Wajaale:Degmada Ugu Dakhliga Badan
Uguna Dayaca Badan

 

Tog- wajaale waxay weeyi wakhtigan xaadirka ah furdada kowaad ee isku xidha jamhuuriyada sland iyo Ethiopia

Degmada Togwaale waxay dhacdaa boqcad strategy ah 89km galbeed kaga  beeg an Caasimada Jamhuuriyada Somaliland isla markaana 38km dhinaca koonfur  galbe ed kaga beegan Caasimada Gobolka Gabiley, waxaa mara xuduudka dheer ee sland iyo Ethiopia u dhexeysa , waa magaalo taariikhi ku ah dhinca ganacsiga illaa qarnigii 20aad horaantiisii ama intii ka horeysayba .

Degmada Wajaale oo ay ka dhalatay labakaclaynta goob-ganacsiyaadkeedii hore  lo ogu yaqaanay wakhti hadda laga joogo 8sanno uu ku beegnayd 2002 wakhtigaas oo gacansatada hadda Wajaale degani ugusoo digarogteen magaalada Harta  shei kh ee Ethiopia kadib caadaadisyo badan oo maamulka Ethiopia saartay  badeecooyi nkii kasoo gali jirey dhinac sland .

Tog- wajaale waxay weeyi wakhtigan xaadirka ah furdada kowaad ee isku xidha  ja mhuuriyada sland iyo Ethiopia, waxaa xarumo ganacsi oo tayadoodu aad u sarayso ku leh guud ahaan ganacsadayaasha waawayn iyo dhexeba ee sland sida kuwa soo dajiya badeecooyinka kala duwan( Merchandise sector) iyo kuwa qabta adeegyo kala duwanba ( Service Sector).

waa magaalo habeen iyo maalin mashquul ah
( Booming) , waxaana ku xidhan oo ay u tahay xarun ay ka waaridaan badeecadaha iyo allaabooyinka kala duwan  dhama an qoomiyadaha Ethiopia, marka laga yimaad goobaha ganacsi ee kala duwan waa magaalo degsiimo aad u badan leh ha noqdaan bulshadii hore usii deganayd iyo  ku wa la socday bilawgii ganacsigeedan cusub, waxyaabaha kusoo kordhay wakhtigan waxaaynu ka milicsan karnaa isgaadhsiinta casriga oo laf – dhabar u ah ganacsiga Wajaale islamarkaana ay shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Telcom ay  noqde en kuwa si weyn xil-isaga saarey oo suura galiyey inay dhigaan qalab  isgaadhsiine ed oo aad iyo aad tayadoodu u sarayso, iyada oo shirkada Telesom ay noqotay  shi rkadii labaad ee ugu horeysay ee ka hirgelisa dhisme dabaqyo ka kooban taariikhda Degmada Togwaale, iyada oo ta kowaad ay tahay shirkada Alxarbi Trading Co.

waxaa kaloo kamid ah ashyaada kusoo kordhay Degmada Togwajaale Hotelada  las eexdo oo aad u tiro badan oo labaataneeyo gaadhaya tayadooda iyo bilicdooduba ay yihiim kuwa lamida hoteelada ku yaal caasimada dalka ee Hargeisa.
 

Haddii aan usoo noqdo ujeedada maqaalkaygan , Degmada Togwajaale oo ah goob ganacsi oo balaadhan sidaynu soo xusnay waxay tahay oo ay ku jirtaa kuwa ugu  d akhliga badan dhawr iyo afartanka Degmo ee Somaliland , oo ay ka soo hoydaan  m alaayiin doolar oo cashuura oo kusoo dhaca khasnada ama gacanta xukuumada  wa khtigeedii dhamaaday, dhinaca kale waa degmada ugu dayaca badan degmooyinka aynu sare kusoo xusnay oo dhan, waa magaalo ama degmo ka aradan gabi  ahaan ba adeegyadii bulshada , malaha rug-caafimaad , gobo waxbarasho oo tayo leh, bi yo nadiifa, waxaa intaa dheer halbawlihii dhaqdhaqaaqa ganacsiga oo ah dariiq ama waddo wanaagsan oo ayna lahayn degmada wajaale haddii ay noqon lahayd dariiqa isku xidha Kalabaydh iyo Wajaale iyo gudaha Degmada Wajaale oo aad lagu  tilmaa mi karo qalcado oo ayna sinaba suura gal u ahayn inay gudaha magaalada si  raax ale u maraan gabi ahaan gaadiidka badeecada usida gudaha magaalada iyo kuwa waliba muraadada kala duwan u leh magaalada gudahadeeda.

Maalinimadii ciida oo ku beegnayd 20 Sept 2009 galinkii dambe abaaro shantii ayaan gaadhay Degmada aniga oo ka baqoolay magaalada Hargeisa balse iima suura galin in aan fatooradii/gaadhigii aan watay ku gaadho halkii uu muraadkaygu ahaa oo  gu daha magaalada ahaa waxaanan kaga tagay meel ilaa dhawr kilo metre u jirta  mar kii uu noqday dariiqyada magaalada dhexmaraa kuwa qalcado ah .

Waxaan xusuusin lahaa reer wajaale waxaa lagu jiraa wakhti kala guur cida idin  da yacday waa xukuukadaa wakhtigeedii dhamaaday oo aan hadda waxba ka qaban Karin baahiyahaa adeeg ee aan sare kusoo xusay waa inaad la xisaabtantiin  xukuu mada iman doonta wixii hadda kadambeeya oo aydaan bixin cashuurtiina haddii aan adeegyadiina wax laidiinka qaban.

Waxaan kusoo gunaanadayaa oo aan idinkula talinayaa haddii aad tihiin Reer  Waja ale haddii aydaan idinku isku iman oo aydaan wada tashan oo aydaan waxqabsan “Gacma wada jir ayay wax ku qabtaan” wakhtigan xaadirka majirto cid wax idiin  qa banaysaa “ ceelna idiinma qodna ceelalyeyna idiinma maqna. Haddii aad sidaa  sama ysaan wadooyinka iyo arimahaa aan sare kusoo sheegayba way idiin hirgali karaan.

Mida labaad waxaad lasocotaan xaalada dalku halkay marayso maanta qaranimay maraysaa oo ha dunto iyo yaanay dumin ayaa la isku hayaa, waxaad saxaafada ku arageen qodobo lixa ayay wadamada daneeya Somaliland usoo jeediyeen asxaabta qaranka iyaguna inay aqbaleen ayaad maqasheen , dalkeena 19sanno ee aynu  qar anka ahayn sedex dagaal oo adag ayaa ka dhacay kii u horeeyey waxa uu ahaa  da gaalkii burco ee 1992 kii kuxigay waxa uu ahaa kii Berbera ee 1993 kii  seddexaad na waxa uu ahaa kii Hargeisa 1994 waxaad lasocotiin in degaaladaa boqolaal ay ku dhinteen haddana si wanaagsan looga wada heshiiyey sababta heshiisku u hirgalay maxay ahayd? Markay arimo siyaasadeed oo adag yimaado furdaaminteeda iyo  fa shilaadeedu waxay ku xidhan tahay cida markaa midida daabkeeda haysa kolba sida uu u fuliyo shuruudaha isaga lagu xidho macnuhu maaha aqbalaada shuruudaha  wa a fulinta shuruudaha ,shuruud si fudud ayaa loo aqbali karaa laakiin halka  hogaami ye isku dhaafay waa fulin , degaaladaa aynu soo xusnay hogaamiyayaashii Alle  nax ariistii jano hakawada waraabiyee C/raxmaan Axmed Cali iyo Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa shuruudihii lagu xidhay aqbalay oo fuliyey sidaasayna ku soo  afjarme en.

Haddaba waxaynu madaxweyneheenan sharafta leh ku naqaan inuu yahay Abale oo ma fuliye !!! waxaynu alle uga baryeynaa in Madaxweyneheenanu noqdo Fuliye oo uu raaco dariiqii hogaamiyaasha aynu soo magacawnay uu fuliyana lixdaa qodob ee uu aqbalay.
 

 

Rabiyow ha inna heerin
Ha inna hoodo xumaynin
Hadalkeenna ha baajin
Rabbiyow hadalkeenna

******
Hadhuudh uud ah ka yeel
Rabbiyow tacabkeena
Tabantaabo samaatiyo
Talo khayr leh ka yeel

******

Weedheen ha yeedho
Taladeen ha tis qaado
Tusmadeen ha samaato
Turuqeen ha adkaado
Tusmadeen ha iftiinto

 

C/rasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa, 4418174