Hargeisa: Unugga Wadaniyada Somaliland oo Xalay Munaasibad La isku Arkay ku Xusay 18-may

 

Waxaa kale oo Madasha lagu soo bandhigay Riwaayad Loogu Magac Daray “Dhididkoo la huruu Dhulka hooyo Rabaa

Hargeisa (TNN)-Unugga wadaniyadda Somaliland ayaa Xalay ku Qabtay Hotel Maansoor  xafl ad balaadhan oo lagu xusayey Munaasibadda Sanadguurada 19aad ee ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshadii Xoriyada Somaliland ee 18-ka may.

Xafladdaasi oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay  mad axda Xisbiyada Qaranka Somaliland, Maamulka iyo Xubnaha Unuga Wadaniyada Somaliland, Ard ayda Dugsiyada Sarre ee Hargeisa, iyo Dhalinyaro aad u Tiro badan oo ku labisan Calanka  Jam huuriyada Somaliland.

Gudoomiyaha Unuga Wadaniyada Somaliland Sayid Ibraahin Axmed oo Furitaankii Xafladaasi  ha dal kooban ka jeediyay ayaa ka waramay Ujeedooyinkii loo aasaasay Unuga wadaniyada  Somali land iyo Waxyaabaha uu qabto oo uu xusay inay Ugu wayntahay Fahansiinta Dhalinyarada  Som aliland wadaniyadu Waxa ay tahay, waxaa kale oo uu sheegay in fikirka Aasaaska unnugu  Dha shay Qarixii hargeisa ka dhacay ka bacdi.
 
Gudomiyaha unugu waxa uu Aad ugu dheeraaday Wadaniyada iyo Qiimaha ay leedahay isaga  s heegay inay Soo dhawaynayaa Seddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo mowqifkooda ay ka taa ganyihiin jiritaanka Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaaku daray in uu ururkoodu doonayo inay arkaan siyaasiyiinta iyo  aqoony ahanka ilaa xisbiyada Somaliland oo ku midoobay isla markaana u istaagay hormarka iyo  qadiya dda Somaliland.

Gudoomiye ku Xigeenka Unuga Wadaniyada Somaliland Khadar ibraahin C/laahi oo isagu  halkaa si ka hadlay ayaa Faahfaahin ka bixiyay Wadaniyada iyo Qiimaha ay ugu Fadhido umadda Reer Somaliland balse waxaa uu sheegay in aanay dadka badankiisu fahansanayn Wadaniyada iyo waxa ay tahay.

Gudoomiye ku Xigeenka Wadaniyadu waxa uu intaa ku daray inay maanta dalka Somaliland  ku soo badanayaan dadka aanu dhalan Somaliland gaar ahaan Qoomiyadda Oramada oo maalinba maalinta ka danbeysa kagasoo badanaya Gudaha Somalilan iyagoo aan la garanayn sifaha ay marka hore kusoo galaan iyo waxa ku joogaan marka dambe toona., Waxaanu aad ugu dhiiri  ga liyey dadkii kasoo qaybgalay xafladdaasi iyo guud ahaanba umadda reer Somaliland inay  ilaas hadaa dalkooda hooyo haday noqon lahayd nadaafadda iyo si kale haday noqon lahayd  labada ba.

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagu halkaasi ka ha dlay ayaa wax laga murugoodo ku tilmaamay Talaabadii Madaxwayne Rayaale ku joojiyay  Xus ka 18-ka may ee laga Xusi jiray Somaliland, isaga oo Sheegay inay Badalkeedii ka heleen  Xafla dan Qiimaha Badan ee unuga Wadaniyadu soo qabanqaabiyeen, taasi oo uu ku tilmaamay inay kaba Wanaagsantahay Tii Madaxtooyada Lagu Qaban jiray.

Waxaa isaguna Madashaasi Hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Siyaasada Xisbiga Udub  Cu mar Jaamac Faarax oo soo Dhaweeyay Dhalinyarada Unugga Wadaniyada Somaliland iyo  kaalin ta Fiican ee ay kaga Jiraan Bulshadda Somaliland, waxaa kale oo uu Xusay inay Xisbi ahaan Soo Dhawaynayaan Dhalinyaradaasi Sida Fiican u fikiraysa.

Cumar jaamac Waxa kale oo aad uga Hadlay Wadinayada iyo heerarkeeda kala duwan, waxaan u amaan usoo jeediyay Dhalinyarada reer Somaliland ee iskood isku xilqaamay, Wadankoodana wax uqabanaya.

Marwo Faadumo Siciid oo ka mid Aqoonyahanadda Reer Somaliland oo iyana madashaasi ka  ha dashay ayaa Sheegtay in Xooga intaa leeg ee Xalay Xafladaasi isugu yimi ay soo Abaabuleen Dhalinyarro aad u firfircoon, oo ay ku Tilmaantay inay Yihiin Geesiyaal u soo kacaya wadanka  s omaliland, Faadumo waxaya aad uga hadashay qiimaha wadaniyada.

Xafladan oo aan hore Nooceeda Loogu Qaban Hargeisa ayaa ahayd mid Si heersare ah loo soo Qabanqaabiyay, Dadwayne Tiro badan oo ku jeeni qaaran Calanka Somaliland ay ka soo qayb galeen, Waxaa Madasha lagu soo Bandhigay Ciyaaro kala Duwan oo ay Daadihinayeen Ururka Hidaha iyo Dhaqanka Socsa oo ay horkacaysay Gudoomiyaha ururkaasi Khadra kaliil Cabdi, wax aa kale oo Madasha lagu soo bandhigay Riwaayad Loogu Magac Daray “Dhididkoo la huruu  Dhu lka hooyo Rabaa” Ruwaayadaasi oo ka Hadlaysay Qiimaha Wadaniyadu leedahay oo uu alifay Abwaan C/risaaq maxamed Muuse (Hirgal).
future
Waxaa isaguna Heeso Wadaniya Madashaasi ku soo Bandhigay Fanaanka Wayn ee Nuuradiin  A xmed iimaan, kuwaasi oo uu kaga qayb qaadanayay Dabaal dega Sanadguurada 19aad ee Qara nimada Somaliland.

 



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Timacade News Network TNN  
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com