TANNA WAA MAANSADII XISBIGA UDUB

 


Waad salaamantihiin dhamaan salaanta muslika u gaarka aha smc waxaa ii raaca iyada oon gunaanadkii jiiftooyinkii xisbiyada marayo oon uga jeeday uun kaftan iyo qosol ahna marka dhinac laga eego qaar runta ku dhowdhow iyo marka aad u fiirsato marka ay dadka xisbiyada taageesan ka wada hadlayaan.. hadaba iyada oon ka cudur daartay horey yaan qalad laga soo saarin anigu xisbi baan samaystay magaciisa la yidhaa......................

waxa uu yidhi
 

 

Anagu UDUB baanu nahay

agoon yar yar baanu nahay

aabahood dhintay baanu nahay

habar iyo oday baanu nahay

abaal ma gudaanu nahay

asalka bisad baanu nahay

af-duub wadan baanu nahay

asqiyo wax kalaanu nahay

aafaad yimi baanu nahay

alhuumo jirtaanu nahay

iftiin dumay baanu nahay

wadeeco allaanu nahay
 

******


basaas ururtaanu nahay...........
NSS weeye maaha tii kale

xinkoo ilko leh baanu nahay

amuuro jiraanu nahay

naxliga in shishaanu nahay

 iinyo dhabaanu nahay........macnaha [ diiday]

kuwaa ashqaraarayee

xilkii anbiyaanu nahay

afrikaan kursi fuulay iyo

dimuqraadi afkaanu nahay

annagiyo anagaanu nahay

aabaha kaliyaanu nahay

halkii laysku eeday iyo

muuqaal ifayaanu nahay

******

anagu udub baanu nahay................

beenaha inamaanu nahay

alluhu ku ogyaanu nahay

ekaanta tol-baanu nahay

abees daddan baanu nahay

ujeedo fog baanu nahay

agoonta dar laaya iyo

askarta xidh xidhaanu nahay

idaacad yar baanu nahay

amaan jecel baanu nahay

jihaad asalaanu nahay

kulmiye ku eg baanu nahay

astaan xukun baanu nahay

haddana eber baanu nahay

aduun gurataanu nahay

xaaraan orisaanu nahay

anagu udub baanu nahay

Cirriyo odaygaanu nahay..........

******

aboodiga noo tashiyo

abti iyo inan baanu nahay

awalka nagu soo jabiyo

hindi iyo abris kaanu nahay

Cali iyo Asad baanu nahay....Cali guray

jugtaa orisaanu nahay.............jug soo dhacay

dar  aan irbad miiqin iyo

af miishaara jiraanu nahay

xalaasha ma eegatiyo

kuwaan abhan baanu nahay

******

wadaadka abraara iyo

awliyada duushaanu nahay

iyagoon kuba soo ag marin

ragaa ku arkaanu nahay

kuwaad ogtahaanu nahay

odayaasha is haysta iyo

aw axmadaanu nahay

xisbagaa adag baanu nahay

af lagaade jiraanu nahay

ilawshaha muuqda iyo

inkaarta dadkaanu nahay

amarka eebe hayee

ayaamo sugataanu nahay

khal qigoon wadda iibsaniyo

shan kale  lulataanu nahay


 

Mowlid Aden (Qolqol)