Tariikh:14/01/2012


Sumad: 20613012012

Baaq ku waajahan go’aamada ka soo baxay shirka Taleex

Ku: Xukuumadda Somaliland
Og:Goleyaasha kale Dowladda
Og: Xisbiyada Qaranka JSL

Ururka kulmiya jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE) waxa uu dareen weyn ka muujinayaa isimada iyo ergooyinka kala duwan ee Taleex qalinka ku duugey sameynta maamul goboleed, kaasoo la filayo inay si rasmi ugu dhawaaqaan.

Tan iyo intii lagu gudo jirey u diyaar garowga kulanka, ururweynaha SSE dareen weyn ayuu ka qabay shirkan iyo halka uu ku soo biyo shuban doono, laakiin maadaama loo dhigey in kulanku la xidhiidho arrimo dan u ah bulshada deegaankaa deggan iyo horumarkeeda, waxa uu ururweynaha SSE u arkayay arrimo waxtar u ah bulshada deegaanka.
Hase yeeshee shirkii wuxuu isu rogey mid siyaasadeed isla markaana ergooyinkii madasha ka soo qayb galey waxay isku raaceen in maamul goboleed la sameeyo. Ururka SSE waxa uu baaqan ku muujinayaa in la gaadhey wakhtigii lala iman lahaa istaraatajiyad cad oo lagu xakamaynayo arrimaha iyo go’aamada ka soo baxay shirkan Taleex.

Sida aynu la wada soconno Jamhuuriyadda Somaliland midnimadeeda iyo qaranimadeedu waa mid salka ku haysa taariikh adag oo aan mugdi iyo shaki la gelin karin isla markaana dhidibadeeda iyo aasaaskeeda dib loo adkeeyay markii dhammaan beelaha Jamhuuriyadda Somaliland ay si wadajir ah qalinka ugu duugeen markii la isugu yimid kulanweynihii Burco ee mar labaad lagula soo noqdey qaranimada iyo jiritaanka Somaliland sannadkii 1991(kii) iyo shirweynihii Borama oo lagu soo afjarey wixii qabyada ka ahaa kulankii ka horreeyay.

Go’aamada ka soo baxay kulankan Taleex waa qaar siyaasi ah isla markaana si buuxda uga hor imanaya jiritaanka Somaliland iyo weliba wada jirka iyo is-huwanaanshaha beelaha Jamhuuriyada Somaliland wada degan ee ay ka dhaxeyso danta iyo wada noolaanshuhu.

Go,aamadani waa qaar horseedi kara shaki iyo tafaraaruq ay dhiiri gelinayaan in badan oo ka mid ah cadowga Somaliland oo ka dhan ah guulaha iyo waxyaabaha ay Somaliland qabsatey muddada labaatanka Sannadood ah.
Kulankan Taleex run ahaantii waa mid dhagar iyo khiyaamo ay ku jirto isla markaana la rabo in Somaliland la wiiqo siyaasaddeeda ku salaysan nabadda iyo wada-noolaanshaha beelaha ku dhaqan Somaliland . Sidoo kale arrinkani waa mid aan sinaba dan ugu aheyn dhinacyada kulankan qabsadey, balse keeni kara jaahwareer iyo xasilooni darro haddii aanu shaqeyn garaadka fiicani.


Ururweynaha SSE waxa uu ku talinayaa:

- In xukuumadda Somaliland ay mawqif adag iska taagto go’aamada siyaasadeed ee ka soo baxay kulanka Taleex isla markaana lala yimaaddo istaraatajiyooyinkii iyo tabihii xal u noqon lahaa go’aamadan ay ka muuqato degdegga iyo mas’uuliyad darradu.
- Ururka SSE waxa uu xukuumadda, golayaasha kale ee qaranka iyo dhammaan asxaabta qaranka ka codsanayaa in arrimahan ka soo baxay Taleex ay noqdaan qaar lagu wada eego aragti isku mid ah iyadoo laga duulayo midnimada ummadda Jamhuuriyadda Somaliland oo la’aanteed aanay suuro gal aheyn in qaranka Somaliland uu noqdo mid si fiican u hana qaada.
Ururweynaha SSE waxa uu ka codsanayaa dhammaan shicibka reer Jamhuuriyadda Somaliland meel ay joogaanba in laga hor tago waxyaabaha sabab u noqon kara khilaaf dhaawac u horseeda nabadda ay maanta Somaliland dugsanayso. Waxa loo baahan yahay in caqliga fiicani uu shaqeeyo oo dhammaanteen aynu si wada jir ah ula nimaadno mas’uuliyadda ku aaddan in si fiican loo wada ilaashado nabadda iyo xasilloonida ka jirta Somaliland .
- Ururka SSE waxa uu si gaar ah codsi ugu soo gudbinayaa dhammaan ergooyinka ku shiraya kulanka Taleex ee ay ka mid yihiin isimada, garaadyada, culumada, waxgaradka, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee ka socda beesha. Waxa aannu si xushmadi ku jirto idiinka codsanaynaa in la isla fahmo danta guud ee ka dhaxeysa bulshoweynta Jamhuuriyadda Somaliland oo ay u horreyso ilaalinta xasilloonida iyo nabadda ay aadku ugu baahan yihiin jiilka maanta jooga iyo ka soo socda.
- Ururka SSE Waxa uu idinla garab taagannahay hiil haddii ay jiraan arrimo u baahan in la xaaleeyo oo u baahan in si heer qaran ah looga wada hadlo, laakiin waxa iyaduna aad iyo aad muhiim u ah in laga diktoonaado wax dhaawacaya qaranimada iyo gooni isu-taagga Somaliland oo ah barta ina kulmisa oo iyadu aan gorgortan gelin.
Guud ahaan ururka SSE waxa uu taageersanyahay in la xaaleeyo wixii tabashooyin ah ee ka soo yeedhaya bulshooyinka ku dhaqan darafyada Somaliland, taasoo xalka keliya ee lagaga gudbi karaa ay tahay adeegsiga habka ama qaabka ay cadaaladeenu u shaqeynayso.
Ururka SSE waxa uu si guud u waadixinayaa in laga diktoonaado dabinka maanta Somaliland ay la damacsan yihiin cadwoga Somaliland ee tirada badan, taasoo hubka ama qalabka aynu u haysanaa uu yahay ilaalinta midnimada Somaliland iyo qaranimada Somaliland oo ah ta udub dhexaadka u ah xeerarka ay Somaliland ku dhisan tahay.


Ilaahay xaqa ha ina wada garansiiyo;
Aamiin!


Alle ayaa mahad leh,

Cabdiraxman Cabdullahi Jibriil Guddoomiyaha Dallada SSE
Fathia A. Sheekh Muse Guddoomiye Xigeenka Dallada SSE
Maxamed Bashe Xaaji Xasan Xooghayaha iyo dhaqaale hayaha SSE

44 7930 655 099 Email: mohamedbashe@yahoo.co.uk

 

 


[1] SSE is a network organization for Somaliland Diaspora organizations from across Eu rope. Drawing on the Diaspora resources and expertise, SSE aims to contribute to the cultural, economic and social development in Somaliland.