WAR-SAXAAFADEED

 

 


“Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dir ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timi Aabihii MARXUUM NUUR CAR AALE BULAALE, oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa gaar ahaan Cisbitalka Ga rgaar.


Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii iyo Asxaabtii, uu ka baxay Marxuumku.


Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka wa raabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.



IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)


Af-hayeenka Madaxtooyada JSL