Dhallinyarada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Aust ralia oo maanta deeq lacageed soo gaadhsiisey hayada wadaniga ah ee ODHA



Hargeysa (TNN)- Qaar ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Australia , ayaa Maan ta ku wareejiyey deeq lacageed ururka waddaniga ah ee ODHA. Deeqdaas lacageed oo ay ugu tallogaleen inay kaga qaybqaataan dhismaha xarunta darbi-jiifka la soo samaynaayo oo ay gacanta ku hayso ODHA.
Fu’aad Cadaani Yuusuf oo ka mid ah dhallinyarada qurba-jooga Waqooyiga dalka Australia , ayaa Maanta isagu ku wareejiyey lacag dhan $740 (toddoba boqol iyo afartan dollar) Luul Xasan Mataan oo ah madaxa xuquuqda dumarka iyo carruurta ee ODHA.


Munaasibada ay kula kala wareegaayeen oo ka dhacday xafiiska ODHA, ayaa waxa ugu horreyn ka  hada shay madaxa xuquuqda carruurta Marwo Luul Xasan Mataan, ayaa si qoto-dheer uga warrantay  marxala dihii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha xarunta loogu talogalay darbi-jiifka iyo duruufaha nololeed ee ku gadaaman darbi-jiifka, iyadoo sheegtay in dhulka dhismaha ah ee loo dhisaayo uu bixiyey Maayirka caasimada Hargeysa, deyrkana ay sameysay shirkadda Dahabshiil, shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom iyo gacansatada yaryar oo iyaguna ka qaybqaatay.


Waxa kale oo ay xustay Marwo Luul in aanay ganacsatada waaweyni gebi ahaanba wax qayb ah ka  qaad an sidii carruuta darbi-jiifka ah loogu dhisi lahaa xaruntan, iyadoo tilmaantay in ujeeddada loogu talogalay dhismahani ay tahay sidii loogu daryeeli lahaa, waxna loogu bari lahaa carruurta, waxaanay u  mahad  celi say dhallinyarada deeqda lacageed soo gaadhsiisay ee ku dhaqan dalka Australia oo ay sheegtay inay abaalkooda ka heli doonaan Illaahay.


Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Fu’aad Cadaani Yuusuf oo ka mid ah dhallinyarada iska soo uruurisay deeqdan lacageed, ayaa sheegay in aanay ahayn deeqda ay sidaan lacag badan, balse uu u yimmi in uu ogaado xaqiiqada baahida ka jirta xarunta darbi-jiifka, isagoo si weyn ugu mahadceliyey ururka ODHA iyo cidkasta oo ka qaybqaadatay sidii darbi-jiifka loogu heli lahaa hoy ay galaan, isagoo ballan-qaaday in uu marka uu dib ugu noqdo wadankii uu joogay ay gacan weyn ka soo gaysan doonaan taakulaynta  carruu rta darbi-jiifka.


Waxa kale oo ugu dambayntii halkaas ugu mahadceliyey dhallinyarada qurba-jooga Yuusuf Xasan Jaamac oo ka mid ah sarakiisha ODHA, ayaa tilmaamay inay tillaabo ku dayasho mudan, bulshada reer Somaliland-na ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhamaystirka xarun lagu daryeelo carruurta darbi-jiifka.

 



Cabdale maxamed axmed
Hargeysa somaliland
cabdale@gmail.com