Xuska Sanad Guuradii 20aad Ee Gooni Isku Taaga Soomaaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Baxay Degmada Tog wajaale
 

 


Xuskan maanta ka dhacay magaalada Wajaale ee lagu xusayay 18 May .......



Tog-wajaale (TNN) Aroornimadii hore ee saaka waxaa guud ahaanba shacabka ku nool degmada tog wajaale ay iskugu soo baxeen dabaal degii ugu balaadhnaa abide ee laga sameeyo degmada tog wajaale .
Waxaanay dadwaynaha iskugu soo baxay garoonka kubada cagta ee Mujaahid Mahdi Cali ay ku labisnaayeen astaanta calanka Jamhuuriyada Somaaliland iyagoo ay dadku calanka ka tosheen dhar ay xidhaan.

Waxaanad ka dareemaysay farxad iyo damaashaad aan loo kala hadhin dhamaan qaybaha bulshada iyagoo socod dheer ku soo maray jidadka magaalada dhex mara iskuguna yimid garoonka kubada cagta ee Muj Mahdi Cali .

Waxaana kala soo qayb galay dadwaynaha iskugu soo baxay faraahan kala soo qayb galay Gudoomiyaha Degmada Tog wajaale Xaashi Maxamud Cabdi Gudomiye ku xigeenka Maxamuud Sh.muuse Bookh Xoghayaha wajaale Faysal ganacsato iyo cuqaal
Khudbada ay dhamaanba masuuliyintu ay halkaa ka jeediyeen ayaa lagaga hadlay sida ay shacabka Somaliland ay uga midaysan yihiin horumarka iyo ictaaraaf raadinta dalkan jamhuuriyada Somaliland .


Waxaanay shacabka ku nool wajaale ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay ka mid yihiin “ Somaliland Aqoonsi siya” iyo erayo kale.

Waxa ugu danbayntii dadwaynuhu socod dheer ku soo mareen jidadka magaalada dhex mara iyagoo wata calanka Somaliland iyo Boodhadh ay ku xardhan yihiin magayada Dugsiyada iyo halku dhigyo kale . waxaana aan kala soo qayb galin isku soo baxaa dadwaynaha reer Tog wajaale Maamulka gobolka iyo Xukumada dhexe oo la filayey inay ka soo qayb galaan Xuska Sanad guurada 20 aad ee la soo noqshada madax banaanid Jamhuuriyada soomaaliland

 


C/risaaq Maxamuud Aw Daahir
abdidhago@hotmail.com
Timacade News Desk
Tog-wajaale Somaliland