“Ummadeenu Hada Way Kala Qaybsan Tahay, Waxaana Kala Qaybiyey Saddexdan Xisbi ,Wax Ka Badan Ma Qaadi Karno”Abwaan Hadraawi

 


Hargeysa, March 17, 2011 (TNN) – Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa aragti diisa ku wajahan furista ururadda siyaasada ka hadlay, waxaanu sheegay in wakhtigan dalku aanu qaadi karin ururo Siyaasadeed, taas oo ku tilmaamay inay shacbigu ku kala qaybsami doonaan ur uro horleh oo la furo, isaga oo xusay in saddexdii xisbi ee Kulmiye, Udub iyo Ucid ay shacbiga re er Somaliland markii hore-ba kala qaybiyeen, isla markaana haddii ururo siyaasadeed oo kale yima adaan inay bulshada sii kala fogaynayaan.

Abwaan Hadraawi waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan deegaanada  Buuh oodle, taas oo uu sheegay in loo baahan yahay in dhibaatadda halkaas ka dhacday in si dagdag ah looga wada hawlgalo oo nabad laga islaaxiyo deegaanadaas, isaga oo Ilaahay uga baryey in  colaa ddaa uu ka bakhtiiyo.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay  wargeys ka Haatuf khadka Telefoonka Waraysi ku siiyeye isaga oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Abwaan Hadraawi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay dawladda cusubi u baahantaya in wakhti la siiyo, maadaama oo ay muddo kooban xilka haysay, balse ka dib wixii dhaliil ah ee ay la timaado la sheegi doono, isla markaana dedaaladda ay sidoo kale la timaado lagu dhiiri galin doono, ugu  ho rayna Abwaanku isaga oo ka hadlaya aragtidiisa ku wajahan furista ururadda siyaasada, waxa uu yidhi “Marka hore waxa wanaagsan in aynu garano in marka hore aanay tiro badani waxba tarayn, balse ay tayo mihiim tahay, arin-kasta oo laga hadlayaana waa inay sababi jirtaa, hadii aynu u  ba ahanahay in la badiyo ururadda waa in sabab loo sameeyo. Ummadeenu hada waynu ognahay oo way kala qaybsan tahay, waxaana kala qaybiyey saddexda xisbi ee dalka ka jira, Anigu haddii aan ka hadlo fikirkayga in intan wax ka badan aynaan qaadi karayn, waxaanay noqonaysaa in  majar ahii laga baydho sababta oo ah saddexda xisbi ayeynu dirqi ku qaadnay markaa waxaan anigu ku talin lahaa in aynaan culays kale sii saarin dalkeenan yar ee aan dhaqaalaha badana lahayd. Maadaama oo aynu nahay dalyar oo iska kooban dhaqaale wayna aan haynin waxa haboon inaynu talada rog rog oo aynaan ummada culays kale sii saarin”.

Isaga oo arinta ururadda ka hadlaya waxa uu intaa ku daray Abwaan Hadraawi “Anigu waxaan  qa baa hadii ay jiraan ururo kale oo dalkan uga wanaagsan kuwan hada jira in la eego iyagana, laakiin hadii ay la mid yihiin sadexdan hada jira oo kolba labada kale aanay dhaliisha ka markaa talinaya aanay eegeyn, waxaan aamin-sahay murtidii ahayd talo aan la ruugin waa lagu rafaadaa, markaa arimaha yaan la ilduufin ee ha laga fiirsado marka wixii dalka dani ugu jirto halagu dhaqaaqo”.

Abwaan Hadraawi mar uu ka hadlayey sida uu u arko isbadalka dalka ka dhacay iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin dawladan cusub iyo tii Rayaale, waxa uu yidhi “Anigu waxa aan aamin-sahay in dawladdan cusub sababta loo doortay ay tahay saluug ka yimid xukuumadii hore ee dalka ka talinaysay 8 –da sanadood, waxaana iswaydiin leh xisbiga maanta talada hayaa miyuu ogsoon yahay sababtaas in lagu doortay? Inkasta oo aanay xukuumaddan cusub joogin wakhtigii wax laga sheegayey oo ay dalka maamulaysay mudo aad u kooban, hadana waxaan anigu qabaa hadii aanay waxba soo kordhin anagu khaladkeeda iyo saxdeeba waanu sheegaynaa, markaa waxaan qabaa in marka hore aynu dawladda wakhti ku filan siino, markaa waxay gasho iyo waxay gudo-ba way soo bixi doonaan. Hadii ay waxba dalka u qaban waydo xukuumadda cusubi waxa u taala tii u ooli jirtay dawladii ka horaysay”.

Mar uu ka hadlayey siyaasada arimaha dibada, waxa uu yidhi “Hadii ay jiraan horumar laga  samee yey xaga khaarajiga way ku mahadsan tahay dawladu, inagana waxa inala gudboon hadii  xukuum addu la timaado dadaal in la sheego oo lagu dhiiri galiyo hadii ay dib u dhac la timaadana in la  shee go oo sidii xukuumadii hore-ba loo sheegayey khaladkeeda iyo saxdeeba in loo sheego, inkasta oo aanan anigu siyaasada aanan u dhuundaloolin hadana waa in khalad iyo saxba la sheego. Waxaanan ku celinayaa oo aan aaminsanahay wali may gaadhin dawladu xiligii la dhaleecayn lahaa, markaa waa in aynu wakhti aynu ku qiimayno siinaa”.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi mar wax laga waydiiyey xaaladda deegaanada Kal shaale iyo sida ay ula muuqdaan colaadaha ka taagan deegaankaas, waxa uu yidhi “Ilaahay  waxa an ka baryayaa inuu dabkaa Kalshaale inaga bakhtiiyo, oo uu beelaha walaalaha ah ee  deegaan kaas wada daga uu bogooda burcad isku mariyo, dabka halkaas ka holcayna waxa haboon in loo guntadda in halkiisa lagu bakhtiiyo, maxaa yeelay waa dab oo hadii aan halkiisa lagu bakhtiin wuu fidaa oo meel walba wuu soo gaadhayaa. Run ahaantiina waynu ogayn oo dirirta bakhtiinteeda looma yaraysan, oo waxaynu ogayn ay Kalshaale iskugu tageen labeentii dadku, oo ay halkaas u tageen sidii loo soo afjari lahaa dhibtaa ka dhex dhacday dadkaa wada dhashay. Mida hada jirtaa waxay la odhan karaa colaada hada deegaankaa ka jirtaa Ishinkeedii ayaanay gaadhin, had iyo jeer marka la rogmado ee dhib baaxad lihi dhacdo, markaasay dadku wada baraarugaan oo talo la iskugu yimaadaa oo ay fududaataa in la heshiiyo, markaa wali hadii aanay wali dhinacna u dhicin waxay noqonaysaa sheekadii Qabaalka ee la yidhi Qabaalku kabis lahaayee oo ka tagis lahaayee, anigu waxaan xasuustaa ummadeenii hore waa loo yar kaadin jiray oo markay labadii dhinacba dareemaan dhibta colaada oo ay leeyihiin waar tolow yaa idin soo kala dhexgala oo idin kala qabta ayaa arinta la gali jiray, ugu danbayn waxaan soo jeedinayaa in arintaa wadadeedii loo maro oo dabkaa halkiisa lagu bakhtiiyo”.
 

 

Source: Haatuf