TACSI: GEERIDA MARXUUMAD SAFIYA IBRAHIM XAYD

 



Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan ta csi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta ay  ma rxuumaddu ka tagtay meel kasta oo ay joogaanba, si gaar ah ubadkeeda Ilma NAASIR NAXAR iy o Walaalaheed Ilma Ibraahim Xayd iyo tafiirtooda.


 
Alle ha u naxariistee Marxuumad Safiya Ibraahim Xayd, waxa lagu aasay magaalada Hargeysa, J imce taar. 31/12/2010, iyadoo salaadii casar lagu tukaday Masjid Jaamaca Hargeysa.



Marxuumad Safiya oo ahayd ruux cibaado badan,naxariis badan, oo dad jecel, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, reer Xayd iyo reer Naxar, iyo dhammaan ehel iyo asxaaba, waxa inagu waajib ah samir, saamaxaad iyo duco.
 

 

 


Ahmed Arwo
Cardiff UK
samotalis@gmail.com