TACSI MARXUUMAD AYEEYO KHADIIJA AW JAAMAC

 

 


Anigoo ku hadlaaya magaca reer Xasan Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte, wax aan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta ay ayeeyo Khadija Aw Jamac,oo ah ( hooyada adeerkey Cawil Cabdi Carwo iyo eddooyinkey Canab iyo Qaali), iyo tafiirtooda meel kasta ooy joogaan.



Ayeeyo Khadija oo ahayd ruux aad u da'weyn oon marna ka qaldamin kana daalin tasbiixda, sala adda iyo cibaadada Alle oo dhan, waxaan ku xusuustaa dhowr bilood horteed oon arkay oon la y aabay hadalkeeda aan qaladka lahayn, xusuusteeda iyo maqalkeeda. Waana mid dadka wax yari helaan kolka ay gaadhaan da'daas mid aad uga yar.

 


Alle ha u naxariistee Ayeeyo Khadiija Aw Jaamac waxa lagu aasay magaalada Hargeysa, maanta oo khamiis ah 22/12/2011.



Marxuumad Khadiija oo ahayd ruux cibaado badan,naxariis badan, oo dad jecel, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, ehel, asxaab iyo tafiirtee dna, waxa inagu waajib ah samir, saamaxaad iyo duco.
 

 

 


Axmed Xasan Carwo

samotalis@gmail.com