Taageero kal iyo laab ah shirka Daallo By Xildhiban Qabile

 

 


BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

SALALAAHU CALAA SAYIDINAA MUXAMED WA CALAA AALI SAYIDANAA MUXAMED


KU: SALAADIINTA,CUQAASHA,GUURTIDA,SIYAASIYIINTA,WAXGARADKA,& GUUD AHAAN ER GOOYINKA KA KALA YIMID GUDAHA DALKA & DAAFAHA DUNIDA EE KU SUGAN MADASHA DA ALO EE GOBOLKA SANAAG, CEERIGAABO.


UIEEDO: TAAGEERO KAL & LAAB AH


Abtiyaal & awoowayaal;

Marka hore waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka, ASALAAMU CALAYKUM WA RAX MATULLAAHI WA BARAKAATUH, Salaan ka dib waxaan u mahad naqayaa ALLAAH SWT Idim ku Ilhaamiyay inaad qabataan shirka beelaha Habaryoonis, xili munaasib ah oo ku haboon ga ar ahaan beeshu ay kaga tashanayso danaheeda,dhaqnkeeda,& aayaheeda, guud ahaa na waxtar u ah Ummada Soomaaliland.


Anniga oo ku hadlaya magacayga, magaca taageerayaashayda, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa taageero mug leh oo ay ku dheehantahay kalgacal, & wada dhalasho kaas oo ahaa mid waajib nagu ah oo aynu hide u lahayn.

Waxaan hambalyo & bogaadin aan la soo koobi karaynin halkan ugu soo dirayaa, Salaadiint a, Chief Caaqilada,cuqaasha, guurtida,Xildhibaanada, Siyaasiyiinta,Qurba jooga, Aqoonyah anka, waxgaradka, Culimaa’udiinka,Haweenka,Dhalinyarada & guud ahaan Ergooyinka Beel ha Havaryoonis ee ku sugan madasha DAALO ee Ceerigaabo Gobolka Sanaag, si gaara waxa an mahad balaadhan ugu soo dirayaa gudigii qabanqaabada Shirka ee u dhabar aaygtay du ruufihii qalafsanaa, suurta galiyayna,in baaqiii shirka Beelaha Habaryoonis ee ku taariikhays naa in uu qabsoomo 29th Jun 2012 uu noqdo biyo kama dhibcaan, kuna qabsoomo jawi nab adgelyo, hanaankii shirkuna ku furmo sidii loogu talo galay, waxa kaloo xusid mudan door la ma ilaawaanana ka qaatay suurto gelinta madashan qaayaha badan isla markaana marti geli yay madalweynta Beelaha Habaryoonis, Beelaha Habaryoonis ee reer Ceerigaabo isla mark aana lahaa soo jeedinta shirka maanta beeshu isugu timid, waxaan sidoo kale u mahad Celi nayaa cid kasta oo waxtar & Taageero ka gaysatay meel marinta & qabsoomida shirka guda ha & dibadaba meel kastoo ay joogaan, waxaan EEBE Idiinka rajaynayaa in uu Guul & Gobani mo ku dhamaado.


Waxaan shirkan ku tilmaami karaa guul u soo hoyatay guud ahaan Bulshada Reer Soomaalil and lagana rajaynayo Go’aano wax ku ool ah oo anfaca dhamaan ummada Reer Soomaalilan d oo il mug leh lagu eegayo inay madashaa sharafta leh ee qiimaha badan ka soo baxdo talo la weecaansado.

Abtiyaal. Awoowayaal. Waxaan taageeradan ku soo gabagabynayaa tix maamuuseedan:
 


1. Abtinimadu waa beel ku xidhan Bedenka Feedhaha
2 Badkana kama Hinqado Ruux Haduu Boogo Leeyahay
3 Anniga Boqoradii baa I Dhalay Baho Ismaaciil
4 Waa Biliga Habaryoonistaa Baaxada Lahayd
5. Buruudkooda lama karo hadii Laysu Baab Dayo
6 Waa Baroosimada lagu Fadhiyo Beesha Nabada ah
7. Idaraysna Waa Baarka Sare Beertii Duco Yeel
8. Cabdalahan Balaadheey Talada Buuga u Hayaan
9. Baalbaa Ka Taagnaa Tan & Beri Wixii Yiil
10. Laba Muusahaa Bari Degaa Waa Bad & Webi
11. Barta Adag Markeey Taagantee Laysu Bixi Waayo
12. Badheedhkooda Sacad Yoonis baan Baaq U dirayaa
13. Nuurkan Baahey Waa Cali Siciid Baawerka Is Qoray
14. Isaxaaqna Baashey Jiraan Waa Rag Buuro ah
15. Boqortooyadaa Ciidagale Waa Barkimadii
16. Balooley Hadii Loo Baxoo Beeray La Ciyaaro
17. Ninka anniga igu Beegmayaa Ha Iska Soo Baxo
18. Bidhaan Kalena Waa Aragtidiyo Bixitinkiinii
19. Waa nagu Banaantiin Sidaad Wax U Bislayseen
20. Burjina Waa U leediin Talada Xaajo Loo Bogo
21. Birmagaydo Waa u wada Tihiin Baylahaa Jira
22. Bariisadaba Waa Lagu neg Yahay Budulkaad Jeexdaan
23. Buugagii Suldaan Diiriyaad Boodh ka Tumaysaane
24. Qodobada Bardaanka u Lingaxa Baydhna Yuu Lumine
25. Baxsan Hooyaday Faadumo & Boqol Dhigeedii ahi
26. Barbaar Qiimolaa noo dhasheen Biixi aan Jabine
27. Hilaaac Bilig Yidhoo Durugsanaa Looma Beerraqo e
28. Badbaadiyo sidii roon RABOOW Waan Baryootamaye.
29. Basiiradana noo dhoowr adaa Bixiya Qaybaaye.



Guul & Gobanimo


WA BILLAAHI TAWFIIQ.



Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Hargeysa