SU’AAL FURAN TOLOW XISBIGA UDUB
QOF KALIYA OO DAMIIR IYO DAREEN WADANIYADEED LIHI LA KU JIRAA
Waxaan Salamayaa Inta Dareenka Iyo damiirka Somaliland-nimo leh,
Inta U damqata Somaliland In ta ka soo Horjeeda Musuqmaasaqa
Hanti Boobka Horumar La’aanta Biyo La’aanta Caafimaad La’a
anta Waddo La’aant Doorasho La’aanta Citiraaf La’aanta Dhaqaalo
La’aanta Waxbarasho La’aanta Shaqo La’aanta Dastuur Jabinta iyo Ku
Tartanka Boobista Hantida Ummada.
Waxaa Salaantayda Ka Reeban Kuwo
Intaa Aan Soo Sheegay Ku Sifoobay Ama Intaas Oo Dib U Dh ac Ah
Geyaysiiyey Shacabka Somaliland, Iyaga Oo Raacanaya Danahooda Gaarka
Ah, Waxaa Salaa ntayda Ka Reeban Kooxda Ama Ururka Aan U
Bixiyay Macaan Jecel.Macaan Jecel Waxaa La Yidha ahaa Bahal
Yaroo Xayawaanka Dhulka Ku Nool Kamida Oo Had Iyo Jeer Meel Kasta Oo
Wax Macaani Ku Dhacaan Ama Ku Qubtaan Ku Soo Urura.
Intaa Kadib Haddii Aan Gudo Gallo Qoraalkan Kooban Ee Aan Ciwaanka
Ugu Dhigay Tolow Qof Damiir Iyo Dareen Wadaniyadeed Lihi Maku Jiraa
Xusbiga UDUB?
Marka Hore Waxaan Ka Cudur Daaranayaa In Aan Kooxdaas Riyaale Madaxa
U Yahay Xusbi Ugu Yeedho, Sababtoo Ah Xiligan La Joogo UDUB Wixii La
Odhan Jiray Xusbi Ahaan Umma Jirto Laakiin Wuxuu U Jiraa Si Magaca
Yaal Ah (pronoun). Sababaha Aan Xusbi Loogu Yeedhi Karin Waxaa Ka
Mida.
1-Xusbiga Waxaa Lagu Gartaa Marka Uu
Gole Dhexe Iyo Gole Fulineed Leeyahay UDUB Gole Dhexe Iyo Mid
fuleneed Midna Malaha.
2- UDUB Waxay U Qaybsan Tahay Laba
Qaybood Oo Kala Ah Isbedel Doonka UDUB Iyo UDUB Macaan Jecel
Markaa Labada Kooxood Mid Ka Mida Xusbiga Magaciisii Hore Looguma
Yeedhi Karo.
3-Sidda Muuqata Waxaa Jiray Riyaale Oo
Ka Soo Baxay Xusbigii UDUB Macaan-Jecel La Odhan Jiray Laakiin Hada
Cid Gaara Ama Maamul Xusbi Oo Laysku Raacsan Yahay Oo UDUB Loogu
Yeedhi Kara Ma jirto.
Hadaba Aan Idin Tuso Dadka Aan Leeyahay Tolow Dalka Iyo Dadka
Lexejeclo Maka Haysaa?Aniga Oo Isku Deyaya In Aan Qof Qof Idiinku
Soo Gudbiyo Waa Udubta Macaan Jecesha Ahe.
Waxaynu Ku Bilaamaynaa Madaxwaynaha Riyaale Oo Kooxdan Macaan
Jecesha U Ah Hormuud, Inaga oo Ka eegayna Taariikhdiisa Somalilander
Nimo Iyo Weliba Wax Qabadkiisa Madaxwayne Nimo.
Madaxwayne Riyaale Waa Masuulka Ugu Sareeya Somaliland Waana
Masuulkii Ugu Horeeyey Ee Xilka Madaxtinimo Shacabku u Doorteen,
Inta Aynaan U Gelin Doorashada Riyaale Aan Ku Horayno Riyaale Waa
Kuma?
* Riyaale Waa Shaqsi Ka Mid Ahaa
Xukuumadii SIYAAD BARRE Ee Xalaashatay Dhiiga Iyo Dhaqaalaha Iyo
Weliba Dhulka Shacabka Somaliland ba.
* Riyaale Waa Derejadiii Loo Yaqaaanay
(National Secret Service) NSS, Shaqadiisuna Ahayd Soo Dhego
Dhegaynta.
* Riyaale Wuxuu Ahaa Dadkii Markii
Mujaahidiintii S.N.M Dalka Qabsatay Qaxay Ama Cararay Isaga Oo
Markaa Ogaa Wixii Uu Geystay, Isla Mar Ahaan Taana Ku Fekerayay
Haddii Uu Gacanta Mujaah idiinta Galo In Ay Dili Donan Taasina
Waa Tii Keliiftey In Uu Firxado Illaa Laascaanood.
* Riyaale Markii Uu Socday Shirkii
Magaalada Burco Ee Beelaha Somaliland Wuxuu Warqad Usoo Qortay
Labada Mujaahid Ee Kala Ah Muj. Cabdiraxmaan Laba Tole Iyo Mujaahid
Maxamed Kaahin, Waxaanu Codsigiisa Ku Dalbaday In La Samaxayo Iyo In
La Dilayo? Labada Mujaahid Iyoga Oo Eegaya Isa Saamixida Beelaha
Somaliland Iyo In La Abuuro Kalsooni Dhex Marta Beelaha Somaliland
Waxay Yidhaaheen Waa Lagu Saamaxay Ee Iska Soo Noqo.
* Riyaale Intaa Kadib Wuxuu Noqday
Gudoomiyaha Gobolka Awdal, Markii Uu Muddo Yar Xilka Haye
yWuxuu Gobolkii Noqday Mid Arradan Dhinac Kasta Musuqsaamuq Iyo
Hanti Boob Ayuu Bilaabay Shacabka Reer Awdal Ayaa Markiiba Ku Kacay
Kadibna Xilkii Ayuu Sidaa Ku Waayey Riyaale.
* Riyaale Wuxuu Noqday Xiligaa Ka dib
Wakiil Qaad Oo U Jooga Gobolka Awdal Qaadkii La odhan Jir ay
571. Intaa Kadibna Riyaale Oo Murxuumkii Cigaal U Yeedhay Wuxuu
Noqday Madaxwane Kuxigeen.
Intaasi Waa Rayaale Iyo Taariikhdiisa Intii Aanu Madaxwaynaha Noqon,
Hadaba Intii Uu Madaxwan aha Ahaa Ayaynu Eegaynaa Imikana,
Riyaale Wuxuu Madaxwayne Noqday Kadib Markii Alle How Naxariistee
Murxuum Cigaal Dhintay, Doorashadii Danbe Ee Riyaale Dib Loogu
Doortay Laba Xaalad ood Ba Waa Lagu Macnayn Karaa,Ta Koowaad
Waxay Ahayd Aqoon La’aan aan Dadku Aqoon Ka Haysan ,Ta Labaadna
Waxay Ahayd In Shacabka Iyo Gobolka Uu Ka Soo Jeedo Iyo Dhamanba
Beelaha Somaliland La Tuso In Somaliland La Wada Leeyahay Oo Qof
Welba La Dooran Karo Isna Uu Wax Dooran Karo. Taasi Waxay U Sahashay
In uu Madaxwayne Noqdo.
Hadaba Madaxwaynaha Oo Ah
Shaqsiga Ugu Sareeya Somaliland Illaa Imika Waxaynu
Iswayniinay naa Ma Leeyahay Wadaniyad Mise Kursiga Uun Ayuu Ku
Fadhiyaa?
Jawaabtu Waxay Tahay Riyaale Iyo Inta La Socota Qof Keliya Oo
Wadaniyad Leh Kuma Jiro, Hadaba Aan Idiin Qodobeeyo Sababaha Aanu
Riyaale Lexejeclo Dalkan Iyo Dadkan Uga Qabin.
Calaamadaha Muwaadinimo La’aanta Ee Riyaale,
1-Haddii Riyaale Somaliland Lexejeclo
Ka Qabo Ciidankeena Qaranka Ee Dhaxanta Iyo Roobka Iyo Milicdaba Ugu
Badheedhey Difaaca Dalka, Maanta Oo Uu Todoba Sano Ku fadhiyo
Kursiga Bilaa Derejo May Noqdeen Haddii Uu Muwaadin Yahay Sababta
Bulshada Somaliland Ayaan U Deynayaa?
2-Haddi Riyaale Muwaadin Xalaal Ah
Yahay Hargeysa Waa Caasimadii Somaliland Waana Bilaa Biyo Waana
Xaruntii Dowlada, Afarta Waaxood Ee Hargeysa Maalinba Mid Ayaa La
Waraabiyaa Biyo Dhaamis Ayaa Ka Socda Haddii Aad Muwaadin Tahay Ka
Jawaab Sababta?
3-Somaliland Waa Dal aan Caalmka
Citiraaf Ka Haysan Sidoo Kalena Dagaal Ugu Jirta Siddii Ay U
He lli Lahayd, Wadada Keliya Ee Lagu Helli Karaa Waxay Ahayd In
Indhaha Caalamka La Soo Jiito Door asho La qabto Dalka La
Furfuro, Riyaale In Somaliland La Ctiraafo Wuxuu Ka door Biday Innuu
Kur siga Ku Fadhiyo, Su’aashu Waxay Tahay Madaxwaynuhu In uu Kursiga
Ku Fadhiyo Oo Somaliland Baabado Iyo In Uu Doorasho Qabto Oo
Somaliland Horumar Gaadho Keebuu Jecel Yahay?
4-Haddii Uu Riyaale Dareen Wadaniyadeed
Leeyahay Muu Noqdeen Mid Cadowga Somaliland Saax iib La Ahaada
Sida Ina Cumar Geelle, Su’aashu Waxay Tahay Ina Cumar Geelle
Somaliland Iyo Mad axbanaanideeda Midna Ma Maqli Karo Hadaba
Bal Siddee Ayaa Madaxwaynaheenu Ulla Saaxiibay?
5-Sidda Aad La Wada Socotaan
Madaxwayanaha Iyo Kooxdiisu Waxay Ku Hawlanaayeen Sanadkii U
Danbeeyey Illaa Hada Sidii Ay Beelaha Somaliland Isaga Hor Keeni
Lahayeen, Haddii aad EegtoWixii Ka dhacay Gabilay Ee Xukuumadu Waxba
Ka Qaban Wayday, Illaa Dilkii Foosha Xumaa Ee Ka dhacay Wadada Isku
Xidha Gabilay Iyo Boorame, Dhinac Kale Saraakiishii Ciidanka Oo La
Laynayo Sidoo Kal ena Dililkaas Sarakiisha Riyaale Lug Ku
Leeyahay, Caalamka Laguma Arag Madaxwayne Ciidankiisii Laynaya
Colaadna Abuuraya?!
6- Waxaad La Socotaan In Madaxwaynuhu
Haysto Pasport Jaboutian Ah, In Madaxwayne Dal Dhan Xukumaa Uu Dal
Kale Oo Weliba Cadowgiisa Ah Passpor Waydiisto Waxay Noqonaysaa
Madaxwa ynihii Ugu Horeeyey Ee Sidaa Yeella, Waxayna Muujinaysaa In
Dalka Uu Madaxwaynah ka Yahay Uu Ka Doorbiday Passport Jaboutian Ka
Ah.
7-Madaxwaynuhu Wuxuu U Xidhay Xoolihii
Somaliland Nin Carab ah, Madaxwaynuhu Shacabkii Som aliland
Iyo Bulshadii Somaliland Iyo Dadkii Doortayba Mar Kalena Uu Codka Ka
Doonayey Wuxuu Ka Doorbiday (Percentage) Ka Ninka Carabka Ah Uu Ka
Helayo, Calaamadani Waxay Ina Tusaysaa Ama Idiin Macnaynaysaa
Kelmada Aan Kor Ku Xusay Ee Macaan Jecel Iyo Sida Madaxwaynuhu
Shilimada Uga Jecel Dalka Iyo Dadkaba.
8- Madaxwaynuhu Wuxuu Magacaabay 49
Wasiir Iyo Wasiir Ku Xigeeno,Ulla Jeedada Wasiiradan Faraha Badani
Maha In Wax Dalka Loogu Qabto Ujeedada Keliya Ee Uu Ka Leeyahay Waa
In Ay Laba Xaaladood U Adeegaan. (1) In Ay Dhaqaale Ururiyan Jeebka
Riyaalena Ku Soo Shubaan(2) Iyo In Wasiir Waliba Reerkooda U Jawaabo,
Marka Qof Beeshiisa Kamid Ahi Riyaale Dhaliilo In Uu Jawabka Bixiya
Taasina Waa Sumada Iyo Sowraca La Yidhaaho (divide And Role) Iyo
Weliba Isku Dir Oo Ka Faa’iidayso.
9-Madaxwaynuhu Wuxuu Ka Xishoon Waayey
2% Kii Gobolada Bariga La Yidhi Halagu Hore Mari yo,Gaar Ahaan
Gobolka Sool Illaa Iyo Maantana Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Dhigtay Lama
Hayo Oo Aan Ahayn In Ay Jeebkiisa Gaarka Ah Ku Dhacday.
10-Xukuumada
Madaxwayne Riyaale Toddoba Sano Ayay Xilka Haysay Illaa Iyo Maanta
Shacaka Somaliland Gudo Iyo Debad Meel uu Xalada Dalka Kala Socdo
Malaha Sida TV, RADIO, Waxaa Hubaal Ah Haddii Madaxwaynuhu Yahay Mid
Dalka Iyo Dadka U Daacad Ah In Uu Suuro Gelin Lahaa Labadaba Oo
Shacabka Somaliland Na Kaga Raysan Lahaayeen Dhegaysiga Idaacadaha
Ku Caan Baxay Nacaybka Somaliland. Dowladeenu Ma Radio Ama TV Ayay
Awoodi Waydey Mise Inta Ku Baxaysa Ayaanay Quudhayn?
11- Riyaale Wuxuu Sameeyey Koox Ama
Group Mushar Ku Qaata In Hargeysa Oo Caasimada Soma liland Ah
Dadka Laga Sheegto Kooxdaasina Iyaga Oo Awaamiirta Riyaale Fulinaya
Yidhaahaan Har geysa Anaga Ayaa Leh Reer Hebel Ama Hebel Ha
Nooga Baxaan. Waa Calaamadda Isku Dir Adna Ka Faa’iid.
12-Dowladeenu Sanadkii Kastab Waxay
Yidhaahan Beri Ayaanu Bedelaynaa Lacagta Giinbaarka Ahee Burco Laga
Isticimaalo, Illaa Maantana Waad Arkaysaan Oo Lama Bedelin. Taas
Waxaa Ka daran Boorama Oo Ah Magaaladii Madaxwaynuhu Ka Soo Jeeday
Waxaa Laga Isticimaalaa Faranka Jabouti Iyo Birta Ethiopia Tolow
Iygana Madaxwaynuhu Goorma Ayuu Bedelayaa?
Intaa Iyo In Kale Oo Badan Oo Aan La Soo Koobi Karini Waa
Madaxwayanaha Oo Keliya, Marka Madaxwaynihii Ugu Sareeyey Xukuumada
Uu Sidaa Yahay Maxaad Ka Filan Kartaan Wasiirka Isagu Magaacay
Waxaan Filayaa In Wixii Aad Wasiirkiisa Ka Fishaana Ay Ka soo Darnan
Doonto. Waxaynu Qaybta Danbe Ku Soo Qaadan Doonaa Wasiiradiisa Iyo
Wax Qabadkooda.
Cali Kayse Kabadhe
The
Netherlands
Calikayse@live.com |
|