Dhamaan Ururka suxufiyiinta Gobolka sanaag ee Sanaag Media Group ayaa camabaareeyey tacdiyda caga juglanta iyo xadhga lagu la koco saxaafada xorta ah iyo takale

 



Ceerigaabo(TNN)- Dhamaan Ururka suxufiyiinta Gobolka sanaag ee Sanaag Media Group ayaa  camab aareeyey tacdiyda caga juglanta iyo xadhga lagu la koco saxaafada xorta ah iyo takale, kulan ay ku yeesheen xafiiskooda magaalada cerigaabo ay cambaarayn u soo jeediyeen Xukuumada  Madaxwey ne Siilaanyo oo mudoyinkii u danbeeyey tacdiyo ka dhan ah. kula kacday qaar kamida warbaahinta sida,  Gudoomiyaha Ururka Suxuiyiinta ee Gebilay, Nimcaan Dheeg Ibraahin, oo ilaalada Badhasaabka Gobolkaasi u geystay jidh dil iyo xadhiga Agaasimaha Wargeyska Madax banaan ee Waaheen.

Sidoo kale waxay sadhiga booliska magaalada Burco ku xidhay Wariye Mustafe Cismaan C/raxmaan (Teacher) , waxana ay sheegeen in xilig Xisbiga kulmiye ku jiray oloihiisa doorashada ,aqalka madaxto oyada ay saxaafada xor tahi la soo halgantay. Waxaan ay sidoo kale xuseen in xukuumadii hore ee m adaxweyne Rayaale ay mar ka hor timi saxaafadu oo lagu wada  hur guftay.
 

Gudoomiyaha Ururkaasi C/laahi Xuseen Darwiish, oo kulankaasi kahadlay ayaa sheegay in ay dhama an Saxaafada reer sanaag ay ka xun yihiin tacadiyada lagula kacay Saxaafada, waxaana uu uga dig ay xukuumada madaxwyne Siilaayo inay ka digtoonaato ,oo ay joojisana tacdiyada lagu la koco saxaa faada.


Waxaa iyguna madashaasi dhamaan tood ka hadlay Xubnaha kala ah :


-Gudoomiye:Kuxigeen :C/risaaq Xaji Axmed
-Afhayeenka:C/rashiid :Xasan Cabsiiye
-Khasnajga :Cali Aadan Daahir
-Xoghayaha :C/risaaq Yusuf Cali
-Agaasimaha:C/naair Khaalid Siciid

oo dhammaan toodna si mug leh u wada canbaareeyey

 

 


C/Nassir khalid
Timacade News Desk
Ceerigaabo,Gobolka Sanaag