Taariikkda ILbaxnimada Iskudhafka beeraha iyo xoolaha ee gobalka Gabiley iyo sidii looga tabaysan lahaa cunto yarida dalka ka jirta

 

Deegaanka Gabiley waxa muddo imika laga joogo qarni ka dhalatay ilbaxnimo mug  balla aran oo ku salaysan habka iskudhafka beeraha iyo xoolaha. Hab nololeedkan waxa  sam eeyey culumodiin reer Gabileya oo diinta iyo falsafada ku soo bartey magaalada Herar ee imika dhacda bariga dalka Itoobiya.

Herar oo ah magaalada afraad ee ugu barakeysan Islaamka. Herar waxay saldhig u  ah aan jirtey culumodiin ku taxan Dariiqada Suufiyada oo Ilaahay cilmi ku  manayste y.Dad muslina oo qaaradaha dunida oo dhan ka kala yimid ayaa u soo aqoon raadsi iman jiray. Culumodiinka macalimiinta ahayd ee dadka waxbari jirtey waxay u  badna ayeen Soomaali.

Soomaalidii dadka kale ee dunidu usoo cilmi doonan jireen waatan imika Wahaabiyaha  la gu soo hurgufay ee ay noqotay, Foodsaar dabasaar loo celi. Geyiga Soomalidu  degt an waxa meelkasta jooga qaar sheekhyo sheeganaya oo Wahaabiyaa oo ama xabad la  ord aya ama dadkii dhego barjeeyey. Dalalka shisheeye ee dhulka Soomaalida ku  fidiya  Wa haabiyaha waxay doonayaan in ay dadka ka leexiyaan sidii fiicneyd ee aynu waligeenba dhaqmi jirney diinteena suuban ee Islaamka iyo inay cidhib tiraan  dhaqankeen  hodan kaa. Dalalkaas ujeedadoodu waxa weeyi oo ay doonayaan in ay  Sooma lida dadnimo  gu uriyaan, oo ay Soomaalidu noqoto Duurjoog muuqaalka dadka leh.

Intaana dadka aan Xog badan ka heyn Herar ayaan u yara dulmarayey  taariikhdee da aan usoo noqdo dulucda qoraalkeyga. Culumadaa reer Gabiley ee wax ku soo  bar atey Herar waxay arkeen in reer guuraanimadu caqabad ku tahay horumar bulsho oo la  gaa dho. Culumadii iyo Beeldaajiyaashii reeruhu waxay isku afgarteen in dadka lagu  guubaa biyo faa,iidada beeruhu u leeyihiin nolosha aadamaha.

Gabiley waxa muddo kooban ka hirgalay isbedel bulsho oo weyn. Dadweynihii waxay ka digo rogteen reer guuraanimadii, waxay noqdeen dad deegameysan oo ku  dhaq ma  ha bka iskudhafka beeraha iyo xoolaha. Habkani si fudud ayuu Gabiley uga  hanaq aaday oo waxay dadkii aqoon ballaran u yeesheen beeraha iyo sida beeraha Loda loogu dhaqo.


Culumadii iyo Hogaamiyaashii dhaqmeedkii kale ee xiliyadaa reer Gabiley u talinayey  wa xay sameeyeen mabda loo yaqaano Guuska. Guusku waa mabda iskaashi oo  bulsh adu maskax, muruq iyo maalba meel iskugu geynayso. Nidaamkan Guusku wuxuu xeer ka  dhi gayaa in dadka intii aag ku wada noolba in maalinba qoys beerta loo qodo, sid oo kalena marka dalagu bislaado caanomaalba reer beerta loo jaro.


Habkan Guusku wuxuu bulshadii degaanka Gabiley u fududeeyey inay muddo yar isku  fil aansho cunto ku gaadhaan. Taana waxa tusaale u ah, dagaalweynihii labaad ee  aduun ka waxa Somaliland ka dhacdey abaar xun oo xoolihii ledeen. Gumeystihii Ingiriisku  wux uu sheegay in dadka ku nool Somaliland inay qarka u saaran yihiin inay macaluul u  madh aan. Nasiib wanaagse soortii beeraha Gabiley ka soo goday ayaa dadka  Soma liland iyo soomaalida bariga Itoobiyaba ka badbaadisay masiibo cunto la,aaneed oo  k u habsata. Gumeystihii Ingiriisku wuxuu qeyb ka mida amadkii beeraha Gabiley ka soo go,ay u  qaad ay ciidankiisii Cadan deganaa.


Gabiley isku filaanshahaa cunto ee ay gaadhay xiligaa waxay werwer iyo walaac ku  rid ay gumeystihii Ingiriiska. Gumeystuhu wuxuu ka cabsanayey inuu habkani dalkoo dhan ku faafo oo dadku ku tiirsanaadaan cunto dalkooda ka baxda. Dadkuna markay fahmaan dheefta dhulka inuu dareen wadaniyii ku abuurmo, oo aanu rubiyadihii uu jiilaalka  afmiis haarka siinayey anu ku kala qeybin doonin.


Gumeystihii Ingiriisku wuxuu bilaabay qorshayaal uu ku curyaaminayo soorta dalka ka baxda. Ingiriiskii wuxuu lacag siiyey ganacsatadii Hindida iyo Carabta ahayd ee  dalko o dhan ku baahsaneyd, si ay dalka bariis jaban u keenaan. Ingiriiskuna wuxuu  bariis kaa ugu talagalay inuu ku suuq tiro cuntada dalka laga beero.

Caalimiintii iyo Beeldaajishaashii reer Gabiley markay ogaadeen shirqoolka  gumeystu hu ku suuq tirayo waxsoosaarka dalka, waxay dadweynihii ku sii dhiiri galiyeen inay sii xoojiyaan waxsoosaarkooda oo aanay hagardaamada gumeystuhu xagal daacin. Dhulkii culumadu calaamadeysay inay biyuhu dhow yihiin , waxa laga qoday ceelal  kh udaarta lagu waraabiyo. Waxa kale oo soo kordhay habka loda bustaanada loogu xanaaneeyo.


Nolosha beeruhu waxay keentay inay deegaanka Gabiley ka sameysmaan goobo  bad an oo diinta lagu barto. Gabiley waxa kale oo ay noqotay xarun dhaqan, waxa  xooge ystay maansadii waxa soo kordhay heeso hawleedyo xaga beeraha ku saabsan.  Gab iley  wa xay noqotay meel ay ku soo biyo shubteen ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka  soo maliyeed intoodii badneyd. Ciyaaraha hidaha iyo dhaqankuna waa aasaaska dhaqan, halka laga ogaankaro faca iyo taariikhdii hore ee Soomaalida.


Gobanimada markii la helay 1960kii, Gabiley waxsoosaarkeeda cunto wuxuu ahaa mid ka badan oo loo iibgeyn jiray ilaa Jabuuti. Hadhuudhka iyo arabikhida beeraha Gabiley ka baxaa wuxuu ka badnaa inta beeraha gobalada Jubada hoose iyo Baay oo laysku daro ka soo go,da. Beeraleyda koonfurta soomaliya waxa ugu wacneyd in  wax soo s aark oodu hooseeyo gacanta ayey wax ku qodan jireen, ee may aqoon habka  Dibiya da loogu adeegsado waxbeerida. Wasaaradii beeraha ee Soomaliya waatii markii  dan be shaqaaleysatey rag ka tirsan beeraleyda deegaanka Gabiley ,oo xirfada Dibiyada loogu adeegsado waxbeerashada ku tababara Iskaashotooyinkii beeraleyda  koonfu rta. 

Waxa Waxyaabihii la beeri jiray lagu daray Jaadka. Qaadka sababta loo beeray  wax ay ahayd in la joojiyo lacagta adag ee maalin walba Itoobiya tageysa.Reer Gabileyna  wax ay doonayeen inay ka helaan hanti culus oo ay waxsoosaarkooda beeraha ku  horoma riyaan.

Taliskii Siyaad Barre wuxuu u arkay dhaqaalaha weyn ee Gabiley ka tisqaaday mid  ha lis ku ah maamulkiisii kaligii talisnimada ku dhisnaa. Dowlaldii Siyaad Barrena waxay  madnu u cday Qaadkii, si ay dhaqaalaha dadweynaha u curyaamiso.


Hadaba dunida waxa soo wajahay cunto yaraantii eu xumeyd ee waligeed soo marta. Dalalka dunida oo dhani waxay wadaan olololayaal ballaaran oo ay kor ugu  qaadaya an waxsoosaarkooda beeraha. Dalal badan ayaa joojiyey cuntada dalkooda ka baxda inay dibada u iibgeeyaan.

Dalalka Carabta ee saliida dhoofiya iyo kuwo kale o badaniba waa kuwa dalal ay  suuda an ka mid tahay lacag ku sixraya, ee dadka beerahoogii ka qaadanaya. Dadkii  dhul kaa lahaana ay noqonayaan kuwo dhaxal wareegay oo shisheeye geyigoodii qaatay.

Dadka somaliland waa bulshada kaliya ee ka dhegola halistaa dunidoo dhani ka  tabay sanayso.Wali dalka laguma qaban shirweyne kaliya oo laga hadlayo sidii  wax soo  sa arka beeraha kor loogu qaadi lahaa. dadka Somaliland waxay u muuqdaan kuwo  bara arugu doona, markay xeedho iyo fandhaal kala dhacaan.

Saddexda xisbi ee doonaya iney hoggaanka dalka u tartamaan. Waxa leydinka  doona yaa inaad keentaan oo aad dadka u soo bandhigtaan qorshayaal waxa laga  qabana yo baahida cunto ee dalka jirta. Saddexdan xisbi ee dalka ka jiraw hadaan u  haysat aan kaalmo cunto oo dadka hagar tiraysa galaamadan WFP ujeeda u keento, arrinkii nu  mar kaa waa Doqoni hoosiis bay hadh moodaa.


Sannadkasta dalka waxa ka dhacda abaar, taas oo sababta in cunto la,aani dadka  s oo foodsaarto. Ilaahay markuu roobka ina siiyo kama tashano sidii ayniu jiilaalka  dan be uga gaashaaman laheyn.. Hadaba dhibaatada dalka jirta waxa laga bixi karaa  Isk aashi iyo inagoo isku haleyn cidkale oo wax inoo qabata. Haani gunbay ka tolantaaye , ee waa in beelaha reer guuraagii qoys qoys u qaybsadaan dhulkooda xoolo  daaqs inkaa si  xaq soora. Xooluhu marka la deegaameeyo weey ka manfac badnaa doonaa, dadkuna waxay noqon kuwo isku filan oo ku tiirsan cuntada beerahooga ka baxda.


Beelkastaa haday tolfiiq yeelato oo ay dhexdeeda is kaalmayso horumar bay si fudud u gaadheysaa. Tolka macnihiisuna waa dad dhib iyo dheef wadaaga. Tolku wuxuu  ah aan jiry dad is taakuleeya oo qoyska xooluhu ha gudhan yihiin xoolo maala la siiyo, kaan  xoo la heysana loo mijin qabto oo la xooleeyo. Qabyaaladan xinka iyo xiqdiga  ree rkale loo qabo oo kaliya tolka loo yahay, waxa laga dhaxley siyaasadii gumeystaha ee qaybi oo xukunta ku dhisneyd.


Beeluhu hadii siday asal ahaan jireen loo noqdo waxay dadka u horseedi doonaa  hor umar iyo wanaag. Beelkastaana haday qofkasta oo baahagala ka qaado qaadhaan  joo gto ah sanadkii, waxay helaysaa miisaaniyad sanadeed. Hantidaana Reerkastaa wuxuu ku horumarin waxsoosaarkooda cunto iyo adeegyada bulshada ee kale.


Dal iyo dadtoona ma yeeshaan cudud dhaqaale ilaa ay waxsoosaarka beerahooga  k or u qaadaan. England iyo Faransiisku markay horumar ka gaadheen beeraha waatii  keen tay kacaankii warshadaha. Dalalkan koonfur Aasiya markay xoojiyeen  waxsoosaarka  b eerahooga waakan dhaqaalahoogu sanadkasta sii xoogaysanayo.


Ugu danbeyntii, Somaliland waxaynu u baahanay in dheelalowga laga baxo oo  dadweyn aha iyo xisbiyada siyaasadaba la wada arrinsado. Dadweyne iyo dawladba hadii lays  ka ashado waa laga baxayaa dhibaatadan cunto la,aaneed ee dalka ka taagan, umana  baa hnaan doono gacmo hoorsi shisheeye.


 

 

Mukhtaar Ibraahin Fadan
gabilay8@yahoo.com