TALO BIXIN KU WAAJAHAN DADKA SOMALILAND EE U DIYAAR GAROOB AYA BANAANBAXA KA DHACAYA LONDON 22KA BISHA FEB 2012

 



 


Waxaan qof walba xasuusinayaa inuu akhriyo Dastuurka Fadaraalka, Cutubkiisa 7aad, iyo Road Map ka Somalia. Waxaa shaki wayn laga qabaa in shirka London ee 23ka Feberuary ,loogu wan qalo Dast uurka Fadaraalka. Kaas oo hada laga soo bilaabay dawlada Putland, dawlada Somaliland na loo istic maalo Dawlad Goboleed dhisan, oo fulisay shuruudihii Dawlad oo dhan,shirkana ka soo jeediso sidaan wax u qabsanay , si Dawlad Goleedyada kale , wax uga bartaan.

La inooma ogola shirka inaan ka hadalo Ictiraaf iyo gooni isku tag midna. Dawladaa laga hadlayaa ee Somaliland ,waa dawlad Goboleed ka tirsan Dawlada Fadaraalka.Waxaa ilaa hada aan cadayn cida no qonaysa Dawlada Guud ee Dawlad Goboleedyada hogaamin doonta,madaama ta shariifka wakhtigee dii dhamaad ku jiro..



Markuu siyaasigu ka hadlaayo Somaliland oo shirka lagu casuumay waa run, waa Dawlada Somalilan d, Dawlada Putland, Dawlada Galmudug etc. Intaad hadhaw faruurta qaniini lahayd ama aad odhan lahayd sidan ma moodayn, hada ka baraan deg, akhri waxaa shirka laga qoray ilaa hada iyo wadada loo jihaynaayo Somalia.



Waxaa bishan Feberuary 22keeda ka dhacaya banaan bax wayn magaalada London, banaan baxaa oo ujeedadiisu tahay in la taageero gooni iskutaaga Somaliland. Waxaa qof kasta oo somalilander ah laga codsanayaa inuu soo qoro qoraalo far waawayn ku qoran oo aduunka aan ku waydiisanayno ic tiraaf.


Waxaa aad muhiim u ah in la muujiyo in Somaliland ka mid ahayn Dawlad Goboleedyada Somaliya ka jira iyo qoraalo lagu muujinaayo in Somaliland inay madaxbanaanideeda qaadatay 26kii June 1960kii oo aan aduunka ka mid ahayn inagoo xor ahna aan ku biiray dawladii koonfurta Somalia, inagoo xor ahna mar la soo noqonay dawladnimadayadii bishii May 1991.



Dadwaynaha Somaliland ee ku nool dunida inteeda kale , waxaan ka codsanaynaa inay qoraalo koob an noo soo diraan oo lagu taageerayo ictiraafka Somaliland.Fadlan noogu soo hagaaji Emailka ah mahroble@hotmail.com




Tusaale: Somaliland maaha Dawlad Goboleed ka tirsan Somaliya, waa Qaran madax banaan, shacab ka ayaana go'aansaday, lama afduubi karo , hadalna laguma xadi karo,Mahiiga iyo Road Map ka So maliya loogu tala galay.

 

 

 

 

 

 

Mahdi Jaamac Roble
mahroble@hotmail.com
Sheffield,UK