TAARIIKH NOLOLEEDKII

MARXUUM CABDILLAHI OOMAR CAWAALE
 

انا للة وانا الية راجعون

Taariikh nololeedkii Marxuumka oo ay noo soo gudbiyeen ehelka Marxuumka,waxaanu u qornaa sidan:


"Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale wuxuu ku dhashay Maga alada Luuq ee Soomaaliya. Tacliintiisii, wuxuu ka baxay Dugsigii sare ee Waxbarashada ee Vacationer Training Center (VTC) eek u yaalay Magaalada Sheekh ee Somaliland sanadkii 1945-kii.

Intaa ka dib wuxuu tegay Dugsiga sare ee Tababarka ee Ganacs iga iyo maaraynta ee Cadan (Commercial College Aden). Waqtigaas oo ay Magaalada Cadan ahayd Magaalooyinkii ugu ho reeyay ee Ganacsiga iyo ilbaxnimada Caalamka.

Waxyaabihii uu soo qabtay Marxuumku intii uu noolaa:

Ganacsiga:

Markii ugu horraysay waxa gacan qabtay Ganacsadihii weynaa e e
Jirde Xuseen, isla markaana uu la shaqeeyay. Wuxuu aasaasay Shirkaddii ugu horraysay dalka ee la odhan jiray Oomar Company sanadkii 1957-kii. Waqtigaas waxa uu bilaabay Madbacaddii u ho rraysay Madbacadaha Casriga ah ee Modern Printing oo la odhan jiray Al-Liwa oo ah Calanka.

Wuxuu
Muqdisho u digo-rogtay waqtigii Soomaaliya iyo Somalila nd laysku daray oo uu halkaas ka sii waday Ganacsigiisii. Waxa kale oo uu sameeyay Ganacsi casri ah oo qayb kasta leh heer qar an iyo heer Caalami ahba lahayd. Wuxuu tartan adag la galay ra ggii Ganacsiga ku lahaa Xamar ee ajaanibka ahaa, sida  Talyaan iga, isla markaana uu ka hor maray. Guulihii uu gaadhay wuxuu abuuray cadow badan, taas oo kaliftay in uu ganacsigiisii ula war eego Magaalada London sanadkii 1967-kii. Balse waxa uu wadda nka gudihiisa dib shaqooyinkiisa uga furmeen sanadkii 1974-kii. Waxaanu Somaliland dib u soo degay sanadkii 1996-kii, oo uu ilaa hadda ku noolaa.

Siyaasadda:

Marxuum Cabdilaahi Oomaar Siyaasadda muddo dheer ayuu ku s oo jiray, waxaanu ka mid ahaa aasaasayaashii Ururkii dhalinyara da Dugsiyada ka soo baxay ee Al-Madar, waxaanu noqday Lacag-hayihii koowaad ee Ururkaas, isla markaana wuxuu gelin jiray ha ntidiisia gaar ahaaneed oo uu Ururka ku taageeri jiray.

Sanadihii
1953-kii ilaa 1958-kii wuxuu noqday Madaxweynihii la baad ee Ururka Al-Madar. Sidaa darteed, Ururka Al-Madar waxa y ka qayb qaadatay raadinta Hawd Saver Area (Gobolladii uu Ingiriisku bixiyay) iyo ololaynta Xornimadii Somaliland. abuuristii Xafiiskii NUF-ta oo loo xil saaray dhulkii maqnaa ee HAWD SAVE R AREA iyo xornimadii. Waxaanu waqtigaas sameeyay 1957-kii Jariirad Magaceeda la odhan jiray Al-Liwa ee qaybta wayn ka qa adatay Halgankii gobonimo-doonka Somaliland.

Sanadkii
1957-kii Marxuumku Allaha u naxariistee wuxuu isku so o taagay Madaxweynenimada Somaliland, laakiin Dastuurka dalk a ayaa sheegayay in labadii sanadood ee u dambeeyay aanu dal ka joogin, taas ayaan iska hor taagtay Murashaxnimadiisii.

Waxyaabaha kale ee Marxuumka lagu xusuusto, waxa ka mid ahaa;

-Wuxuu ahaa
ninkii u horreeyay ee keenay dalka Ururka Laanqa yrta cas waqtigii isticmaarka, hawlaha ay qaban jireena qayb la xaad leh ayuu ka qaadan jiray. Waxa kale oo uu u ololayn jiray w axbarashada gaar ahaan Hablaha oo uu aad u dhiirigelin jiray.W uxuu aad u caawin jiray dhalinyarada xag dhaqaale iyo xag guub aabo labadaba.

-Sanadkii
1967-kii ilaa inta uu ka soo noqonayay wuxuu ahaa Od ayga Soomaaliyeed oo aad u gacan qabtay mid Caafimaad u taga , mid Tacliin u taga iyo dad kale ee hawlaha kale u taga Ingiriiska. Sidaa darteed, waxa la odhan karaa wuxuu ahaa Safii r u fadhiya Umadda Soomaaliyeed dalka Ingiriiska.

Shaqsiyaddiisa gaarka ah waxa ka mid ahaa;

-
Wuxuu ahaa Marxuumku nin daacad ah.

-
Shaqo badan.

-
Hawlkar ah.

-
Nin deeqsi ah oo gacantiisa meel walba gaadhay, cid walbana wax taray.

-
Wuxuu ahaa nin indheer-garad ah oo aragti fog.

-
Wuxuu ahaa nin naxariis badan oo qaddiyado badan qaata.

-
Muu ahayn nin Qabiili ah, wuxuu ahaa nin waddani ah.

Waxyaabaha
waddaniyaddiisa u astaanta ahaa waxa ka mid ah, in uu diiday in uu qaato Baasaboor aan ka Soomaaliga ahayn,wa xaanu doortay in uu dalkiisa ku soo noqdo oo uu ku noolaa.

-
Marxuum Cabdilaahi Oomaar wuxuu yaqaanay Qiimaha uu waqt igu leeyahay, waxa uu sheegay in uu yidhi, waligay Makhaayad maan fadhiisin oo kama sheekayn.

Wuxuu ahaa Nin qoys: Noloshiisa oo dhami waxay ku dhisnayd qoyskiisa, wuxuu ahaa aabbo jecel Ubadkiisa, naxariis badan u leh, waxaanu ugu dedaalay in uu siiyo Tacliinta u wanaagsan, wa anu ku liibaanay inay ka soo baxeen Jaamacadda ugu wayn dalk a ingiriiska ee Oxford iyo Cambridge.

Wuxuu ifka kaga tegay:

Allaha u naxariistee
Marxuum Cabdilaahi Oomaar wuxuu ifka ka ga tegay Xaaskiisa Sahra Cabdulqaadir, Innamadiisa oo kala ah, Maxamed Cabdilaahi Oomaar, Raage Cabdilaahi Oomaar. Hablihiisa oo kala ah, Raaqiya Cabdilaahi Oomaar iyo Saynab Cabdilaahi Oomaar.

Ilaahay
Jannadii ha ka waraabiyo, inagana samir iyo Iimaan ha inaga siiyo.