WAR SAXAAFADEED

 

 

Date: April 16,2011

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta ku qaabilay xarunta Madaxtooyada, Wafti balaadhan oo ka socda kooxda labaad ee la dagaalanka budh-cad badeeda ee heer caalami.

Waftigan oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Kooxda labaad ee la dagaalanka budhcad badee da Caalamka Mr. Thomas Winkler iyo laba xubnood oo kala ah Anne Marie Agaasinka bariga Afri ca ee UNDOC iyo Shamus Mangun la taliyaha dhinaca xeer ilaalinta ee UNDOC.

Socdaalka waftigan ayaa daba socday wafti hore u yimid dalka Somaliland oo uu hogaaminayay u qaabilsanaha qaramada midoobay ee la dagaalanka budh-cad badeeda caalamka oo dhan  UN ODC, YURY FEDOTOV oo dhamaadkii bishii saddexaad ee sanadkan 2011-ka socdaal ku yimid  caa simada Somaliland ee hargaysa,isla markaana la kulmay madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Ma xamed Maxamuud ( Siilaanyo), Waftigan ayaa ujeedadiisu tahay inay dhamaystiraan  waxyaab ihii hore qabyada uga ahaa kulankii waftigii hore ee uu hogaaminayay Mr. FEDOTOV oo ku  saab sanaa dedaalka caalamku ugu jiro la dagaalanka budh-cad badeeda iyo qaab-dhismeedka loo fulinayo hawlaha la xidhiidha la dagaalanka budh-cad badeeda.

Waftigan uu la kulmay Madaxweyne- Ku -Xigeenka JSL, Mudane (Saylici) waxaa ku wehelinayay wasiirka wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka Pro. Ismaaciil muumin Aar,Wasaiirka  wasaara dda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo  Wasii rka Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Dr: Sacad Cali Shire,waxaanay Xukuamada iyo waftig ani kawada hadleen doorka ay ku leedahay Somaliland hawlaha la xidhiidha ilaalinta badaha iyo wixii wax yeelaya Isu Socodka Dhanka badaha taas oo ay isku Af-garteen labada Dhinacba.

Xukuumada iyo waftigu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan kulamo kale oo Ambaqaad ah oo d eg-deg ah isla markaana jawaab cad ka bixinaya gocashooyinka Somaliland ee ku aadan doorka looga baahan yahay in ay ka qaadato waajibaadka ay bulshada caalamku ugu jirto la dagaal anka budh-cad badeeda.


 


ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL