taariikh nololeedkii halgamaagii waynaa ee reer somaliland shuuriye biixi cabdilaahi alaha u naxariistee

 


Scwr wbr,  inkasta oo aan qoraal kaliya lagu soo koobi karayn taariikh nololeedkii ale ha  u  nax ariisstee halgamaagii waynaa ee reer Soomaliland Maxamed Biixi Cabdilaahi <shuuriye> balse waxaan isku dayi doonaa inaan wax ka sheego taariikhdiisa.

SHURIYE 1925,  alaha unaxariistee waxa uu ku dhashay xaafadaJameecada ee magaalada  Har gaysa caasimada jamhuuriyada somaliland, waxa uu ahaa halgamaa door wayn ka ciyaaray  ma daxbanaanida iyo qaranimada somaliland.

Waxbarashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay magaalada HARGAYSA,alaha u na xariistee,  Shuuriye waxa uu ka qalinjabiyay dugsigii sare ee Sheekh waxaanu madax ka noqday wasaaradii hawlaha guud ee ay boqortooyadii ingiriisku kulahayd somaliland PWD ,isagoo markii dambana kanoqday madixii ugu sareeyay, 1948 waxa uu alaha u naxariistee Shuuriye Biixi  Cab dilahi kooras utagay dalka ingiriiska.

Shuuriye alaha unaxariistee waxa uu furay caymiskii ugu horeeyay ee laga furo somaliland isa goo Hargaysa uga wakiil ahaa xafiiskii shirkadii caymiska ee kutaalay magaalada cadan.
Alaha u naxariistee marxuumku 40dii, waxa uu kujiray dhaqdhaqaaqyadii gobonimo doonka ee lagaga soo horjeeday maxmiyadii ingiriiska isagoo ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee  hogaamina yay dhaqdhaqaayadaasi gobonimo doonka ah sida uu ku xusay alaha u naxariistee Maxamed X. Iibraahim Cigaal , 1993 qudbad uu ka jeedinayay khayriyada magaaladaHargaysa , ayaa Cigaal uu ku sheegay qudbadiisa in isagoo jooga Laascaanood uu badhisaabkii ingiriiska u fadhiyay Ha rgaysa fariin u diray Cigaal,  si uu u soo galo Hargaysa, markii cigaal Hargaysa yimidna uu badh isaabku u sheegay in nin Shuuriye Biixi la yidhaahdaa uu miiska ku garaacay kuna hanjabay  ha dii ay xornimada si dhakhso ah ingiriisku u siin waayo ay dhegta dhiiga u dari doonaan.

Sanadkii 1954 , waxa uu Shuuriye Biixi , si rasmiya ugu biiray xisbigii SNL , isagoo ka mid ahaa siyaasiyiintii ololaha wayn u galay in ale aha u naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu  noq do Xoghayihii Guud ee Xisbigii SNL 1956ki.

Alaha u naxariistii Shuuriye , waxaa uu ka mid noqday barlamankii ugu horeeyay ee ay somalila nd yeelato, isagoo ka mid noqday shakhsiyaadkii ugu codka badnaa doorashadii baarlamaankii xiligaa.

1969 kadib, markii dawladii miltariga ahayd ay xukunka boobtay ,waxa uu marxuumku  u  baydh ay dhanka ganacsiga isagoo caana ku ahaa ka soo horjeedka maamulkii siyaad bare oo uu ku ahaa mucaarid. Alaha u naxariistee marxuumku , waxa uu ku geeriyooday magaalada Jabuuti 1993
 

 

 

 Axmed Xuseen Khaliif
Xildhibaan ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye