Somaliland Ololihii Doorashada oo Gebagebo ku dhow Ba rnaamijkii Xisbiga Udub laga Sugaayey oo isu Bedelay Durbaan Qabyaladeed Iyo …………

Barnaamij la,aanta .. ayaa taageerayaashooda ku noqotay niyab jab iyo arin damqasho.... inaaan umadda loo hayn Barnaamij siyaasadeed oo lagu doorto...beddeleen barnaamijkoodii siyaasadeed mid Qabyaalad ku salaysan... ..inay umadda ay taageero kaga helayaan  hadal ada qayaxan ee qabyaalada iyo nacaybkuba buuxshay.....

Tolaayeey kula dhex dhaceen Beelaha ay ka soo jeedaan, iyagoo xusay in halkii ay barnaamij dadka cod kaga dooni lahaayeen ay qabiil cod ku raadinayaan, shicibka Somaliland ee  xalaas ha ah, ayaa ka diiday in lagu qaybiyo Tolaayeey iyo Qabyaalad Udub kursi danbe ku  doonaay saa ay durbaankeeda soo tunto.......


Shacabka Somaliland waxa ay maanta diyaar u yihiin Isbedel dhab oo saameeya Bulshadani ay ragaadisay Musuqmaasuqa iyo Beenta badan.........waxaana ay umaddu u baahantahay Siyaasiyiin imaan-qabta oo Qabiil ka saraysa


Shacabka iyo Bahdda Warbaahinta Somaliland Salaan sharaf huwan ayaan u soo tebinayaa meelkasta oo ay joogaan.,Waxa aynu ka dharagsanay in lagu jiro wakhti kala guur ah oo ku salaysan Ololaha Doorashada inagu soo fool leh Afar (4)maalmo ka dib. Waxa xusid mudan in Xisbi waliba uu leeyahay Barnaamij Siyasadeed Iyo maalin u gaar ah Ololihiisa Siyaasadeed, Hadaba iyadoo sidaa ay tahay ayaa ilaa hadda Xisbiga talada haya ee UDUB aanay laga  Hay n wax ku saabsan Barnaamijkoodii siyaasadeed, halka labada Xisbi ee kale KULMIYE iyo UCID ay iyagu u soo bandhigeen shacabka barnaamjiyadoodii siyaasadeed ee ay dalka ku  hoggaa min doonaan hadii ay talada ku guulaystaan.

Barnaamij la,aanta Udub ayaa taageerayaashooda tirada yar ee ku noqotay niyabjab iyo  a rin damqasho oo horseeday inaaan umadda loo hayn Barnaamij siyaasadeed oo lagu doorto, Waxaana uu noqday xisbiga kaliya ee ila hada aan soo bandhigan qorshihiisa siyaasadeed ee uu dalka ku hogaaminayo mudada shanta sano ee soo socota.

Sidaa daradeed Halkii laga sugaayey Xisbiga Udub barnaamij siyaasadeed oo lagu doorto  ay aa cakiskeedii noqotay in Xisbiga UDUB ay ku beddeleen barnaamijkoodii siyaasadeed mid  Qa byaalad ku salaysan, iyaga oo ku Riyoonaya inay umadda ay taageero kaga helayaan  Hadal ada qayaxan ee qabyaalada iyo nacaybkuba buuxshay.

Khudbadihii ay ka akhriyeen Masuuliyiinta Xisbiga Udub ama Fagaarayaasha ayey ka  cadeey een , Musharaxa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin socdaalo ku saabsan ololaha doorashada Madaxtooyada la xidhiidha oo ay ku tageen Gobolada Awdal Iyo G/Gabiley, Tolaayeey kula dhex dhaceen Beelaha ay ka soo jeedaan, iyagoo xusay in halkii ay barnaamij dadka cod kaga dooni lahaayeen ay qabiil cod ku raadinayaan, shicibka Somaliland ee xalaasha ah, ayaa ka diiday in lagu qaybiyo  Tola ayeey iyo Qabyaalad Udub kursi danbe ku doonaaysaa ay durbaankeeda soo tunto.

Magaalo Madaxda G/Awdal ayaa musharaxa Madaxwaynaha Udub oo Halkaasi ka sheegay  u na Sheegay dadweynaha G/Awdal in ” Maanta ay haysataan mansabkii ugu sareeyey  Somal iland , uuna u sheegay in ay ilaashataan , Marwada Madaxweynaha Somaliland Huda  Barkh ad Aadan,ayaa iyaduna halkaa ka hadashay, ayaa dadka reer Awdal u sheegtay in ay  maan ta taagan yihiin halkii dalka ugu sarraysay, si ay halkaa u taagnaadaana, looga baahan  yah ay inay reer Awdal codkooda siiyaan Xisbiga UDUB.

Madaxweyne K/X isla markaana mushraxa xisbiga Udub ee isla M/K/Xigeenka Mudane, Axm ed Yusuf Yasin ayaa isaguna u sheegay dadweynaha Gebiley inay Qabiil difaac ugu noqdaan , arintaas oo dadku ay la yabeen ,isku soo duuboo waxaan odhankarnaa maanta  musharaxii ntii Xisbiga Udub oo qaatay Durbaan Qabyaaladeed.

Waxaa iyaduna Maalmahan ay Udub cadaadeystay in ay Musharxiinta Xisbiyada Mucaaradka ku xidhiidhiyaan in ay Ururada Argigixisada Somaliya , taas oo ay shacabku inta dhegaystay ay ugu dareereen fagarayaashii ay kalmadahaasi kaga dhawaqayeen.

Hadaba xisbiga talada haya ee Udub oo isagu ah xisbi hagraday shacabkiisa intii uu talada  h ayay ama ay dadku ka sii jeedaan ayaa rajada kaliya ee uu lahaa ay ahayd inuu dadka tuso yididiilo iyo rajo uu mustaqbalka ugu balan qaadayo waxa cusub ee uu ku soo kordhinayo  sh acabka iyo waxa uu ka beddalyo siyaasaddiisii hore ee ku salaysnayd fadhiidnimada, Qabyaa lada , Iibinta hantida ummadda, ku tumashada shuruucda dalka, caddaaladda darada, shaqo la’aanta iyo urursiga hantida ummadda, taas oo noqon lahayd mida qudha ee dadka tuhun galin lahayd.

Haddaba, Taas ayaa keentay in sababta rasmiga ah ee keentay in xisbiga Udub uu ololaha  d oorashada ku galo barnaamij la’aan.Arimahaas oo dhan ayaa Udub ku dhaliyey ama ay si  we yn uga walaacsan tahay sida dadka ay uga heli lahayd taageero taasina ay ka dhigayso mid dhab ahaan ay fahansan yihiin in aanu jirin wax weyn oo dadka codka bixinayaa Udub ay ka filato, marka ay ku keliftay in ay uga doc wareegaan meel kasta Sida Qabyaalada ay ololaha ka dhigteen ....

Haddaba ugu danbeyn shacabka S/land waxaan kula talinayaa Udub way ka shubtay Oo Daa d baa qaadaye ee ka Cunna oo ka Codeeyya Unna Coddeeya Xisbiga kulmiye oo ah  Waxgar adkii iyo Aqoonyahankii dadka S/land ugu daacadsanaa oo Xisbiga Kulmiya uu isugu tegay.

Shacabka Somaliland waxa ay maanta diyaar u yihiin Isbedel dhab oo saameeya bulshadani ay ragaadisay Musuqmaasuqa iyo Beenta badan , waxaana ay umaddu u baahantahay  Siya asiyiin imaan-qabta oo Qabiil ka saraysa., Waxaana aan hubaa in Xisbiga kulmiye ka Rumayn doono Hamiga iyo jidkii horumarka Somaliland hadii ay ku guulaystaan Talada Dalka.

Dadweynaha Somaliland waxaan leeyahay Massiirkiinna Maaanta Foodkaa ayaad ugu hiilin  k artaanna Ugu hiishha, ka coddeeyya ..Garaad xumaha, Jahligga Qaawan, Aqoondaradda, Mus uqmaasuqa, iyo wixii la Halmaala u coddeeya mustaqbalkiina Xisbiga Kulmiye si aynu u  gaad hno Nolol iyo Mustaqbal.

Waxaa aan shaki iga jirin in Doorashadaasi 26 June ay si weyn uga duwanaan doonto kuwa hore oo ina soo maray.


-ALLAA MAHADLEH-


Somalilland Guul Guul Guul .
 

 

 

By: Mubaarik Yusuf Elmi (Bidhi), UK
daallo1970@hotmail.com