War Saxaafadeed: Universal TV oo caadaystay xaqiraada taariikhda dalka SomalilandUniversal TV oo caadaystay xaqiraada taariikhda Jamhuuriyada Somaliland

 


London (TNN)-Ka dib barmaamujyo sadix ah oo kiisii ugu dambeeyay xalay lagasoo daayay TV-ga Universal, waxa xafiiska urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community soo gaadhaysay  cab ashooyin tira badan oo dadka reer Somaliland ka tirsanayaan TV-gaas. Saaka oo qudha  (01/07/2010) waxa xafiiska ururka kasoo hadlay dad ka badan 50 qof oo dhammaantood aad uga cadhaysan fadeexadii xalay ka dhacday barmaamujka Xogwaran.


Wuxu ninka Nadaaro la yidhahdo barmaamujka Xogwaran u samaystay innuu ku xaqiro  taar iikhda iyo jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland. Waxa muuqata in Nadaaro iyo badiba  shaqaal aha TV-gaas aanay garanayn taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo guud ahaan ta geeska Africa-ba. Sidaa daraadeed waxay dadka reer Somaliland ku tahay ku tumasho markuu  maa mulka TV-gaasi Nadaaro usii daayo innuu ka hadlo mawduuc aanu aqoon u lahayn amma soo baadhin-ba.


Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu usoo jeedinayaa maamulka TV-ga Universal inay si dag-dag ah talaabo uga qaadaan wariye ku sheega Nadaaro, isla  marka ana raali galin ka bixiyaan sadixdii barmaamuj ee xogwaran ee sida cad loogu xaqirayay  jirit aanka iyo taariikhda dalka Somaliland, cayda iyo aflagaadaduna dheeraadka u ahayd. Waxa kaloon Unversal TV usoo jeedinayaa inay bartaan taariikhda gaarka ah ee Jamhuuriyada  So maliland. Waxaanu maamulka TV-gaas xusuusinaynaa in Somaliland marnaba ka mid noqon dal la yidhahdo Somalia ee ay Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Somalia 1-dii July ee 1960-kii ku midoobeen dal la odhan jiray “Somali Republic” amma “Jamhuuriyada  Sooma aliyeed”, dalkaas oo baaba’ay 18-kii May 1991 markii Jamhuuriyada Somaliland go’aansatay inay ka baxdo midawgaas.


Dhinaca kale waxaanu Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland usoo jeedinaynaa inay talaabo dag-dag ah ka qaado Unversal iyo guud ahaan saxaafada reer Somalia ee ka tabinaya  wara rka gudaha dalka Somaliland. Taariikhdu waa salka amma seeska qaran walba oo jira sidaa daradeed maaha in qaranka Somaliland ka yeelo reer Somalia inay u yeedhiyaan  taariikhdo oda oo ay been ka sheegaan.


Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu dadwaynaha reer Somaliland ee ku dhaqan UK u sheegaya innuu darsayo dariiq sharci ah oo TV-ga Universal lagula tiigsan karo sharciga dalkan UK u yaala ee xagga saxaafada.



Ciddii rabta inay mawduucan nagalasoo xidhiidho waxay nagalasoo hadli karaan talafoonka ah 0208 848 1180 amma emailka ah: wlondonsomalilanders@gmail.com



Wa bilaahi tawfiiq,



Iid Xasan Aw Muuse,
Agaasimaha West London Somaliland Community