jira Wax uu Dhalay iyo wax ay sii dhaleen.

Ugu danbayntii Waxa isagu Mahadnaq balaadhan usoo Jeediyay Masuuliyiintii iyo Dadawynihii ka qayb galay Aaska Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye, Axmed Jaanbiir Suldaan oo ka mid ah Qoyska Saldanada. waxa uu umahad naqay Dadkii ka qay galay Aaska Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye isaga oo Sheegay in aanay illaawayn Sharafta iyo Wanaaga ay u sameeyeen. waxaanu  Illa hay uga baryay inuu ajar iyo Xasanaad ka siiyo, Marxuumkana Naxriistii Jano Illaahay ka  waraabi yo.



Mustafe Future
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeysa Office